Waxa aynu maqaalkeena maanta kuula wadaagi doonaa qaar kamid ah xogaha dalka Japan, magaca dalka japan waxaa loola jeeda qorax kasoo bax maadama dalkaan uu dhaco bariga qaarada Asia waana dal jaziirado ah oo ka kooban ilaa 6800 jaziiradood waxaana kamid ah jaziirad uu kaliya ku nool yahay xayawaanka bakaylaha waxaana lagu qiyaasaa dalka ku nool dalka Japan ilaa 126-127 milyan halka badka dalkan uu gaarayo 378,000 km waxaana lix jeer kawayn bedka dalka sacuudiga waxaana sadax jeer kawayn bedka dalka Masar waxaana ku nool bedkaas aadka u yar 126milyan iyagoo wax dhibaato ah ku qabin, dalkani waxaa joogta ka ah musiibooyinka dabiiciga ah sida duufaanada, foolkaanoyinka iyo dhulgariirada waxaana sanadkii ku dhufta sanadkii 1500 oo darbo oo dhulgariir ah waxayna iqtiraaceen guryo u dhisan qaab plastic ah oo aan dumayn si ay uga gaashantan arimahan dabiiciga ah
wuxuuna dalkaan kamid yahay dalalka ku horumaray tiknoolajiyada wuxuuna sameeyay kacdoon dhaqaale isagoo awood u yeeshay in uu galo kaalinta 2aad ee dhaqaalaha caalamka waana dalka ugu badan ee leh sumadaha ganacsi sida TOYOTA, SONY, TOSHIBA iyo waliba HONDA, hadaba dalkani uu dhaqaalihiisu sareeyo malahan wax ilo dhaqaale ah oo dabiici ah sida shidaalka balse waa xirfadlayaal maskaxdooda maala sidoo kalena ku tiirsan kheyraadka bada ku hareereesan wuxuuna caan ku yahay dalkani tareenada sida rasaasta u xawaareeya kuwaas oo saacadii jari kara ilaa 300km sidoo kale dalkani 70% dhulka uu ku fadhiyo waa buuro waxaana lagu magacaabaa buurta ugu dheer Fuji
Taariikhda dalka Japan
Marka aynu maqalno
magaca dalka japan waxaa nagu soo dhaco in uu yahay dalka soo saara
tiknoolajiyada noocyadooda kala duwan uguna casrisan gawaari, robotyo iyo
waliba hal-abuuryo oo caqliga bani'aadamka malaysan karin ayay sanad walba soo
saartaa dalka Japan ilaa heer lagu tilmaamay in uu yahay dalkaasi meero ka
baxsan meerahani aynu ku noolnahay ee dhulka lakin marka lafiirsho sanado kahor
maysan ahyn sida ay hada tahay balse waxa ay ahayd dal guuldarestay oo lagu
jabiyay dagaal uu aduunka oo dhan ku dagaalamayay waxaana la qeybsaday
dhulkiisa sidoo kale intuu dagaalka socdayba waxaa dhulka lagu daray labo
magaalo oo kamid ah maagooliyinkii ugu dadka badnaa ee lagu magacaabo Hiroshima
iyo Nagasaki waxaana lagu tilmaamaa in ay ahayd midii ugu foosha xumeyd ee uu
aadamuhu sameeyo ayaa lagu sameeyay dalkani waxayna dhaxalsisay dhacadadaasi
nucleir ka ah dhimasho boqolaal kun oo dadkeeda ah sidoo kale kuwii
kabadbaadayna dhacdadaasi waxay noqdeen naafo waxaana isbedel ku yimid
qaabdhismeedka jirkooda iyo jirka kuwii ay dhaleen waxaana intaas sii dheera
waxay noqdeen kuwo gaajo iyo sabool ah waxayna noqotay dal aan madax banaanayn
oo la gumeysto
Dal walba waxaa jira
rag iyo dumar isku xilqaamaay soo noolayantiisa kuwaas oo kasoo qaaday meel
hoose gaarsiiyana meel sare sida dalka Malaysia, Singapore iyo waliba dalka
Turkiga dhamaantood waxay ahaayeen dal helay halyeeyo curiyay guushooda sidoo
kale Japan ayaa kamid ah dalalka ku yaala dunidan ee ay horumarkooda curiyeen
mid kamid ah dhalinyaradeedii waxaana kamid ahaa dhalinyarada usoo halgamay
dalkaasi Take Osahira waxa uu ahaa arday bartayna maadada loo yaqaano
mechanical engineering waxa uuna dhameeyay darajada 2aad ee kuliyadan wuxuuna
kamid noqday tiro arday oo ay xukuumadaasi u dirtay dalka dibadiisa si ay wax
usoo bartaan una soo diyaariyaan darajada phd ga waxaana loo diray Take Osahira
iyo saaxibadiisa dalka lagu magacaabo Jarmalka si ay wax uga soo bartaan
jaamacad kamid jaamacadaha dalkaasi hadaba markii ay yimaadeen jaamacadii
waxbarashiidan ay bilaabeen Take waxaa loo dhiibay buug wayn isaga iyo
saaxibadiisa si ay usoo aqriyaan una soo xifdiyaan waxa uu baranayay waxay
ahayd mechanic oo ah sida ay ushaqeeyaan matoorada hadaba marka laga hadlayo
barashada maadadaasi waxa ugu muhiimsan ee qodka bani'aadamka u baahan yahay
waa practice ama itus iyo itaabsii lakin sidii xiligaasi jirtay dalalka
horumaray maysan ogalayn inuu cid kale sitoos ah u baro farsamoyinka noocan oo
kale ah taasna waxay ka dhigtay Take Osahira mid aqriya dhamaan buugaagtii
markii uu dhameeyay sifiican u fahmay waxa uu bilaabay in uu u guda galo
fulinta waxa uu bartay lakin mahaysan matoor uu ku tijaabiyo aqoontisa taasna waxay
ku kaliftay in uu raadiyo meel lagu iibiyo matoor waxa uuna sikadis ah u helay
goob lagu soo bandhigo matoorada lagu farsameeyo dalka talyaaniga wuxuuna
go'aansaday in uu aado goobtaasi waxaana laga yaabay in uu kasoo helo waxa uu
raadinayay
Marka ay dowladu soo
diraysay Take Osahira iyo saaxiibadiisa waxa ay ahaayen koox arday ah waxaana
hogaaminayay nin kaas oo u ahaa hage ama maamule waxayna qaadan jireen bilwalba
gunooyin lacag ah si ay ugu maareeyaan noloshooda lakin Take Osahira ma ahayn
mid lawadaaga maamulaha dhamaan waxa uu sameenayay wuuna ka qariyay hadaba
markii uu aaday goobtii lagu soo bandhigayay matooradii waxa uu arkay matoor
aad u yar markii uu ogaaday qiimaha matoorka waxa ay u dhigantay qiimaha
lacagta u harsanayd bishaas oo dhan waxaana hubaal ah marka uu qofku umuuqdo
yool ama hadaf uu ka indha la'yahay dhamaan caqabdaha soo wajaha waxa uuna
go'aansaday in uu ku iibsado lacagtiisa matoorkaasi hadaba markii uusoo
iibsaday uuna kusoo laabtay gurigiisa waxa uuna soo qaatay buugaagta ay siiyeen
jaamacada waxa uuna ka raadiyay sawirada matoorka si uu uga helo sawir u
qeexaya waxyaabaha uu ka kooban yahay matorkani si hadii uu u furfuro ay fudeed
ugu noqoto dib isugu celintiisa lakin kama helin wax asiga qanciya taasna waxay
ku kaliftay in uu soo qaato warqad waxa uuna ku sawiray matoorkii wuxuuna
bilaabay in uu furfuro markii uu furo bool walba iyo qayb walba waxa uu ku
sawirayay warqadii kadibna waxa uu sameenayay lambar u gaar ah si uu markale
dib isugu celiyo waxa ayna ku qaadatay furfurkiisa iyo dib isugu celintiisa
saddax maalmood waxa uuna seexanayay saacado kooban waxa uuna wax cunayay hal
waqti si uusan uga mashquulin hawlihiisa kadibna markii uu matoorkii dib isugu
celiyo waxa uu bilaabay in uu tijaabiyo waxa uuna ku rogay furihii markii u
shidayna waxa uu maqlay guuxii uu ku riyoonayay in uu maqlo wuuna ku guulaystay
Farxad dartiis waxa
uu u tagay ninkii maamulka u ahaa waxa uuna u sheegay isku daygiisa markii uu u
sheegay maamulkiisa waxa uu ku yiri waan ku tijaabinaynaa waxana kuu dhiibayaa
matoor ciladaysan waxaana kaa rabaa in aad soo ogaatid cilada meesha ay ka jirto
sidoo kalena aad soo hagaajisid wuuna ogolaaday Take Osahira wuxuuna geystay
matoorkisa qolkiisa waxaana u bilaabmatay in uu raadiyo matoorka meesha uu ka
ciladaysan yahay waxayna ku qaadatay tobon maalomood in uu ogaado cilada uu
qabay matoorkaasi kadibna wuu hagaajiyay waxa uuna ku badalay qalab uu isaga
gacantiisa ku sameeyay markii ay tijaabiyeen uuna shaqeeyay wuxuu bilaabay Take
in uu barto sida loo sameeyo biraha iyo agabka uu ka kooban yahay matoorka
maxaayeelay waxay ahayd waxa uu bartay markii hore sida la iskugu geeyo iyo
sida la iskugu xiro qaybaha uu ka kooban yahay matoorka wuxuuna u jiheestay
warshad ay ka hawlgali jireen tumaalada biraha sameeyo si uu uga barto sameynta
biraha, ninkii loo soo diray jaamacada ee macalimiintisa jaamacada ku rareen
boqolaalka buug si uu usoo xifdiyo waxa uu isku badalay tumaal barta sida
biraha loo tumo waxa uuna sida shaqeele ugu adeegi jiray ragii baraayay
mihnadan xitaa wuxuu ugeyn jiray cuntada waxayna ku qaadatay sideed sano in uu
barto xirfadaasi wuxuuna shaqayn jiray sideedasi sano ugu yaraan maalintii 15
saacadood habeenkina waxa uu ahaa waardiye markii ay u dhamaatay
waxbarashadiisa waxaa ogaaday boqorka Japan waxa uuna usoo diray lacag gaaraysa
5000 oo gani oo ahayd lacagtii ingiriiska si uu ugu soo iibsado qalab uu ku
furto warshad markii uu soo iibsaday waxa uu dib ugu soo laabtay dalkiisa Japan
markii uu yimid waxaa loo sheegay in uu sugayo boqorka si uu ula kulmo uguna
hambalyeeyo lakin waxa uu ugu jawaabay dadkii dhaheen sidaa wali ma mutaysan ugu
horreyn aan shaqeeyo kadib ayaan is arkeenaa, Take Osahira waxa uu bilaabay in
uu dhiso warshadiisa ugaarka ah waxa uuna ku haminayay in ay Japan noqoto dal
farsameeya matoorada waxayna ku qaadatay sagaal sano oo xariir ah oo uu si adag
u shaqeenayay si uu ugu xaqiijiyo himiladiisa uu ku taamayay, Take Osahira waxa
uu aaday qasrigii laga maamuli jiray dalka Japan asiga oo wada toban matoor oo
dhamaantood lagu farsameeyay Japan markii uu arkay boqorkii matoorada uu
farsameeyay Take Osahira wuxuu yiri hadal caan noqday oo ahayd " maanta
ayaan hantinay awooda reer galbeedka " kadib markii uu kasoo noqday
qasrigii boqorka waxa uu sheegay in uu seexday tobon saac oo xariir ah waxayna
ahayd 15sano markii ugu horeesay oo uu waqti halhaas ah seexdo
0 Comments