LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Macluumaad ku saabsan dalka Holland || Netherlands

 Macluumaad ku saabsan dalka Netherlands 

Asalamu calaykum walaalaha aqristayaasha maanta maqaalkeena waxaan ugu hadli donaa xaqiiqooyin ku saabsan dalka Netherlands inkastoo somalidu iyo dadyow qaar ah u yaqaanaan Holland balse aysan magaca rasmiga ah waxaana kasoo xiganay ilo kala duwan waxaana kusoo koobi dona bartaan hadaba kusoo dhawaada warbixinta maanta

Netherlands waa dal dhaca galbeedka Yurub waana mid saaran badwaynta atlantic gaar ahaan bada waqooyi (north sea) wuxuuna xad lawadagaa dalkan dalalka kala ah Germany iyo Belgium wuxuuna xadka ugu dheer ah lawadaagaa dalka Germany 


Bedka dalkaan waxaa lagu qiyaasaa 41,850km2, boqortooyada dalkani waa ay qaybo badan tahay waxaana hoos tagaan ilaa afar dal oo ay Netharlands kamid tahay halka sadaxda kale ay dhacaan jaziirado mandaqada karibiyanka ee waqooyiga America waana jaziiradaha kala ah Aruba, Curacao iyo sint Maarten jaziiradani waxaa lawadaaga dalka France waana halka ay xadka dhuleed kawadagaan Netherlands iyo France sidoo kale waxa jira jaziirado dhaca mandiqada kaaribiyanka oo ay boqortooyada Nehterlands u aqoonsan tahay balad maamul madax banaan leh waana jaziiradaha Bonaire, Saba iyo saint Eustacious 

Dadku waxay u yaqaanaan dalkan magaca Holand lakin midaasi maahan magaca saxda ah ee dalkan, dalkani waxa uu ka kooban yahay 12 gobol laba kamid ah ayaa la yiraahdaa North Holand iyo South Holand meesha ay dhacaan labadaan gobol waxay ahaayeen taariikh ahaan meesha ay dhaqaalo ahaan ku tiirsanaan jirtay boqortooyada dalkaan waxa uuna noqonayaa macno ahaan magaca Netherlands dhulalka hooseeya sidoo kale dhulka dalkaan kuma badna buuraha wuxuuna inyar ka sareeyaa ama la siman yahay heerka biyaha bada waxaana rubac kamid ah dhulka dalkaan kasii hooseeyaa heerka biyaha bada wuxuuna dalkaan kamid yahay dalalka qatarta ugu jira in ay aad u saameyso isbeddelka cimilada maadaama inbadan oo dhulka dalkan uu ka hooseeyo heerka biyaha bada wuxuuna taariikh u leeyahay fatahaadyo burburiyay guryo badan islamarkaana dilay inkabadan tobonaan kun oo ruux sidoo kale dhulka sareeya dhanka koonfur bari oo kaliya ayaa lagu arkaa waana taagag aan aad u dhereyn waxaana lagu magacaaba halka ugu sareysa ee dhulkan Vaalserberg 


Wabiga ugu dheer dalkaan waxaa lagu magacaabaa Rhine wuxuuna dalkan kamaraa dhul gaarayaa 1230km sidoo kale harada dalkan waxaa lagu magacaabaa IJssel waana harada ugu weyn dalkan


Dalka Netherlands waxay kamid tahay wadamada dunida ugu horeeya marka la fiirsho dhanka beerashada waxayna ku jirtaa kaalinta 2aad marka laga soo tago mareykanka 



Post a Comment

0 Comments