Asalaamu calaykum walaalaha aqristayaasha, ereyadu waxay sharaxi karaan waxyaabo aan la sharaxin sidoo kale ereyadu waxay sifeen karaan wax walbo oo koonkaan saaran sida buuraha, badaha waaweyn, qalcado xoog badan lakiin markay ereyadu u yimaadaan si ay u tilmaamaan tan xalaasha ah, daacada ah, xaqa ku taagan taas oo ah xaaska nabiga scw ereyadu waxay ku guuldaraystaan inay sameeyaan cadaalad, sidee ereyadu u sifeyn karaan haweeney uu Alle uu ka dhigay marwada janada, waana hogaamiyaha dumarka, nabiga scw wuxuu yiri waxaa jiray rag badan oo gaaray kaamilnimada bani'aadamka si kastaba ha ahaatee waxaa jira afar kaliya oo kamid ah haweenka oo gaaray heerkaas waxaana kamid ah haweeneyda aan maanta rabno inaa uga hadalno maqaalkeena, waxay ahayd haweeney jeclaatay markii qureysh naceen, nolosha ayay la wadaagtay markii dadku diideen, waxay siisay maalkeedii markey dadku ku dhageen xoolahoodii oo ay diideen inay wax la qaysadaan, waxay ahayd mid u qalbi qaboojisa markasta uu dhib ku jiro, wayna u nastexeyn jirtay markay gaaladii qureysh ku eedeeyeen in uu been sheegayo hadaba qofka aynu ka hadlaynu waa hooyadii mu'miniinta, umul-qaasim, gabadha uu dhalay khuweylid ibnu asad ibnu cabdul cuza ibnu qusay ibnu kilaab al-qurayshiy al-asadiy waxayna ahayd hooyada ilmaha u dhashay nabiga scw marka laga reebo ibraahim
Qureysh waxay ku sifeyn jireen khadiija inay tahay ubaxa maka waxayna ahayd xiligii jaahiliyada marwadii qureysh, waxay guursatay labo jeer kadib markii ninkeedii labaaad uu dhintay waxay diiday inay guursato markale, waxay noqotay haweeney maalqabeen ah waxayna ku caan baxday caqli iyo garasho nabiguna scw wuu u shaqeyn jiray waliba asigoo ka baayacmushtari jiray maalkeeda waxayna ahayd mid ku faraxda wax walba uu nabiga scw uu sameeyo inkastoo nabiga scw uu ahaa qof daacad ah hadana aamin ah waxayna jeclaatay shaqsi ahaantiisa
Noloshii hore ee khadiija bintu khuweylid RC
Khadiija bintu khuweylid oo ahayd qof caan ka ah taariikhda islaamka waxay horraantii ku dhalatay magaalada maka sanadka markuu ahaa 555 miilaadiga iyadoo ka dhalatay qabiil kamid ah qabiilada la ixtiraami jiray waqtigaas gaar ahaan qabiilka Asad, aabaheed khuweylid waxa uu ahaa hogaamiye iyo ganacsade guulaysta taas oo kahdiija u ogolaatay inay kusoo dhexbarbaarto noloshaas mudnaanta u saaxiiba sidoo kale hooyadeed waxaa lagu magacaabi jiray faaduma bintu zaa'idah oo kasoo jeeday qabiilka lu'ay ee qureysh, khadija nolosheedi hore waxa ay ku suntanayd sharafta uu ku dhax lahaa nasabkeeda qureysh waxay ay ahayd qof wax baratay oo xiligaas waxa ay kamid ahayd dumarka farta lagu taaga iyadoo ku caan baxday garaad, xikmad iyo akhlaaq adag, dabeecadahaasi waxa ay ka caawiyeen in ay maareyso ganacsiga qoyskeeda kadib geerida aabaheed iyadoo awood u yeelatay inay ganacsigeeda hormariso waxa ayna ku kasbatay naaneestii ahayd " marwadii qureysh " sidoo kale waxa ay ugu magacaabi jireen qureysh " midii daahirka ahayd " taas oo ugu wacnayd sumcaddeeda suuban, marka laga soo tago guulaheeda ganacsi khadija waxa ay caan ku ahayd samafal iyo taakulaynta dadka danta yar ee bulshada reer maka
Culumada taariikhda waxa ay sheegaan in khadija ay lahayd dhowr walaalo ah inkastoo oo aanay dhammaantood si fiican ugu qornayn taariikhda waxaana kamid ahayd haala bintu khuweylid oo loo yaqaanay inay la dhalatay khadiija sidoo kale waxaa la shegaa inay la dhasheen wiilal balse xaqiqida Alle ayaa inoogu ogaal badan, nabiga kahor waxa ay soo guursatay laba jeer hadaba ninkii ugu horeeyay ee guursatay waxaa lagu magacaabaa catiiq binu caa'id binu cllaahi kaas oo kasoo jeeday qabiilka makhzuum waxayna u dhashay gabar lagu magacaabo haala marka uu ka dhintay catiiq waxa ay guursatay nin lagu magacaabo maalik kaas oo kasoo jeeday qabiilka tamiim waxayna u dhashay wiil lagu magacaabo hind iyo gabar lagu magacaabo zaynab, inkastoo caqabado ay kala kulantay carmalnimada iyo maaraynta ganacsiga waxay noqotay mid kamid ah haweenka ugu qanisan uguna qadarinta badan ee gudaha maka
Khadija nolosheeda waxaa ku dhacay isbedel weyn markii ay la kulantay maxamed ibnu cabdilaahi oo markii danbe noqon doona nabigii islaamka iyada oo la dhacsan daacadnimadiisa waxa ay u shaqaaleysiisay in uu maareeyo safarradeeda ganacsi kadib xiriirkooda xirfadeed isla markiiba waxa uu noqday mid ku saleysan is jeclaysi iyo ixtiraam taas oo markii danbe keentay inay is guursadaan waliba waxaa la sheegaa in khadija ay jirtay marka ay guursanaysay nabiga 40 sano halka nabiga uu jiray 25 sano, guurkooda waxa uu ahaa mid shaqsi ah iyo mid xirfadeed hadana ay ku dheehan tahay jaceyl qoto dheer iyo is-taageerid, kadib markii ay guursatay nabiga scw waxa ay u dhashay Qaasim, Qaasim waxa uu ahaa wiilkoodii ugu horeeyay oo dhintay isaga oo yar sidoo kale caruurta ay u dhashay waxaa kamid ahayd Zeynab waxa ayna ahayd inantooda mida ugu weyn waxa ayna guursatay nin lagu magacaabo Abul-caas ibnu Rabiica waxa ayna u dhashay laba cunug oo lagu kala magacaabi jiray Cali iyo Umaamah waxaana lagu xasuustaa Zeynab daacadnimadii ay u muujisay qoyskeeda iyo geerideeda naxdinta leh iyo sidoo kale dhaawacyadii kasoo gaaray safarkii ay ku tagtay magaalada Madiina, sidoo kale waxaa ay u dhashay Ruqiya taas oo guursatay Cusmaan binu cafaan oo markii danbe noqday khaliifkii saddexaad ee islaamka waxa ayna ku dhimatay dagaalkii badar dhimashadeeduna aad bay u saamaysay nabiga scw iyo Cusmaan sidoo kale caruurta ay u dhashay nabiga scw waxaa kamid ahaa umu-kalthuum taas oo iyadana loo guuriyay Cusmaan binu Cafaan kadib geeridii Ruqiya waxa ayna dhimatay Umul-kalthuum ka hor dhimashadii nabiga scw iyada oo aan wax carruur ah ka tagin, khadija ayaa sidoo kale u dhashay nabiga scw Faaduma, Faaduma waa mid kamid ah haweenka sida weyn looga qadariyo islaamka waxa ayna guursatay khaliifka afraad oo lagu magacaabo Cali binu abii daalib, Faaduma iyo Cali waxa ay dhaleen laba wiil oo kala ah Xasan iyo Xuseen iyo labo gabdhood oo lagu kala magacaabi jiray Zeynab iyo Umu-kalthuum, faaduma faracankeeda waxaa loo yaqaanaa sayid ama shariif sidoo kale khadija ilmaheeda waxaa kamid ahaa Cabdullahi waxa uu ahaa wiil kale oo dhintay isaga oo yar waxaana loo yaqaani jiray dayib ama daahir sidoo kale qaraabada dhaw ee Khadija waxaa kamid ahaa nin lagu magacaabo Waraqa ibnu Nawfal waxa uu ahaa caalim masiixi ah oo la ixtiraamo waxa uuna door laxaad leh ka qaatay xaqiijinta nabinimada Muxamed kadib waxyigiisii ugu horeeyay
Ganacsigii Khadija bintu khuweylid
Khadija bintu khuweylid waxa ay ahayd gabar ganacsi oo aan caadi ahayn gaar ahaan waxa ay caan ku ahayd guusha ay ka gaartay bulshada ay raggu ku badan yihiin hadaba waxaan isla eegi doonnaa qaybo faahfaahsan oo ku saabsan xirfadeeda ganacsi :
1: Dhaxal iyo talabooyin bilow ah : khadija waxa ay dhaxashay ganacsigii aabaheed markii uu dhintay taas oo siisay bilow la taaban karo sidoo kale qabiilka qurysh oo ay ka dhalatay ayaa si weyn ugu ganacsan jiray aabaheedna waxa uu sameeyay ganacsi aad u wanaagsan taasna waxa ay khadija u ogolaatay inay ka faa'idaysato dhaxalkeeda, khadija waxa ay balaarisay hawlaheeda ganacsi oo aad u badan
2: Hawlaheeda ganacsi : khadija bintu khuweylid rc waxa ay ka ganacsan jirtay badeecadaha sida xawaashyada,dunta, biraha qaaliga ah iyo badeecadaha kale ee waqtigaas aad looga qiimeyn jiray jazirada carabta iyo meelo ka baxsan sidoo kale khadija ayaa ku hawlanayd safaro taas oo ay u socdaali jirtay xarumaha ganacsiga ee waaweyn oo ay ku jriaan Yemen,Syria iyo boqortoyooyinkii waqtigaas xakumi jiray sida boqotoyadii biisandiya, wadooyinkaan gancsi waxay ahaayeen kuwo lama huraan u ah dhaqaalaha maka
3: guurka iyo iskaashiga : guurka khadija iyo muxamed ma ahayn kaliya urur shaqsi sidoo kale waxa uu ahaa iskaashi ganacsi oo awood leh, waxay ay sii waday inay ku lug yeelato ganacsigeeda xitaa guurkooda kadib maalkeeduna waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray taagerida nabiga gaar ahaan sanadihii hore ee risaalada nabiga scw waxa ayna ka caawisay nabiga taageridaas in la joogteeyo bulshada muslimka ee curdinka ah xilliyada qaadacaada iyo dhibaatada, guud ahan, khadija bintu khuweylid waxa ay xirfadeeda ganacsi ku suntanayd maamul istiraatijiyad, xikmad, go'aan qaadasho, deeqsinimo iyo waliba sumcad
Khadija bintu khuweylid rc waxa ay geeriyootay sanadkii 619 miiladiga taas oo u dhiganta sanadkii 10aad kadib soo saaristii nabiga waxaana sanadkaas loo yaqaanay sanadkii murugada kadib geerida khadija waxaa daba socday dhibaatooyin aad u daran oo soo wajahday bulshadii hore ee muslimka ah waxa ayna muslimiintu usoo dhabar adeygeen cunaqabatayn dhaqaale iyo mid bulsho oo ay kusoo rogeen qureysh oo socotay muddo sadax sano ah, geerida khadija waxay aad u saameysay nabiga scw maxayelay waxay ahayd qofka ugu dhaw oo taageera iyo qofkii ugu horreeyay ee rumeeyay nabinimadiisa iyadoo siisay xoog badan iyo taageero dhinac kasta ah sanadihii ugu horreeyay ee risaalada nabiga scw, kadiija rc ayaa lagu aasay qabuuraha mucaala ee gudaha maka
0 Comments