Asalamu calaykum walaalaha aqristayaasha, maanta maqaalkeena waxaan jawaab buuxda ugu raadin doonnaa farqiga u dhaxeeya suniyinta iyo shiicada,
Tirada dadka shiicada waxaa lagu qiyaasaa inkabadan 200 milyan halka suniyiinta lagu qiyaaso todobo laabka shiicada oo ah 1.5 bilyan waana kooxda ugu wayn uguna tirada badan, wadamada ugu badan ay shiicadu ku nool yihiin waa Iran, Ciraq, Baxrayn iyo Lubnan hadaba kala qaybsanaanta ugu wayn ee suniyiinta iyo shiicada waxa ay ka dhalatay cida hogaaminaysa qilaafada muslimiinta kadib geeridii nabiga scw, bulshada muslimiinta suniga ah waxa ay rumaysan yihiin in hogaamiyaha muslimiinta uu noqon karo qof kasta oo muslim ah oo karti iyo aqoon leh halka shiicadu ay rumaysan tahay in hogaamiyaha muslimiinta uu noqonayo qof u dhaw qaraabada nabiga scw gaar ahaan imaam Cali iyo fariciisa waxayna shiicada u arkaan qalad wayn kadib markii ladoortay Abiibakar kadib geeridii nabiga scw, hadaba sida la isla wada og yahay waxa aynu qirnaa shahaadada marka la fiirsho suniyiintu waxa ay qirsan yihiin in Alle kale oo xaq lagu caabudu uusan koonkaan saarnayn marka laga reebo ilaahey nabiguna oo yahay rasuul ilaahey uu soo diray balse marka la fiirsho shiicada waa ay kawada siman nahay halahaas balse ayagu waxa ay ku daraan in Cali uu yahay waliga ilaahey waxa ayna raaciyaan marka ay adimayaan sidan ( وأشهد أن عليون ولي ألله ) taas oo micnaheedu yahay in ay rumaysan yihiin in Cali RC uu yahay waliga ilaahey .
Hadaba marka la fiirsho madaahibta ay raacaan suniyiinta kaliya waa afar madhab oo kala ah shaafici, xanafi, maaliki iyo xanbali balse marka la fiirsho shiicada kooxdoodu ugu badan waxa ay raacaan isnaa cashariya waxa ayna isku tilmaamaan in ay raaceen ahlu baytka sidoo kale waxaa xusid mudan in ay leeyihiin madhab ugaar ah oo loo yaqaano jacfari, suniyiintu waxa ay xusaan ciidaha waaweyn sida ciidul fidriga iyo ciidul adxa balse marka la fiirsho shiicadu waxa ay xusaan ciidahani sidoo kale waxa ay si gaar ah u xusaan maalmaha muhiimka u ah sida caashura oo ah maalinta la xuso shahiidnimada imaam xuseyn waxa ayna u tix galiyaan in ay tahay maalinta ugu muhiimsan ee taariikhda shiicada, sidoo kale marka la fiirsho goobaha barakaysan ee suniyiintu waxaa kamid ah magaalada maka iyo madiina balse marka la fiirsho shiicada waxa ay leedahay goobo kale oo barakaysan oo ka baxdan maka iyo madiina waxa ayna kasoo barakeystaan magaalada najaf iyo kambala ee dalka Ciraaq halkaas oo uu ku yaalo qabriga imaam Cali iyo imaam Xuseyn iyagoo sameeya booqashadaas sanad kasta, suniyiinta iyo shiicada waxa u dhaxeeya farqi weyn marka la fiirsho dhinaca hogaaminta, suniyiintu waxa ay taageersan yihiin nidaamkoda dowliga ah oo ah mid ku dhisan shareeco iyo wadatashi halka shiicadu ay rumaysan tahay in hogaamiyaha uu noqdo imaam laga soo doortay qoyska nabiga hadba cidii xigto Ehul baytka waxaana la sheegaa in Iran uu yahay dalka kaliya ee ku dhaqmo nidaamka kaninaak oo ah mid ku salaysan imaamnimo
Bulshada muslimka ee suniyiintu waa kuwa ilaaliya sunadii nabi Muxamed scw iyo dhaqankii saxaabada balse marka la fiirsho shiicadu waxa ay isku arkaab in ay yihiin kuwa ilaalinaya dhaxalkii Ehlu baytka iyo diinta islamka waxa ayna ka saaraan saxaabada sidoo kale marka la fiirsho tafsiirka quraanka waxaa jiro farqiyo waaweyn ee u dhaxeeya suniyiinta iyo shiicada, tafsiirka shiicada waxa ay ku salaysan tahay aragti taas oo loola jeedo in aayadaha quraanka in ay leeyihiin micno qarsoon oo uu kaliya fahmi karo imaamka oo laga wado in aayadaha quraanka oo uu fahmi karo kaliya dadka Ehlu beytka waxa ayna u arkaan qof jaahil ah kan aan aqoonin ama aan wax ka baranin Ehlu baytka balse marka la fiirsho suniyiintu waxa ay ku salaysan tahay tafsiirkoda qaab axaadista saxiixa ah iyo fahamka saxaabada iyo sidoo kale mid ku salaysan ijtihaad ama dadaalka culumadii hore lakin marka la fiirsho tafsiirka shiicada sidaas waa uu ka duwan yahay waxa uuna ku salaysan yahay fahamka Ehlu baytka ama qoyska nabiga waxa ayna rumaysan yihiin in imaamyadu ay leeyihiin aqoon gaar ah oo ay ku heleen hanuun toos ah oo uu uga yimid Alle waxa uuna ku salaysan yahay tafsiirkoda axadista iyo hadalada imaamyadooda waxa uuna tilmaamayaa in micnaha qarsoon ee aayadaha quraanka ee imaamyadu in ay kasoo dhaxsaran iyaga oo raacaya raadadka taarikhda tusaale suuratul axzaab aayada 33 waxa uu dhahayaa sidani ( ku sugnaada guryihiina hana u wareegeysanina idinkoo is faydaya sidii jaahiliyadii horreysay salaadana ooga sakadana bixiya Eebe iyo rasuulkisana adeeca, Eebe waxa uu doonayaa in uu xumaanta idinka taksiiyo, Ehlu baytka idin daahir yeelo ) aayadani waxa ay ku fasiraan sida suniyiinta sida Ibnu kathir waxa ay rumaysan yihiin in Ehlu baytka aaydani uu Alle ku sheegay in ay ku jiraan dhamaan xaasaskii nabiga scw, gabadhiisa Faatima, wiilashiisa Xasan iyo Xuseyn iyo sidoo kale inta ku xeeran qoyska nabiga marka la fiirsho tafsiirka shiicada sida tafsiirka Al-qumi iyo tafsiirka Al-miza ee uu qoray Calaama waxa ay rumaysan yihiin in Ehlu baytka aayadani Alle uu ku sheegay waliba si gaar ah kaliya in ay ka hadlayso Faatima, Cali, Xasan iyo Xuseyn iyo imaamyada kale ee kasoo farcamay waxa ayna sheegaan in aayadani ay muujinayso martabada gaarka ah ee imaamyada kuwii raacay Cali bin abii daalib
Qilaafyadani waa kuwa farac ah oo korka laga arki karo waxaana jira kala duwanaansho aad u badan oo u dhaxeeya suniyiinta iyo shiicada oona ku saabsan dhinaca caqiidada, fakirka, tafsiirka quraanka iyo madhabyada ayaa u dhaxeeya hadaba kala duwanaanshahani ayaa loo arkaa inay tahay mid taarikhi ah umana muuqda in uu si fudud uu ku dhamaanayo
Diyaarintii : sheekh Mucaad Yuusuf Bagalow
0 Comments