LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

bidco miyaa mowliidka nabiga scw || ma banaan tahay ?


 Mowliidka Nabiga scw

Maqaalkena maanta waxaan jawaab ugu raadin doona mowliidka ama in dhalasho loo sameeyo suubanaheena scw .

Hadaan erayga mowliid fasirno waa in dhalasho loo sameeyo maalinta uu nabiga scw uu dhashay sida wadamo qaar laga sameeyo sida Gambia, Senegal iyo wadankeena somalia inkastoo culumo qaar ay isku qilaafeen in xaflad loo sameeyo suubanaheena csw ayaga oo ka tusaala qaadanaya shey kasta uusan rasuulka sameynin waa xaaran, hadii dhanka kale laga fiiriyana in ladhaho shey kasta uusan rasuulka sameeynin waa xaaran waa hadal laga fiican yahay maxaayelay anaga waxyaabo qaar oo aan hada samaeeno uusan nabiga xiligaas sameenin ayaa jira balse ma dhihi karno waa xaaran sababtoo ah nabiga scw ma sameenin.

Waxkasta ama shey kasta uu ilaaehey iyo rasuulkiisa reeben ayaa ladhahaa waa xaaran
hadii aad ku dhax sameyso shey kale diintaada sheygaasna uusan amrin ilaahey uusan amrin  
oo aan laga heleynin quraanka iyo xadiiska nabiga arinkaas diintaada ku saabsan hada sameyso waa bidco, hadaan fasirno erayga bidco waa shey cusub oo lasoo kordhiyay ama lasoo siyaadiyay.

Tusaale qof ayaa doonay in uu aadanka iyo aqimka kusoo daro  صلى ألله عليه وسلم lakin rasuulka ma sameynin .

Hadii aad shey ku darto diinta islaamka sheygaasna oo aanan laga heleynin quraanka iyo axaadista nabiga waa bidco, waxyaabaha quseeya islaamka waxaa kugu waajib ah inaad u noqoto quraanka iyo aqwaasha nabiga scw taasna waxaa cadeenaya hadalka nabiga wuxuuna yiri  "wixii quseeya diintada waxaa kugu waajib ah inaad ka fiirido quraanka hadii aadan ka helin waa inaad u noqotaa sunada hadii aadan sunadayda ka helin waxaa kugu waajib ah inaad u noqoto saxaabada kadibna jiilka taabiciyinta kuwaso imaden saxaabada gadashod kadibna taabici taabiciyinta sadaxdaas oo lo yaqaano salafu saalixin kuwaso faham sax ah ka heysta diinta islaamka " maxaayelay waxaa sii sax ah u fahmay quraanka nabiga scw kadibna saxaabada 
saxaabadana kuma aysan darin saliga aadanka xitaa taabiciyinta kuma aysan darin.

Hadaan u imaano arinkaan ku saabsan in xaflad loo dhigo nabiga scw arinkaasna waxay ka ak jirtaa kirishtanka ayagoo u sameeya xaflad masiix cisa cs, hadaan sida kale u dhigno lama helayo xadiis dhahaya waxaa waajib idinku ah in aad xaflad ii dhigtaan balse nabigu scw wuxuu dhahayaa saligagyga hala badiyo iyada oosan loo gaar yeelin hal bil balse uu dhahayo markasta igu saliya, hadana lama sheegin khulafaa'u raashidin sida Abii bakar, Cumar, Cusmaan iyo Cali oo u dhigeen xaflad xitaa saxaabada oo dhan .

Sidaas darteed hadaa dahdo waxaan rabnaa in aan xaflad u sameeno maalinta uu dhashay xabiibkena scw maxayelay nabigeena waan jecelnahay, adigu ma saxaabada ayaad nabiga ka jeceshahay jawaabtu waa may taasna waxaa na tusaysa hadal uu dhahay rasuulka scw wuxuuna yiri " hadii la saaro imaanka Abiibakar kafad iyo mizan imanka umada oo dhan lasaaro kafad iyo mizan laga soo reebo anbiyada iyo rususha imanka Abiibakar ayaa wuxuu ka culus yahay  imanka umada oo dhan marka laga reebo anbiyada " sidoo kale wuxuu ku sheegay cumar .

Sidaas darteed inaad nabiga jeclaato waa in uu warkisa kaala weynaado cid kasta marka laga reebo Alle swt waxa uu yir "قل إن كنتم تحبون ألله فإتبعوني يحببكم ألله" " waxaad ku tiraahda hadaad tihiin kuwa jecel ilaahey aniga isoo raaca ilaahey waa idin jeclaanaya " sidaas darteed qaabka loo xusayo nabiga oo ah in dhalasho loo sameeyo nabiga maxayelay asiga maxusin saxaabadan iyagana maxusin xitaa taabiciyinta maxusin taasna waxay na tusaysaa in goor danbe ay muslimiintu barteen 

Waxay soo bilaabmatay in nabiga dhhalasho loo sameeyo dawladii faadumiyinta xilligii dawlada masar kuwa ka talinaayay ee cubawiyinta oo ahaayen qolo shiico ah ayaa waxay keentay in laxuso lix mowliid : nabiga scw, Cali bin abiidalib, faadumo, xasan, xusayn iyo boqorka markii la riday dowladii shiicada ee markaa talinaysay ayaa waxaa la waregen qolo muslimiin ah waxayna isku raacen in nabiga laxuso kuwa kalena la iska dhaafo 
sidoo kale lama garanayo taarikhda saxda ah uu nabigu dhashay balse nabigu waxa uu inoo sheegay in uu dhashay maalin isniin ah maalintaasna wuu soomi jiray lakin waxaa la qiyaastaa in sanadka uu dhashay uu ku beegnaa sanadkii maroodiga bishana waxaa lashegaa inay tahay rabiicul-awal  maalintana waxaa la sheegaa 12 marka dib loo baarayna 12 isniin maku soo aadayso sidaa darteed kuwa qaar waxay dhaheen 9 ka kuwa kalena 8 sidaa darteed 12 ayaa noqotay warka ugu caansan balse xaqiiqada alle ayaa inooga ogaal badan


Waxaa soo diyaarshay team uu horkacayo
Sheekh Maxamad Axmad Abuukar










Post a Comment

0 Comments