Afeef
Asalamu calaykum walaalaha aqristayaasha, maanta waxaa maqaalkeena jawaab ugu raadin doonnaa su'aal ay dad badan isweydiyeen taas oo ah ; sababta uu nabiga scw uu u guursaday caa'isha iyada oo jirta sagaal sano, waxaynu ogsoonahay in nabiga scw lagu daray caasha iyada oo jirta lix sano lana aqal galay iyada oo jirta sagaal sano, dadka su,aalahaan is waydiiya waxay leeyihiin ujeedooyin waxaa jira kuwa ujeedkoodu yahay inay dadka u xumeeyaan diinta islaamka, isku dayaya in uu shaki galiyo maskaxdeena halka kuwa kale ujadeedkoodu yahay inay bartaan diinta islaamka, si kastaba ha haatee kuwa raba inay maskaxdeena shaki galiyaan waa in aan ka fogaanaa oo aan siinin wax dareen ah balse hadaynu dhahno waa isku dayeenaa waxaa laga yaabaa in uu danbi kaa soo gaaro hadaba si aan ugu fogaano danbiyadaas waa in aan la kaashaana waxyaabaha ka dhax guuxaya maankeena dadka uu ilaaheey cilmiga siiyay " diinta kuma dhisna caqli ee waxay ku dhisan tahay cilmi "
Sababta uu nabiga scw u guursaday caasha iyada oo jirta sagaal sanno
Su'aasha ah sababta uu nabiga scw uu u guursaday asiga oo jira 53 sano caasha oo jirtay waqtigaas 9 sano hadaba adiga oonan ku dhicin xeyndaabka shaydaan waa in aan fiirinaa kahor guurka caash, nabiga scw waxa uu guursaday khadiija marka uu jiray 25 sano halka khadiija ay ka waynayd nabiga scw 15 sano taas oo micnaheedu tahay in uu guursday iyada oo jirta 40 sano wuxuuna kusii baaqi ahaaday khadiija xiligii dhalinyarnimadiisa waliba asigoo ku qanacsan haweeney ka wayn waxayna jirta waqtiga ay dhimanaysay 65 sano waliba nabiga scw waxay noqotay sanadkii ugu murugada badnaa ee uu nabiga scw uu lakulmay ilaa sandkaas loogu magac daray sanadkii murugada
Marka uu nabiga scw ay ka dhimatay khadiija waxa uu guursaday haweeney ka wayn ama lagu qiyaaso inay ahayd da'diisa oo lagu magacaabo sawda bintu zamca waxayna ahayd carmal oo kaligeed ah maadaama waqtigaas uu ka dhintay sayigeeda waxaana lagu qiyaasa in uu nabiga scw uu jiray 50 sano hadaba hadaynu fiirino inta uu nabiga scw uusan guursan caasha, saxaabi lagu magacaabo mudcam ayaa waxa uu usoo jeediyay abiibakar in uu ku daro wiilkiisa oo lagu magacaabi jiray zubayr marka uu abiibakar diiday waxaa hadana usoo jeediyay nabiga scw, hadaba waa maxay sababta uu nabiga scw uu usoo jeediyay sababtoo ah Eebe wuxuu amray in uu guursado iyada oo waxyi ah wuxuuna arkay sawirkeeda labo jeer qaab waxyi ahaan hadii sida kale loo fiirsho waxay ahayd gabadha saaxiibkiisa waxayna rabeen inay xoojiyaan xiriirka ka dhaxeeya labadooda
Waa maxay sababta uu u guursaday iyada oo jirta da'daas maxayeelay waqtigaas waxay ahayd caadi in gabadha la guursado xiliyaadaas walina waxay ka jirtaa dhaqankaas wadamo qaarkood sida kyrgztan oo gabadha loo guursado 10-13 iyo kuwo kaleba
0 Comments