Isbeddelka cimiladu waxa uu tilmaamayaa isbeddelada waaweyn ee ku yimaada qaababka cimilada ee dhulka oo ugu horreyn loo nisbeeyo hawlaha aadanaha sida gubashada shidaalka, xaalufinta dhirta iyo hababka warshadaha, dhaqdhaqaaqyadaani waxay sii daayaan gaasaska aqalka dhirta lagu koriyo sida kaarbon laba ogsaydh kaas oo ku jira hawada dhulka ku xeeran ama jawiga, isbeddelka cimiladu waxa uu tilmaamayaa isbeddelada waaweyn oo waara ee celceliska jawiga cimilada muddo dheer caadi ahaan tobonnan sano ilaa malaayin sano waxa ayna ka kooban tahay kulaylka caalamiga ah oo ay hor kacayaan qiiqa bani'aadamka ee gaaska aqalka dhirta lagu koriyo iyo isbeddelada baaxada leh ee ka dhashay qaababka cimilada,
hadaba qaybaha muhiimka ah ee isbedelka cimilada waxaa kamid ah :
1: Kulayllka caalamiga ah (Global warming ) : kororka celceliska heerkulka sare ee dhulka taas oo loo aaneeyo kor u kaca gaaska aqalka dhirta lagu koriyo sida kaarbon carbon dioxide (CO2), methane (CH4) iyo nitrous oxide (N2O)
2: Isbeddelada qaababka cimilada : isbedelada dhacdooyinka cimilada sida duufaano soo noqnoqda oo daran, abaaro, kulayl iyo isbeddelada qaababka roobabka
Waxyaabaha sababa isbeddelka cimilada
1: Awood abuur ( Generating power ): dhalinta korontada iyo kulaylka huraya sida shidaalka fosilku waxa ay sababtaa qayb wayn oo ah qiiqa caalamiga, korontada inteeda badan waxaa laga dhaliyaa gubashada dhuxusha, saliida ama gaaska taas oo soo saarta kaarboon laba oksaydh iyo nitrous oxide
2: Warshadaynta alaabta ( Manufacturing goods ) : warshaduhu waxay soo saaraan qiiq inta badan ka gubanaya shidaalka fosil si ay usoo saaraan tamarta samaynta waxyaabaha sida sibidhka, birta, xadiidka, elektrooniga,, balaastikada,dharka iyo alaabo kale. macdanta iyo hababka kale ee warshadaha ayaa sidoo kale sii daaya gaasaska, mashiinada loo isticmaalo habka wax soo saarka ayaa inta badan ku shaqeeya dhuxusha, saliida ama gaaska iyo walxaha qaarkood sida balaastikada ayaa laga sameeyaa kiimikooyin laga keenay shidaal fosil ah, warshadaha wax soo saarka ayaa ah kuwa ugu waaweyn ee wax ka geysta qiiqa gaaska aqalka dhirta lagu koriyo ee adduunka oo dhan
3: Goynta keymaha ( Cutting down forests ): jarista keymaha si loo abuuro beero ama daaqsiyo ama sababo kale dartood waxay sababtaa qiiqa maadaama geedaha marka la gooyo ay sii daayaan kaarboonka ay kaydinaayeen, sanad kasta qiyaastii 12 milyan oo hektar oo kayn ah ayaa la baabi'iyaa, xaalufinta dhirta oo ay wehliso beeraha iyo isbeddelada kale ee isticmaalka dhulka ayaa masuul ka ah qiyaastii rubuc kamid ah qiiqa gaaska
4: Isticmaalka gaadiidka ( using transportation ): baabuurta, kuwa xamuulka, maraakiibta iyo dayuuradaha waxay ku shaqeeyaan shidaal fosil ah taasi waxay ka dhigaysaa qayb wayn oo kamid ah gaaska aqalka dhirta lagu koriyo gaar ahaan qiiqa kaarbon laba oksaydh, baaburta wadooyinka ayaa ah kuwa ugu badan iyadoo ay ugu wacan tahay gubista badeecooyinka ku salaysan batroolka sida shidaalka, gaadiidka ayaa ah ku dhawaad rubuc kamid ah qiiqa kaarbon laba oksaydh ee la xiriira tamarta adduunka, isbeddeladani waxay tilmaamayaan koror wayn oo isticmaalka tamarta gaadiidka sanadaha soo socda
5: Soo saarista cuntada ( Producing food ): soo saarista cuntada waxa ay keentaa in ay sii daayaan kaarbon laba oksaydh, methane iyo gaasaska kale ee aqalka dhirta lagu koriyo, siyaabo kala duwan oo ay kamid yihiin xaalufinta beeraha, soo saarista bacriminta iyo digada wax lagu bacrimiyo sida digada lo'da iyo digada idaha, isticmaalka waxaas oo dhami waxay ka dhigayaan wax soo saarka cuntada mid wax wayn ka tari doona isbeddelka cimilada
1: Heerkulka kulul ( Hotter temperatures ): sida heerka gaaska aqalka dhirta lagu koriyo ayaa kor u kaco sidoo kale heerkulka dusha sare ayaa kor u kaco, ku dhawaad dhammaan aagagga dhulka waxay arkayaan maalmo kulayl badan iyo mowjado kulayl ah, heerkulka oo kor u kaca wuxuu kordhiyaa cudurada kulaylka la xariira sida cudurka loo yaqaan fuuqbaxa ( Dehydration ) wuxuuna ka dhigayaa shaqada banaanka mid adag
2: Duufaanno aad u daran ( More severe storms ): duufaanada wax burburiya ayaa noqday kuwo aad u xooggan oo kusoo noqnoqda wadamo badan marka heerkulka kor u kaco sidoo kale qoyaano badan ayaa soo baxa kaas oo uga sii dara roobabka iyo daadadka taasina waxay keentaa duufaano badan oo waxyeelo leh, duufaanada noocaan oo kale ah yaa inta badan burburiya guryaha iyo bulshada kuwaas oo sababa dhimasho iyo khasaaro dhaqaale oo aad u wayn
0 Comments