Taarikhda KHaalid binu Waliid Rc
"Dumarku way ka caajiseen in ay dhalaan sida khaalid ibnu waliid" hadalkaas waxaa dhahay saxaabiga jaliilka ah Abiibakar sidiiq Rc , wuxuu ka qeyb galay in kabadan 100 dagaal waligiisna laguma jabin dagaal uu asiga uu hogaaminayay, waa hogaamiye dagaaled midka ugu wayn ee soo maray taarikhda waana hogaamiye ilaahey uu ku maneestay caqli,xeelad,dhagar iyo geesinimo ilaa uu geeray heer kuliyadaha ciidanka lagu dhigo xeeladaha uu soo adeegsaday, waana saxaabigii dartiisa ay u midoobeen Ruum iyo Furus oo ahaay quwadaha aduunka sida hada ay yihiin ruushka iyo mareykanka asiga oo awood u yeeshay in uu ka adkaado kaligiis ilaa ay gaareen heer ay ka argagaxaan sheegista magaciisa.
Magaciisa waa khaalid binu waliid binu muqiira binu cllaahi binu makhzuum binu yaqdac binu mura binu kacab, asiga iyo abtirsiga nabiga scw waxay ku kulmaan awoowaha 7aad.
Hooyada khaalid magaceedu waa lubaaba bintu al-xaarith waxayna la dhalatay hooyadii mu'miniinta maymuuna bintu al-xaarith
KHaalid ayaa lagu naanesaa abuu sulaymaan waxa uu ku dhashay magaalada maka al-mukarama waxaana la sheegaa inuu dhashay sanadkii 585m lakiin inta badan waxaa la isku raacay inuu dhashay sanadkii 592m 25 sano ama 30 sano kahor hijaradii nabiga scw asiga oo ka dhashay guri lagu yaqaanay hanti iyo maamuus.
Aabihiis waliid binu muqiira waa nin ilaahey uu ku deeqay maal iyo sharaf wuxuuna ka mid ahaa hogaamiyayaashii reer banii makhzuum ahna ragii dhinaca hogaaminta ugu sareeyay qureysh ilaa uu gaaray heer kaligiis uu sameeyo marada kacbada la saaro halka sanadka kale quresh oo dhan isugu tagi jirtay sameynta marada la saaro kacbada balse ilaaheygii sharftaas iyo maalkaas siiyay ayuu ku caasiyay asiga oo ka jaahil noqday ilaaheyna wuxuu inoogu sheegay quraan la aqrin doono ilaa qiyaamaha asigoo oranaya " ذرني ومن خلقت وحيدا,وجعلت له مالاممدودا, وبنين شهودا, ومهد ت له تمهيدا, ثم يطمح أن أزيدا, كلاإنه كان لإياتنا عنيدا سأرهقه صعودا " "isku keyna daa aniga iyo kaan abuuray, waxaanu u yeelnay xoolo badan iyo wiilal jooga, waxaan u waasiciyay risqiga, oo hadana damcay in aan u badiyo, saas ma aha kaas wuu diiday aayadkena, waxaana ku dhibi doonaa cadaab daran " alle sw ayaa inoogu waramay tilmaamahan waxna uma aysan tarin wiilasha iyo maalka wuxuuna kamid ahaa waliid dadkii sida xun u dhibay xabiibkeena muxamad scw sidoo kale asigoo ilaahey inoogu waramaya kibirkiisa iyo madax adeegisa inoogu sheegay quraanka wuxuuna yiri sidadan " ولاتطع كل حلاف مهين, همازمشاءبنميم, مناع للخير معتد أثيم, عتل بعد ذالك زنيم " wuxuu yiri sw " ha maqlin dhaar badane asiga oo dhan dulaysan, oo xanlow ah hadana isku diraa ah, kheyrka iyo xoolaha reebta gardaraale iyo dambiile isku ah, xumaantada ku madax adag, sidaasna wuxuu u sameenaya in uu xoolo iyo wiilal leeyahay " markay soo dagatay aayadkan ayuu inta uu seef soo qaatay ayuu aaday hooyadiis asigoo dhahaya maxamad intaas oo tilmaan ayuu igu tilmaamay lakin waxaan fahmi waayay inuu igu tilmaamay Zaniim kadib hooyadiis ayaa uga warantay xaqiiqda hadii kale wuxuu rabay in uu madaxa ka jaro nabiga scw.
KHaalid ibnu waliid dhalashadiisa kadib sida qureysh lagu yaqaanay aabihiis ayaa u diray reerihii daganaa baadiyaha si halkaas loogu soo nuujiyo uuno lasoo qabsado nolosha baadiyaha isaga oo dib ugu soo laabtay reerkisa marka uu jiray 5 sano, khaalid ayaa waxaa la sheega in ay la dhalatay 6 wiil iyo 2 gabar
KHaalid ayaa kusoo barbaaray noloshaas sharafta u saaxiba ayaa wuxuuna yaraantisa bartay fardafuulka sida lagu yaqaanay qoysaska sare balse khaalid ayaa la soo baxay firifrcooni, geesinimo iyo xirfad aan lagu arkin dhalinyarada asaagisa ahaay taasna waxa ay sababtay in khaalid laga barto fagaarayaasha dagaalka asiga oo ku caan baxay fardafuulka oo xiligaas ahaay gaadidka ugu fiican ee lagu dagaalamo waxaana la sheega khaalid binu waliid iyo zubayr ibnul cawaam ayaa lagu tilmaamaa inay ahaayen ragga kaliya iyagoo fardo saaran labo seef ku dagaalami jiray iyagoo kasbadeen xirfadaas yarantoodi .
Qabiilka reer banii makhzuum oo kamid ahaa qabiiladii ugu sareeyay uguna waaweynaa jaziirada carabta waxayna reer banii makhzuum ku dhex lahayeen magac iyo sharaf xiligii jaahiliyada qabiilkaas oo ay ka dhasheen rag badan oo kamid ahaa ragii ugu horeeyay islaamka sida Arqam ibnul arqam oo gurigiisu uu ahaa masjidkii ugu horeeyay ee islaamka iyo dugsigii ugu horeeyay ee lagu bartay diinta islaamka markii nabiga scw lasoo saaray
Adeerka khaalid ibnu waliid oo ahaa abuu umaya binu muqiira oo ah nin ku caan baxay xikmad iyo gar goyn waana markii qureysh ay ku dhawaatay in ay is disho markii la isku qabsaday cida dhagaxa madow ee kacbada booskisa dhigi lahayd xiligii kacbada dib loo dhisay ninkii keenay fikraddi ahayd in uu dhigo shaqsiga ugu horeeya ee kacbada soo gala in uu dhigo ilaa uu kasoo galay suubanheena Muxamad scw kahor inta aan risaalda loo soo dhiibin.
KHaalid ibnu waliid ayaa kahor islaanimadisa kamid ahaa raga naceybka daran u qabay diinta islaamka iyo nabiga scw isaga oo dadaalkisa inta ugu badan ku bixin jiray in diint islaamka la cirib tiro asiga oo ka qeyb qaatay dhamaan dagaaladii dhexmaray muslimiinta iyo gaalada marka laga reebo dagaalka badar oo uu ku maqnaa dhulka shaam inkastoo kaalin mug leh ka cayaaray jabkii soo gaaray muslimiinta dagaalkii uxud asiga oo ka faa'idaysaty 50kii saxaabi ee lagu amray in ay buurta kasoo degin ayaa waxay khilaafeen amarka nabiga scw meeshaasna waxaa fursad ka arkay ciidamadii fardoolayda ahayd oo uu hogaaminaayay khaalid binu waliid asigoo keenay xeeladii ahayd in dhabar jabin lagu sameeyo tirada yar ee kusoo hartay buurta wuxuuna u badalay guushii muslimiinta ay gaaren guuldaro halkaas oo ay ku shahiiden 70 saxaabi oo uu ku jiray imaamkii shuhadada ahaayna adeerkii nabiga scw xamza binu cabdullmudalib sidoo kale dagaalkaas waxaa dhaawac kasoo gaaray suubanaheen scw
KHaalid ibnu waliid ayaa sidoo kale kamid ahaa ragii soo weeraray magaaladii madiina ee dagaalkii axzaab ama khandaq isaga oo marar badan isku dayay inuu ka talaabo godkii dhufayska ahaay ee ay saxaabadu ugu talagaleen in ay ku difaacan magaalada madiina inkastoo dagaalka uu kusoo dhamaaday niyad jab xoog badan oo gaaray ciidankii gaalada markii ay ku guul dareesten in ay galaan magaalada madiina .
KHaalid ibnu waliid ayaa aad u necbaa islaamka asiga oo kaga dayday aabihiis oo naceyb daran u qabay nabiga scw, khaalid binu waliid ayaa hogaanka u haayay dagaalkii xudeybiya 200 oo faras yahaan oo ay qureysh ugu talagashay in ay ka hortagaan lana dagaalamaan nabiga scw iyo ciidankiisa oo u socday inay soo cumraystaan inkastoo dagaalka lagu badalay heshiis dhexmaray nabiga scw iyo quresh.
KHaalid ibnu waliid ayaa kaalmo badan kulahaa dagaaladii ay wadagaleen mushrikiinta iyo muslimiinta marka laga reebo dagaalkii badar oo uu ku maqnaay dhulka shaam dagaalkaas oo dhacay sanadii 2aad ee hijriga iyada oo lagu jabiyay gaalada muslimiintuna waxay awood u yeeshen in ay kasoo qafaashan 70 dagalyahan oo reer quresh ah 17 kamid ah 70 kaas ayaa ahaa reer banii makhzuum iyagoo u badnaa qaraabadoodii dhawayd ee khaalid ibnu waliid oo ugu horeeyo walaalkiis waliid ibnu waliid
Islaanimadii khaalid binu waliid Rc
Islaanimada khaalid binu waliid waxay bilaabmatay sanadii 6aad ee hijriga markii nabiga scw uu doonay in uu galo magaalada maka oo ay gaaladu u diiden nabiga scw, dib ayuu u laabtay waxaana lagu heshiiyay sanadii 7aad in uu soo laabto oo markaas uu cumreysto ilaa 3 maalmood oo ku nagaado magaalada maka.
kadib markii lagalay sanadii 7aad ee hijriga nabiga scw wuxuu soo galay xaramka wuxuuna arkay walaalkiis waliid ibnu waliid markaa ayuu waydiiyay aaway khaalid waliid na wuxuu ugu jawaabay ilaahey baa la imaan doona, rasuulkuna wuxuu yiri khaalid oo kale in islaamka jaahil ka noqda maahan lakin awooda uu leeyahay hadii uu muslimiinta uu lajirkooda noqdo oo gaalada kasoo horjeesado arinkaas ayaa u kheyr badan intaas kadib walaalkiis wuu orday meel kastana wuu ka raadiyay wuuna heli kari waayay, warqad ayuu u qoray asiga oo oranaya " rasuulka scw ayaa igaa kaa waydiiyay waxaana ugu jawaabay alle ayaa keeni doona wuxuuna igu yiri hadalkaas iyo hadalkaas ee walaal kagaar wixii kheyr ah ee kaa tagay" khaalid markii aysoo gaartay risaalada warqadii ayuu furay wuuna aqriyay wuuna ku farxay intaas kadib khaalid waxaa cajabisay oraahdii rasuulka scw asigoo marba mar ka danbaysa aad u xasuusanaayay
KHaalid sida ay caadadiisa ahayd habeen habenada kamid ah ayuu seexday iyada oo waliba habeenkan habeenada kale uga duwanaan doonta wuuna riyooday wuxuuna ku riyooday asiga oo ku sugan magaalo ciriiri ah hadana abaar ah oo aanan lahelaynin wax la cuno wuu ka soo tagay dhulkii ciriiriga ahayd wuxuuna usoo ambabaxay dhul waasac ah oo doog ah, riyadii ayuu ka soo toosay waliba asiga oo nafsadiisa dhahay tani waa riyo, marka uu madiino aado ayaa wuxuu u sheegi doonaa riyada abiibakar wuxuuna ugu fasiri doona " هومخرجك ألذي هداك ألله للإسلام " " soo bixitaankan aad soo baxday waa tii alle uu kugu hanuunin doono " islaamka ciriiriga aad ku jirtayna waa gaalnimadii aad ku sugnayd.
Riyadaas kadib khaalid wuxuu go'aansaday in uu galo safar uu ku aadayo magaalada madiina markii uu dhexda soo socday ayuu nafsadiisa la hadlay asigoo is oranaya waxan jeclestay in aan helo saaxib igu wehliya safarkaan oo aan ugu raaco magaalada madiina isla markiiba wuxuu la kulmay cusmaan ibnu dalxa wuxuuna u sheegay ujeedkisa asigana sidaas oo kale ujeedkisa ayuu u sheegay oo ah inay islaaman wayna isa soo raaceen cabaar ayaga oo wadada kusoo jira ayey meesha la yiraahdo bisahal ayaaa waxay kula kulmeen cumar ibnul caas markii ay is afgarteen ayna is ogaadeen in ayaga oo dhan ujeedkoda yahay in ay aadan magaalada madiina halkaasna loogu qabto shahaadada, weyna isa soo raaceen waxayn ay magaalada madiina ay soo galeen maalintii bishii safar ugu horeesay ee sandkii 8aad ee hijriga
Rasuulka scw markii uu arkay ama uu ogaaday in ay soo socdaan ragaan wuxuu yiri " walaahi quraysh waxay idin soo tureen beerkoodi " intaas kadib khaalid binu waliid ayaa u yimid rasuulka scw wuuna salaamay meeshaas ayaa loogu qabtay shahaadada asigoo islaamay kahor 6 bilood furashadii maka, laba bilood kahor duulaanki mu'tah
Marka uu khaalid binu waliid soo islaamay ayaa wuxuu gaadi jiray duulan uu la galo muslimiinta waxaana soo dhawaaday duulaankii mu'tah
waxaan waxyar kasoo qaadan doona dagaaladii uu galay khaalid binu waliid iyo xeeladihii uu adeegsaday
Duulaankii Mu'tah
Mu'tah waxay ku taalaa dhulka loo yaqaan jordan ama urdun iyadoo saa'id uga fog magaalada rasuulka scw marka loo barbardhigo ciidan lugaynaya
Sanadkii 8aad ee hijriga gaar ahaan bishii jamaadul awal boqortooyadii ruum ayaa waxay dileen ergay uu rasuulka scw uu diray waxayna saas sameeyen xilli uu islaanimada kusoo biiray seeftii alle ee galka laga saaray khaalid binu waliid rc asigoo soo islaamay laba bil kahor dagaalkii mu'tah wuxuuna sugaayay fursad uu ku dagaalamo, kadib heshiiskii xudeybiya uu lagalay nabiga scw gaaladii qureysh waxaa istaagay dagaaladii u dhaxeeyay qureysh iyo muslimiinta iyada oo diinta islaamka u faafaysay si tartiib tartiib ah .
Nabiga scw wuxuu diray ergooyin oo u kala diray madaxdii wadamadii ku hareeresanaa si ay usoo galaan diinta islaamka waxaana kamid ahaa saxaabiga lagu magacaabo xaarith binu cumeyr oo loo diray dhulka shaam intuu wadada kusii jiray ayaa waxaa wadada ku qabsaday nin ka tirsanaa dawladii biizandiya oo lagu magacaabi jiray sharaxbiil wuuna ka takhalusay ergaydaas dilkaas uu dilay waxay ka dhignayd iclaamin ama ogaysiin oo muslimiinta lagu ogaysiinayo inay dagaal wada galaan.
Markii looga waramay aqbaartaas nabiga scw wuxuu diyaariyay ciidan ka koobnaay 3kun wuxuuna hogaamiyayaal ugu doortay 3 hogaamiye, hogaamiyaha 1aad ayuu nabiga scw u doortay in uu noqdo zeyd binul xaarith hadii uu shahiidana hogaamiyaha 2aad oo u doortay jacfar bin abii daalib hadii uu shahiidana saxaabigaas waxaa hogaamiye 3aad laga dhigay cllaahi binu rawaaxa hadii cllaahi uu shahiidana nabigu wuxuu yiri ciidanka dhaxdooda ha iska doortaan hogaamiye waqtigaas khaalid binu waliid wuxuu ka ahaa askari caadi ah
Nabiga scw wuxuu kala dardaarmay in ay dilaan dumarka,caruurta iyo dadka gaboobay asiga oo waliba usii raaciyay in ay u sheegaan xaqa kuwa lala dagaalamayo haday qaatan in aan dhibaato la gaarsiinin, inta aysan soo gaarin mu'tah ayaa jawaasissta sharaxbiil arkeen ciidanka muslimiinta kadibna way u sheeegeen in ciidanka muslimiinta dhankooda usoo socdaan isagana ma suginee wuxuu codsi u dirsaday dawladii biizandiya oo uu waqtigaas ka talinaayay madaxwaynaha hiraqal asiga oo ku dhahaya dagdag ciidamo gurmad ha lay soo diro wuuna ka aqbalay wuxuuna u diray ciidan kor u dhaafaya 100kun oo dagaalyahan muslimiintuna waa 3kun oo dagaalyahan
Muslimiintu waxaa aqbaar kusoo gaartay in ciidamada gaaladu ay ka badan yihiin 100kun ayagoo bilaabay inay tashadaan sidee wax yeeli lahaayen lakin cllaahi binu rawaaxa ayaa istaagay wuxuuna yiri arinka nabiga ayaa xukumay waxaynu ku soconaynaa wadadii nabiga uu noo dajiyay sababtoo ah natiijadu waxay noqonaysaa mid wanagsan, muslimiintuna waxay halkaas ku qaateen go'aan adag iyagoo isku raacay inay 3kun kula dagaalamaan 100kun markii ay muslimiintu yimaadeen mu'tah gaaladuna way yimaadeen waana la is hor istaagay
Muslimiintu iyagaa bilaabay dagaalka iyagoo ujeedkoodu yahay in ay layaaban geesinimadooda qalbigooduna argagaxo, dagaalkii wuu bilowday ilaa laga soo gaaray maalinta 3aad waxaan shahiiday zeyd binu xaarith rc waxaana isla markaas calanka qabtay jacfar bin abiidalib markii ladilay hogaamiyihii ciidan jacfay waxaa sidoo kale badalay cllaahi binu rawaaxa lakin nasiib xumo markale ayuu calanka dhacay markii 3da hogaamiye wada shahiideen waxaa ciidanka muslimiinta ku dhacay wareer iyagoo wareersan ayaa saxaabi lagu magacaabo thaabit bin arqam ayaa calanka qabtay wuxuuna ula soo orday khaalid binu waliid asigoo dhahaya qabo calanka yaa abii sulayman lakin khaalid waa diiday wuuna ku celiyay asigoo dhahaya war adigaa igaaga xaqnimo badan, thaabit waa cudurdaartay lakin sidoo kale khaalid wuu ku celiyay asigoo dhahaya waxaa kamid tahay dadkii badar ilaa markii danbe thaabit uu ku dhahay adiga ayaa igaaga aqoon badan dhinaca dagaalka wuxuuna u qeyliyay ciidanka muslimiinta markaasu ku yiri raali maka tihiin in calanka qabto khaalid saxaabaduna waxay dhaheen haa wuuna qabtay calanka dagaalka
Nabiga scw oo sitoos ah u tabinaayay waxa kadhacaya goobta dagaalka ayaa halmar wuxuu dhahay calanka waxaa qabtay seef kamid ah seefihii ilaahey ee galka laga saaray
khaalid markii uu calanka la wareegay wuxuu ka fakiray in ciidankaan tirada badan siduu ugu badbaadin lahaay ciidamada muslimiinta waliba qaab kusalaysan guul ujeedkiisuna uu yahay in uu gaalada jabiyo muslimiintuna dagaalka kasaaro waliba iyada oo ladhabar jabin
Markii ay maalintii dhamaatay ee lagaaray habeenkii khaalid wuxuu dajiyay xeelad ilaa maanta laga dhigo kuliyadaha ciidanka waxayna noqotay in dib loo gurto oo ciidanka muslimiinta si nabad ah looga saaro iyadoo fikradaas u muuqatay mid aan macquul ahayn sababtoo ah waa ciidan aad uga tiro badan waxaana laga yaaba in ay dhabar jabin ku sameeyan hadaba si macquul looga dhigo arinkaas waa in aan fahanon qeybaha ciidanka, ciidanku waxay u qeebsameen 3 qeybood midig,bidx iyo dhexda isaga oo ku salaynaya inta maalmood ay joogeen maxaayeelay gaalada waxay barteen wajiyada bidixda muslimiinta kuwa midigtana iyo dhexda waxay barteen wajiyada kuwa ku aadanaa .
Khaalid binu waliid wuxuu amar ku bixiyay inay badalaan calankooda iyo maryahooda si gaalada loo dareensiyo inay yihiin dad cusub oo gurmad ahaan ugu imaadeen muslimiinta oo aanay ahayn kuwa la dagaalamaayay maalmahan halahaas kuma ekeynin koox kalana wuxuu amar ku siiyay inay tagaan ciidanka muslimiinta dhabarkooda meeshaasna ay ka kiciyaan boor si gaalada mar kale ay umoodaan in ciidanka muslimiinta u yimid gurmad
Markii la gaaray maalinti gaaladu way yaabeen iyagoo la yaaban wajiyada cusub oo aanan ahayn wajiyada la dagaalamayay maalmaahan ayaa kasoo hor baxay sidoo kale waxaa yimid ciidamadii la amray inay boor kiciyaan ayaa waxay kiciyeen boor gaaladuna waxay is yiraahdeen inta aad hurdaysayn ayaa waxaa u imaadeen gurmad maalintaasna gaaladu waxay u muuqdeen kuwa niyad jabsan muslimiinta ayaa waxay u muuqdeen kuwa ku gacan sareeya dagaalka, khaalid markuu arkay niyad jabka ka muuqda ciidamada gaalada ayuu wuxuu amray in dib loo gurto oo ay ciidanku ka baxaan goobta dagaalka gaaladuna waxay is waydiiyen sidee ayay dib ugu guranayaan iyagoo nooga gacan sareeya dagaalka waxayna ku fakireen in dabin loo dhigayo, hogaamiyaha gaalada wuxuu yiri yaan laga daba tagin waxaa laga yaabaa in ay dabin noo dhigaan
KHaalid sidaas ayuu ugu guulaysat qorshihiisa asigii goobta dagaalka si nabad ah uga soo baxshay dagaalkana kusoo guulaystay waxayna noqotay markii ugu horeesay ee taariikhda la arko ciidan dib u guranaaya hadana yihiin kuwa guulaystay
Duulaankii yamaama ama xadiiqatul mowt
Dagaalkii yamaama ama beertii geerida waa dagaal lagu riiqmay waana dagaal dadka ku dhinteen awgeed tog dhiig ah qulqulay waxayna noqotay xaaladii ugu adkayd ay muslimiintu la kulmaan waana maalin saxaabo badan ay rumeysteen inay tahay gabagabada islaamka waana dagaalkii ugu horeeyay ee khaalid binu waliid qarka u fuulay in lagu jabiyo.
Kadib geeridii rasuulka scw waxaa muslimiinta dhexdooda ka dhax dhacay xaalad aad u adag maxaayeelay carabtii intii badnayd islaamka ayay ka noqdeen iyadoo ka badbaadeen madiina iyo qeybo kamid ah maka iyo daa'if iyo qabiilo yar yar ayaa ka badbaadeen ridadaas iyadoo la sheego in intii badnayd ay ridoobeen waliba ay isku dayeen in ay is hor istaagaan ciidamada muslimiinta
Rasuulka scw waxa uu ka geeriyooday iyadoo jaziirada carabta oo dhan gacanta ugu jirto muslimiinta laguna fakiraayo in lala dagaalamo boqortoyadii ruum iyo furus taasna waxaa na tusaysa geeridiisa kahor waxa uu diray guuto uu hogaaminaayay usaama binu zayd waana guuto loo diray inay duulaan ku qaadaan boqortoyadii ruum oo ka talinaysay dhulka shaam arinkana wuxuu muujinayaa inay gacanta ku haayaan ciidamada muslimiinta jaziirada carabta oo aanan laga filaynin dhibaato lakin waxaa dhacay waxaanan la filaynin
Musaylamatul kadaab ayaa wuxuu diyaariyay ciidan tiradooda la gaarsiiyo 40-100kun oo askari oo waliba u badan dagalyahano reer bani xaniifa oo aan soo jeesan oo lagu yaqaano geesinimo,casabiyad iyo qabyaalad isku darsaday waana arin sababay in kibaaru saxaaba ay soo jeediyaan in ciidanka usaama lajoojiyo laguna wajaho qabiilooyinkan carabta islaamka ka noqday waxayna dhaheen caasimadii dowladii madiina ayaa qatar ku jirta, arinkaas ay soo jeediyeen saxaabada waxay u muuqatay arin sax ah maxaayeelay qeeb kamid ah carabta diinta ka laabatay ayaa waxay saldhig ka sameysteen meel aan madiina wax badan ka fogayn lakin madaxwaynihii muslimiinta abiibakar ayaa diiday asigoo dhahaya waxkasto haday dhacaan ma joojinaayi ciidan uu rasuuka diray, qabiiladaas carabta waxay iska indhotireen jiritaanka nin lagu magacaabo khaalid binu waliid waana saxaabi uu rasuulka scw ugu magacaabay seeftii alle ee galka laga saaray waana saxaabi aanan waligiis dagaal lagu jabinin xilligii jaahiliga iyo xilligii islaamka
Abiibakar rc ayaa wuxuu diray guuto uu hogaamiye uga dhigay cikrama bin abiijahal wuxuuna u diray dhinaca yamaama oo ah maanta deegan 60km u jirta caasimada sacuudiga riyadh waana meesha uu dagaalka ka dhici doono,cikrama ujeedka loo diray ma ahayn in uu dagaal galo maxaayeelay ciidankiisa iyo ciidanka musaylama iskuma dhigmaan waxaana loo diray in uu sugo ilaa ay kasoo dhameestirmayan guutoyinka muslimiinta waxaan laga daba diray guuto uu hogaaminaayay shuraxbiil lakin cikrama ma suginee wuxuuna galay dagaalka asiga oonan helin wax awaamir ah ayuu go'aansaday in uu la dagaalamo ciidanka musaylama katiro badan kana tayo badan maxaayelay qabiilkaas waxaa lagu yaqiinay geesinimo oo ah in ay yihiin kuwa sooma jeestaan ah marka loo barbardhigo ciidanka cikrama waxay u badnaayeen reer miyi oo aanan heysanin tababar fiican maalintaasna waxaa dagaalka lagu jabiyay ciidanka cikrama waliba jab laga naxo kuna qasabtay ciidanka muslimiinta dib uga soo laabtaan goobta dagaalka lakin abiibakar ayaa aad u carooday kadib markuu maqlay in ciidanka cikrama la jabiyay wuxuuna yiri "kuma dhihin dagaal qaad maxaaad u sugi wayday ilaa inta ay kaaga imaanayan shuraxbiil iyo khaalid ", shuraxbiil markuu imaaday goobta dagaalka wuxuu bilaabay in uu sugo khaalid binu waliid maxaayelay gaaladan xoog wax loogama qaadi karo in caqli, xeelad iyo geesinimo lagula dagaalamo maahane.
KHaalid binu waliid oo ay la socdaan 13kun oo u badan xufaada quraanka maxaayeelay waqtigaas quraanka lama jamcinin, dadka quraanka xifdisan waxay ahaayeen dad fara kutiris ah oo saxaabada sifiican looga dhax yaqaano, musaylama markuu maqlay in khaalid uu soo dhawyahay wuxuu ciidankisa dajiyay meel lagu magacaabo caqruba wuxuuna isugu yeeray dhamaan tolkiisa si ay dagaalka ugu qeyb qaatan wuxuuna aruuriyay ciidan lagaarsiyo 100kun oo isku darsaday madax adayg iyo qabyaalad xitaa waxaa kamid ahaa kuwa og in musaylama uu yahay beenlow nabiguna uu yahay runlow lakin qabyaalad iyo casabiyad ayaa ku qasabtay inay kabarbar dagaalamaan musaylama, khaalid binu waliid intuu wadada kusoo socday ayuu lakulmay guuto kamid ah carabtii diinta ka laabatay oo meel saxaro ah jiifaan lana gaarsiiyo in ay ahaayeen 50 nin dhamaantood qoorta ayuu ka jaray marka laga reebo nin lagu magacaabo mujaaca bin maraara oo ah hogaamiye qabiileed wuxuuna kamid ahaa reer banii xaniifa asigoo u dhaafay qaab siyaasadeed in uu bal qadariyo wanaaga iyo asxaanka loo sameeyay qabiilkiisuna uu dagaalka kasaaro taasna waxay ku tusaysaa in dagaalku uu yahay dhagar iyo xeelad oo aanan loo dagaalamin si indho la'aan ah
Taariikhdu markay ahayd 12H oo ku beegnayd 632m ayay ciidanka khaalid iyo ciidanka musaylama isku qabteen meel lagu magacaabo caqruba oo qeyb kamid ah yamaama markii uu dagaalku bilowday ayaa musaylama ku qeyliyay in maanta ay tahay maalintii ay dhiman lahaayeen in dumarkooda, caruurtooda iyo xoolahooda ay difaacdaan waxayna kamid ahayd dagaalkii ugu adkaa ay ciidamadu muslimiintu galaan halka ciidamada musaylama ay u dagalamayen dagaalkoodi ugu adkaa inkastoo muslimiintu ay adag tahay in ay dib u laabtaan xitaa haday dhamaantood dhimanayaan maxayeelay waxaa u muuqata jano balaceedu la eg yahay samada iyo dhulka waxayna u dagaalamaayeen si ay u shahiidaan taas oo dagaalka ka dhigtay in boholo dhiigag ah qulqulaan siduu dagaalka u socday ciidamada musaylama ayaa awood u yeesheen in ciidanka muslimiinta dib u riixaan ilaa ciidanka musaylama ay qabsadeen teendhada khaalid taasoo kadhigan in laqabsaday saldhiga ciidanka muslimiinta markay qabsadeen teendhadaas waxay ku arkeen ninkii mujaaca oo uu khaalid soo qabtay lana dilay ciidankiisa ninkaas oo ku sugnaa teendhada khaalid ayay ciidanka musaylama xoog kusoo daayeen waliba waxay qarka u fuuleen in ay dilaan xaaska khaalid binu waliid lakin mujaaca ayaa u diiday in ay dilaan
Saxaabadu heer waxay gaareen ay god qotaan si aanay ugu fakirin in ay cararaan dagaalka socda awgeed daalkuna waxaa ku jiray rag quraanka xifdisanaay oo waqtigaas ahaayeen dahab la ilaalinayo maxaayeelay waqtigaas quraanka hal masxaf laguma jamcinin waxaana dagaalkaas ku shahiideen 39 kamid ah xufaada waana arin sababay in abiibkar amro in quraanka hal masxaf la isugu keeno, qaar kamid ah xufaadaas ayaa marka uu dagaalka kululaaday ku qeylinaayay aaway ragii suuratul baqara quraankaas aad aqirnaysaan ficil u badala sidoo kale hadaladii saameynta ku yeeshay ama dhiiragalinta u noqday saxaabada waxaa kamid ahaa hadal uu jeediyay walaalka cumar binu khadaab oo lagu magacaabo zeyd binu khadaab wuxuu yiri "dadow maanta gowsaha isku qabta cadawgiinana la dagaalama mana hadli doono ilaa aan ku shahiido ama aan ka guulaysano" ilaaheyna wuxuu qadaray in uu dagaalkaas ku shahiido, dhiiragalintaas ayaa keentay in ay saxaabo badan ay sugnaadaan wayna xoogeesteen markay arkeen ciidanka musaylama in ciidanka muslimiinta marba marka ka danbaysa ay sii xoogaysanayaan waxay ku aruureen beer leh darbiyo dhaadheer oo hal laga galo leh albaabkuna way xirteen beertaasna waxaa lagu magacaabay beertii geerida markay albaabka xirteen saxaabi lagu magacaabo baraa binu maalik oo ah walaalka anas binu maalik ayaa yiri gaashaanka igu qaada kadibna igu dhax tuura meel u dhaw albaabka beerta si aan idinkaaga furo albaabka, beertaasna waxaa kujiray ciidanka musaylama oo kumanaan ah waana lagu tuuray asigoo ku dhacayaan waramo iyo seefaf ayuu albaabka furay inkaastoo dagaalkaas uu kasoo gaaray ku dhawaad 100 dhaawac markuu ka furay albaabka ayaa waxaa kusoo yaacay ciidanka muslimiinta waxaa lasheegaa in khaalid uu xiray albaabka furahana uu ku tuuray banaanka si ay muslimiintu ugu fakirin inay cararaan
Meeshaas waxaa ka dhacay dagaal ka daran dagaalkii ay banaanka kusoo galeen waxaana meeshaas lagu baabi'iyay ciidanka musaylama oo asiga naftiisa kamid yahay waxaana dilay saxaabi lagu magacaabo waxshi binu xarbi oo ahaay ninkii dilay xamza bin cabdimudalib dabcan xiliga uu dilaayay xamza wuxuu ahaay gaal kadib dilka musaylamatul kadaab ciidankiisa inta soo hartay way niyad jabeen saxaabaduna badankood qoorta ayay kawada jareen
Musaylamatul kadaab inta dagaalka uga dhimatay waxaa la sheegaa in ay ahaayeen 21 kun halka 1200 ciidanka muslimiinta ku shahaado qaateen dagaalkaas oo ay kamid ahaayeen abii xudayfa, dufayl binu caamir al-dowsi, zeyd binul khadaab, saalim mowlaa abii xudayfa, abii dujaana iyo rag badan oo kamid ahaayeen kibaaru saxaaba
Duulaankii yarmuuk
Dagaalkii ugu waynaa ee dowladii islaamka la gashay boqortooyadii ruum wuxuuna kamid ahaa dagaaladii ay galeen ciidamadii muslimiinta wuxuuna ahaa dagaal tiro ahaan iyo saanad ahaanba laga badnaa muslimiinta balse ay gaareen guul uu la yaabay qof walba oo daalacda ama aqrista taariikhda wuxuuna ahaa dagaal socday 6 maalmood oo xariir ah labada dhinacna aysan waxba isku reeban tabar iyo xeeladba wuxuuna ahaa dagaal bilow u ah jabkii romanka kuwasoo kubaxay gacantii dowladii islaamka oo uu horkacayay khaalid binu waliid
kadib geeridii rasuulka scw abiibakar ayaa la wareegay khilaafada horayna ka bilaabay in uu fuliyo dardaarankii nabiga scw wuxaana bilowday furashooyinkii ay muslimiintu ku furanaayeen dhulka shaam iyo ciraaaq oo ay ka talin jireen awoodihii ruum iyo furus, waxaa jiray awoodo badan oo ku hareeresanaa dowladii islaamka kuwasoo laga yaabay in ay khatar galiyaan muslimiinta, jihada waqooyi bari waxaa ka talinaayay ciidankii xooga badnaa ee faarisiyinta halka waqooyi galbeedna ay ka talinaayeen hraqal iyo boqortooyadiisa ruum hadaan usoo laabano gudaha jaziirada carabta oo ay ka talinaayeen muslimiinta waxaa ka socday dagaaladii ridada oo dagaaladii lala galay qabiilooyinka carabta ee diinta ka noqday kadib geeridii rasuulka scw
Muslimiintu markii ay furteen fariisinkii ugu waynaa ee faaris kadibna waxay ku xajiyeen dawladii biizandiyinta ee ka talin jirtay shaam sidoo kale waxay furteen magaaladii busra halkaas kuma aysan ekeynine waxay galeen dagaalkii lagu magacaabo ajaanadiin halkaas oo ay ku furteen magaaladii dimishiq intii ay muslimiinta go'doonka ku haayeen dimishiq waxaa geeriyooday abiibakar rc waxaaana khilaafada la wareegay cumar binul khadaab markii uu la wareegay cumar talada wuxuu hogaanka ka qaaday khaalid binu waliid asigoo u dhiibay abii cubayda caamir binul jaraax kadib muslimiintu waxay furteen magaalooyinka ximis iyo bacla
Madaxwaynihii boqortoyadii ruum hiraqal oo ka faa'idaysanaya dagaaladaas tirada badan ay dowlada islaamka ku jiraan sidoo kale dareensanaa in lagu soo wajahan yahay wuxuu go'aansaday in uu diyaariyo ciidan aan tiradiisa taariikhda horay loo arkin waxaana la sheegaa in uu diyaarinaayay ciidankaas mudo 9 sano ah tiradoodana waxaa lagu qiyaasaa in ay ahaayeen 170kun ilaa 220kun kuwaas oo ay howshoodu tahay in ay cirib tiraan dowladii islaamka wuxuuna hogaamiye uga dhigay walaalkiis fahaan sido kale amiirkii cumar binu khadaab ayaa wuxuu diyaariyay ciidan tiradooda ay u dhaxayso 30kun ilaa 40kun oo dagalyahan wuxuuna hogaamiye uga dhigay abii cubayda
Hogaamiyii muslimiinta abiicubayda rc ayaa hogaaminta si buuxda ugu wareejiyay hogaaminta khaalid binu waliid rc asiga oo uga tanaasulay aqoonta uu u leeyahay hogaaminta dagaalka iyo xeeladihiisa darteed, markii lagaaray 15kii bisha 8aad 636m uu ku beegan 15H waa maalintii ay wada kulmeen ciidanka muslimiinta iyo kuwa roomanka waxaana la isku arkay goobta loo yaqaano yarmuuk oo ku taalo xuduuda dalka suuriya, muslimiintu waxay kusoo galeen shax ka koobnayd dhexda oo uu hogaaminayay abii cubayda, bidixda oo hogaamiye looga dhigay yaziid binu abii sufyaan iyo midigta oo hogaamiye looga dhigay camar binul caaas dhabarkoodana waxaa joogay ciidankii fardoolayda oo uu hogaaminayay khaalid binu waliid si uu kor u gala socdo dagaalka markastana uu heegan ugu ahaado xoojiyana meesha ay ka jilcaan muslimiinta sidoo kalana daraasad ku sameeyo dhaqdhaqaaqa ciidanka romanka si uu ugu hortago xeelada ay kusoo dagaal galayaan wuxuuna sahan saday meelaha ay ka jilcan yihiin oo laga jabin karo
Markii lagaaray maalintii 1aad waxaa layskugu yimid goobta dagaalka sida lagu yaqaanay dagaaladii xligii hore waxaa layskugu soo bixi jiray mubaarazo oo loola jeedo in ciidanka muslimiinta iyo kuwa gaalada ay iska soo dhax saaraan sadax nin oo geesiyaal ah, roomanku waxay aaminsanaayeen in ciidanka muslimiinta aysan lahayn wax xirfad dagaal ah lakin waxaa argagax ku noqotay markii ragoodi ugu geesisanaa uguna xirfada badnaa dhinaca dagaalka hortooda qoorta looga jaray taas oo roomaniyiinta ku sababtay in ay joojiyaan dhaylsiga ay ku wadaan ciidamada muslimiinta intaas kadib waxaa bilawday dagaalka, hogaamiyaha roomanka wuxuu soo fasaxay 3 meelood oo meel kamid ah ciidankiisa si uu u ogaado ciidamada muslimiinta meelaha ay ka jilacsan yihiin iyo meelaha ay ka xoogan yihiin sidoo kale waxaa xusid mudan dhamaan ciidamada muslimiinta ay la ekaayen halka meel ay la dagaalmayeen waana la is galay dagaalkaas ayaa socday ilaa uu gabalku ka dhaco waxaana lagu kala laabtay furiimihii dagaalka ayadoo dagaalka kusoo dhamaaday barbar dhac oo aan lakala awood ronaanin
Markii lagaaray maalinitii 2aad ee dagaalka boqorka roomanka fahaan ayaa go'aansaday in uu dagaal ku qaado waabariiska ama xilli hore lakin wuxuu lakulmay ciidamada muslimiinta oo diyaarsan una xiran yihiin difaacyadoodii dagaalka wuxuuna ilowsanaa in ciidanka muslimiinta uu hogaaminayay khaalid binu waliid oo ahaay nin aad u caqli badan sifiican u yaqaanay dagaalka sidoo kale ahaay hogaamiye daji yaqaan shax dagaal wuxuuna saadalin karay talaabta ay qaadi karaan cadawgiisa meeshaas waxaa ku fashilmay qorshihii fahaan oo uu ugu talagay in uu sameeyo gaatin lakin markay ka fashilmatay wuxuu bilaabay in ciidamadiisa isugu geeyo dhinaca bidix si loo maleeyo in uu xooga saaray dhinaca bidix markuu dagaalku bilowday ayaa ciidamadii roomanka dib ugu soo laabanayay dhinaca bidix ayagoo u soo badanaya dhinaca midig oo uu hogaaminaayay camar binul caas, khaalid binu waliid ayaa kor kala socday dagaalka wuxuu arkay in si tartiib tartiib looga awood ronanayo ciidanka midiga wuxuuna usoo ambabaxay dhinaca midig asiga oo wata fardooley wuuna xoojiyay dhinaca laga adkaan rabay taas oo u suurto galisay in dhinaca laga awood roonaa rabay ay bilaaban in ay dib boorka iskaga jafaan kuna sababtay ciidamada gaalada in ay sameeyaan dib u gurasho, inta uu khaalid ku mashquulsanaa dhinaca midig waxaa culays soo koray dhinaca bidix waxayna sameeyeen ciidamadii ku sugnaay dhinacan in ay dib u gurtaan ilaa ay ciidanka roomanka ay kasoo gaareen teendhoyinkii ay joogeen dumarka waxayna bilaabeen dumarka muslimiinta in ay dhagaxaan ku tuuraan ragii kuna qayliyaan si ay ugu dhiiradaan in dagaalka ay dib ugu noqdaan taasna waxay u suurto galisay ciidamadii dib u gurashada sameenayay in ay dagaalka dib ugu noqdaan kuna soo laabtaan meesha dagaalku ka dhacaayay waxaana kor ka arkay khaalid binu waliid in culays saaran yahay dhinaca bidix wuxuu ciidamadii fardooleyda ahayd ukala qaybashay labo qayb, qayb wuxuu hogaamiye ugu dhigay daraar binu awzar wuxuuna u diray garab siinta dhinaca bidix qaybta kale ee soo hartayna oo uu asiga hogaaminayay waxay kusoo biireen dhinaca bidix, taasna waxay u suurto galisay in ay dib u durjiyaan ciidamadii roomanka sidoo kale daraar binu awzar ayaa soo dilay hogaamiyayaashii ugu ee ciianka romanka oo lagu magacaabayay dureyjaan, waxaana halkaas ku fashilmay qorshihii ay ugu soo talagaleen maalinkaas ha noqoto gaadmadii, weeraradii ay kusoo qaadeen dhanka midig iyo u weydaarsashadoodii dhinaca bidix iyo dhexda waxayna ku noqdeen fariisimahoodii ayagoo aad uga niyad jabsan in ciidan ay ka tiro badan yihiin toban jeer ay ka adkaadaan iyo dilkii hogaamiyihii ay ku xisaabtamayeen ee durayjaan
Maalintii 3aad ee dagaalka waxaa mar kale weerar soo qaaday ciidamadii roomanka iyagoo weerar xoogan kusoo qaaday guutadii midig iyo kuwii bartamaha oo uu aaminsanaa boqorkii fahaan in meeshaas ay ka jilcan yihiin muslimiinta si uu halkaas marka kowaad ay usoo baabi'iyaan waxayna awood u yeesheen in ay dib u durjiyaan ciidamadii ka dagaalamayay midigta iyo bartamaha sidii caadada ahayd khaalid oo kor ka fiirsanaayay ayaa wuxuu arkay in laga awood roonanayo ciidamadii midigta iyo dhexda wuuna usoo ambabaxay si uu u xoojiyo dhinacyada muslimiinta laga adkaanayo ayagoo laba qayb u kala baxeen qayb uu hogaaminayay daraar iyo qaybta kale oo asiga hogaaminayay waxayna kusoo galeen dagaalka firfircooni waxayna awood u yeesheen in ay dib usoo ceshtaan difaacoodii sidii uu dagaalku u socdaba waxaa dhacay gabalkii waxaana meeshaas kusoo dhamaaday maalinkii 3aad ee dagaalka
Maalintii 4aad fahaan wuxuu go'aansaday in uu soo afjaro dagaalka kana guulaysto muslimiinta wuxuuna soo celiyay qorshihiisa uu ku bartilmaamaysanayay dhinaca midig ee ciidamadii muslimiinta oo uu aminsanaa in uu mar hore ka takhalusi lahaa hadii uusan joogi lahayn khaalid sidii caadada ahayd in khaalid iyo fardoolayda oo markasta garab siinayay dhinaca laga awood roonaado ayaa gaashaan u noqday kana caabiyay duulaankii xooganaa ee uu fahaan kusoo qaaday wuxuuna khaalid sameeyay xeelad dagaal wuxuuna u kala qeybiyay ciidamidiisa labo qeybood, qeyb garab siisa dhinaca dhexe iyo qeyba kale ee soo hartay oo asiga hogaaminayay oo ku biirtay dhinaca bidix inkastoo romanka ay xooga saareen dhinaca midig lakin khaalid ayaa fursad u arkay in uu asiga ku gacan sareeyo dagaalka wuxuuna awood u yeeshay in dhinaca bidix oo ahayd kuwa ugu awooda yar ee ruum in uu soo afjaro waxayna guutadii midig ee ruum in ay dib u gurasho sameeyaan waxayna ugu dan lahaayeen in ay ku xoojiyaan dhinaca bidix lakin nasiib darro inta ay ku wajahnaayeen dhinaca bidix ayaa khaalid fursad u arkay in ay dhaxda gashadaan taasna waxay dharbaaxo xanuun badan ku noqotay ciidamdii ruum waxaana halkaas looga dilay tiro badan oo kamid ah ciidamadoodii, inta ay ku mashquulsanaayeen ciidamada muslimiinta dagaalka, hogaamiyihii fahaan ayaa aad uga xanaaqay jabka soo gaaray ciidankoodii asiga oo ka faa'idaysanaya mashquulkooda wuxuu amray ciidamadii ugu shiishka fiicnaa in qaansooyin ama leebab ku ridaan ciidamada muslimiinta asiga oo u sii raaciyay in ay bartilmaamaysadaan indhaha si uu u indho tiro ciidamadii muslimiinta nasiib darro xeeladaan foosha xun ayaa sabab u noqotay in ciidamo badan ay mid kamid ah indhahooda ku waayaan lakin cikrama bin abiijahal iyo afar boqol oo nin oo naftii hurayaal ah ayaa go'aansadeen in ay badbaadiyaan ciidamadii muslimiinta waxaana kamid ahaa ragaasi wiilkiisa cllaahi binu cikrimah, daraar binu awzar iyo adeerkiisa xaarith binu hishaam qorshahooduna wuxuu ahaa in ay gudaha u galaan safafka gaalada si ay u qarqar galiyaan muslimiintuna ay u helaan waqti ay markale isku diyaariyaan markii ay ragaasi weerar dag dag ah ku qaadeen gaaladii waxaa mashquul galisay ciidamada ruum ragaan soo galaya safafkoodii dhanka kale waxaa muslimiinta ka dagay culayska iyo cadaadiska badnaa waxaana u suurto gashay in ay nidaamiyaan safafkoodii oo waliba dhaawacyadooda qaataan dibna u adkeeyaan difaacodii, cikrima binu abii jahal iyo ragii la socday oo naftooda hurayaal ahaay halkaas ayay badankooda ku shahiideen iyagoo muslimiinta ka badbaadiyay jab wayn oo soo gaari lahaay sidaasna ayuu gabalkii kusoo dhacay ciidan kastana wuxuu ku noqday fariisinkisa
Markii lagaaray maalinkii 5aad ee dagaalka hogaamiyihii romanka fahaan waxa uu arkay in ciidamadiisa ay aad u niyad jabsan yihiin una muuqdaan kuwa daalan inkastoo ay katiro badnaayeen balse tiradooda ay ku xaqiijin waayeen wax guul ah oo la taaban karo kadibna waxa uu go'aansaday in uu ergay u diro khaalid binu waliid asigii soo dhiibay dhanbaal ah in la joojiyo maalmo dagaalka lakin khaalid ayaa dareemay in ay niyad jabsan yihiin waxuuna garawsaday in lagaaray jabkii romanka waxa uuna ogaaday in aysan haysanin kalsooni ay dagaalka kusii wadaan lakiin khaalid ayaa ugu jawaabay in ay sugu la'yihiin gabagabada dagaalka xiligaasna aysan diyaar u ahayn joojinta dagaalka intaas kadib khaalid wuxuu go'aansaday in xeeladii hore ee dagaaalka ay wax ka badalaan wuxuuna go'aansaday in uu markaan asiga weerarka ku qaado waxa uuna diyaarsaday ciidan fardoolay ah oo tiradoodu gaarayso 8kun oo dagaalyahan wuxuuna ku xoojiyay safkii guutadii midig kadibna asiga wuxuu wajahay ciidamadii bidixda oo uu maalintii hore sifiican u jilciyay halkaas kuma uusan ekaynin koox kale oo fardoolay ah oo shan boqol oo dagalyahan ah habeenimadii ayuu si qarsoodi ah ayuu diray wuxuuna u diray meel yar oo wabiga lagaga gudbo taas oo ku taalo ciidanka romanka dhabarkooda wuxuuna ugu talagalay in hadii ciidamada roomanku ku fakiraan in ay cararaan ay ciidamadani dhabarjabin ku sameeyaaan kadibna ay dhaxda gashadaan
Markii lagaaray maalinkii 6aad ee dagaalka khaalid waxa uu weerar xoogan ku qaaday guutadii bidix ee romanka bilawgii hore ee dagaalka ciidanka romanka waxaa ka muuqday niyad jab iyo daal halka ciidanka muslimiinta u dagaalamayeen si aan wali loo arkin waxaana ka go'nayd in ay guulaystaan waxayna u daateen difaacyadii iyo safafkii gaalada, cumar binul caas oo ahaa hogaamiyaha guutada midig ee muslimiinta waxa uu si xoogan u riixay ciidankii romanka halka khaalid iyo fardoolayda la socotay ay la dagaalamayeen bidixda romanka waxayna ku guulaysteen in ay dib u durjiyaan guutadii bidix ee romanka markii saa'id loo cadaadiyay waxay u muuqdeen kuwa jabay sidoo kale saxaabiga lagu magacaabo sharaxbiil ayaa bilaabay weerar sadaxaad oo uu kusoo qaaday bartamaha midigta xiga si loogala wareego qolada bidixda lajabiyay ee romanka dhexdana looga qabsado qorshahaasna waxaa soo dajiyay khaalid binu waliid sidoo kalena waxay noqotay tan dagaalka dib u rogtay oo bartamihii bidixda romanka waa lagu jabiyay waxayna ku dhawaadeen inay cararaan, khaalild waxa uu sugaayay inta ay xaaladu halkaas gaarayso wuxuuna lasoo baxay koox fardoolay ah oo ka soo saaray dagaalka waxa uuna gadaal kala soo wareegay guutadii bidixd ee gaalada kuwasoo u muuqday kuwa jabay waxa uuna doonayay in aysan midna ka baxsan, hogaamiyhii fahaan marka uu arkay qatarta khaalid uu soowado waxa uu amar siiyay fardoolaydiisa wuxuuna ku amray in ay iskugu yimaadaan bartamaha ciidankiisa si ay halkaas usoo xoojiyaan weerarna ku qaadaan muslimiinta lakin inta ay fardoolayda is diyaarinayeen waxaa ku yimid fardoolayda khaalid waxaana ku dhacay ciidanka romanka argagax waana la jabiyay taasna waxay ku tusaysaa in la jabiyay guud ahaan ciidanka roomanka, khaalid iyo fardoolayda la socotay markale waxa ay weerar ku qaadeen saldhiga fahaan intaas kadib gaaladu waxa ay bilaabeen in ay dib u gurtaan inta ay dib u guranayeen waxay gaareen wabiga oo hadan uga horeeyo ciidan meeshaas loogu diyaariyay taasna waxa ay ka dhignayd dhimasho labaad iyada oo horay iyo gadaal laga soo weeraray waxayna u jabeen si aan cidna malaysan karin, qaar kamid ah waxay isku tuureen wabiga qaar kalana waxa ay heleen wado kale halka intooda badnayd waxay ku dhaceen gacanta muslimiinta waxaana laga dhigay mid la dila iyo mid la qafaasha sidoo kale waxaa halkaas lagu dilay hogaamiyihii ciidanka roomanka fahaan ama mahaan waxaana looga dilay dagaalkaas ciidanka romanka 50kun - 70kun oo askari waxaana laga qafaashay 10kun-20kun oo maxbuus
Dagaalkaas waxa uu noqday dagaaladii ugu waawaynaa ee taariikhda la galay waxa uuna noqday dagaal wax laga barto ilaa maanta muslimiintuna waxa uu ilaahey gacanta u galiyay guul waxaana meeshaas ku rumowday balan qaadkii nabiga scw oo ahayd in muslimiintu maalin ay furan doonaan ruum iyo furus
Dagaalada uu galay khaalid ma ahan mid lasoo koobi karo waxaana kamid ahaa dagaalda uu galay uuna waliba ku furtay boqortooyadii furus dagaal lagu magacaabay ulays oo ahayd maalin uu nadar ku galay in uu wabiga uu u badali doono dhiig sidoo kale khaalid binu waliid ayaa ahaa hogaamiyihii furaha u haayay in islaamku gacanta ku dhigo dhulalka ciraaq, faaris, shaam iyo ruum isagoo ka gudbay dhufayso badan oo ay adkayd in laga gudbo hasa yeeshee xeeladihiisa dagaalka ay u saamaxaeen ciidamdii islaamka in ay dhaafaan
Dhimashadiisa
KHaalid binunwaliid rc kuma uusan dhimanin dagaaladaas gaarayeen in kabadan 100 dagaal korkiisuna ay yarayd in lagu arko meel aan seef ku aalin waxayna wadaada taariikhda sheegaan sababta uu ugu dhintay firaashkiisa in ay ka danbaysay naaneestii waynayd ee uu rasuulku ku magacaabay taas oo ahayd seef kamid ah seefihii alle ee galka laga saaray suurta galna ma ahan in seef alle lagu jabiyo goob dagaal waxaana hubaal ah in seef kasto ay jabto marka laga reebo tan alle
Maalin maalmaha kamid ah khaalid oo jooga magaalada xiira oo haraadsan hadana la isku sumaynayay ayaa lagu yiri " إحدر ألسم فقال لهم فأتوني به فأخذه بيده ثم قال بسم ألله واقتحنه فلم يضره " war ka tikitonow suntan ay wadaan cajabtan wuxuuna ku dhahay ii keena waana loo keenay gacantiisa ayuu ku qabtay wuxuuna yiri bismillah wuuna qurquriyay, asiga oo jooga magaalada ximsa 18kii bishii ramadaan sanadkii 21H kuna beegnayd 642M ayuu geeriyooday geesigii waynaa ee islaamka kahor geeridiisa marka uu sakaraatka usoo xaadiray ayuu ilmeeyay asiga oo ka xun in uu ku geeriyoonaya sariirtisa wuxuuna yiri waxaan ka qayb galay 100 dagaal iyo wax u dhigma korkaygana hal taako kuma taal ilaa waxaa lagu dhuftay seef ama waxaa lagu soo tuuray waran ama waxaa lagu duray waran maantana waxaan ku dhimanayaa gogoshaydii sidii uu geela u dhinta oo kale
Waxaa si wada jir ah usoo diyaariyay team oo uu hor kacayo SHeekh maxamad axmad abuukar
0 Comments