LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Xog ku saabsan shiicada

 

Xog buuxda oo ku saabsan shiicada 

Maqaalkeena maanta waxaan jawaab buuxda ugu raadin doonnaa su'aalaha ka dhax guuxaya maankeena sida :

1: Goormey noqotay Iran dal shiici ah
2: Muxuu yahay madhabka shiicigu 
3 :Goormuu bilowday
4: Inta ay u kala qaybsamaan iyo
5: Maxay aamin sanyihiin shiicada 

Iran waa dal dhaca qaarada dalka Asia waana dal shiici ah iyaga oo dhaqan ka dhigtay aflagaadaynta nabigeena scw inkastoo aynu nahay isku diin balse ay kukala duwan nahay waxyaabo qaarkood sida aadanka iyo caqiidada, hadaba waxaa xusid mudan in dalka Iran 800 oo sano iyo inkabadan inay ahayd dal suni ah oo usoo saaray caalamka islaamka culumo waaweyn sida Al-BUKHAARI, IBNU SIINAA, ABUU XANIIFA AL-NUCMAAN iyo waliba AL-RAAZI kuwaas oo kulahaa maamuus iyo sumcad kana tageen dhaxal diimeed oo ilaa maanta jiilal badan oo islaam ah ku anfaceen, Waxaan aragnaa marka dib loogu noqdo bogagii hore ee taariikhda in dhulka maanta loo yaqaano Iran taas oo saldhig u ah shiicada inuu ahaan jiray isaga iyo dalalka ku hareeresan hogaanka boqortoyadii lagu magacaabi jiray faaris oo ahayd xiligeeda mid kamid ah labada boqortooyo ee ugu awooda badnayd aduunka kadib markuu soo ifbaxay islaamka waxay boqortooyadii faaris kamid noqotay dhulalkii uu gaaray islaamka waxaana kasoo jeeeday saxaabo door muhiim ku dhax lahaa islaamka sida saxaabiga lagu magacaabo Salmaan Al-faarisi lakin wuxuu isku badalay dhulkii faaris kadib 800 oo sano oo uu ahaa dhul islaam ah walibana haysta madhabka suniga mid isku badalay madal gaashan u nqoday shiicada 

Shiicada waa madhabka 2aad ee ugu dadka badan madaahibta islaamka waxaan madhabka 1aad ah madhabka suniga ah waxaana lagu qiyaasaa dadka haysta madhabkan 320 milyan oo qof waxayna ka yihiin tirada guud 20% hadaba sida aynu wada ognahay nabigii ugu dambeeyay wuxuu ahaa nabi Muxamed scw lakin marka laga hadlayo shiicada waxay aaminsan yihiin qaab ka duwan qaabkan waxayna aaminsan yihiin jiritaanka qof marwalba xasuusiya jiritaanka ilaahey sidoo kalena uga jawaaba dhamaan su'aalaha ay jawaabta u waayeen sidoo kale waxaa xusid mudan in shiicadu qirsan yihiin in nabi Muxamad scw uu ahaay nabigii ugu dambeeyay sidoo kale waxay aaminsan yihiin in nabi Muxamed gadaashii dadka yimid ee xasuusinayay Alle in ay yihiin imaamyo, imaamkuna maahan nabi ama rasuul, waxaana lagaa rabaa in imaamku yeesho sifooyin gaar ah sida in uu yahay qof kasoo jeeda qoyska nabi Muxamad scw, in uu yahay qof dhowrsan oo aan qalad ku dhicin waxayna aaminsan yihiin in imaamyadu ay yihiin sida nabiyada oo aan qaldamin oo ay yihiin kuwo oo uu alle ka nasahy qalaadaadka sidoo kale waxay aaminsan yihiin in imaamyadu loo waxyoodo sida anbiyada iyo rususha oo kale waana sababta ay su'aalaha u waydiiyaan si uu ugu jawaabo su'aalahooda, waxayna hadalka imaamkoodu u yahay sida xadiisyada oo ay waajib tahay in la raaco hadaba qaababka ay u kala hormariyaan ayaa ah ama firqooyinka shiicada waa sidan :

   1: Cali binu Abii- daalib
   2: Xasan binu Cali
   3: Xuseyn binu Cali
   4: Cali zeyd al-caabidiin ( waxaa dhalay Xuseyn binu Cali ) 
   5: Maxamed Al-baaqir ( waxaa dhalay Caliy zeyd Al-caabidiin ) 
   6: Jacfar Al-saadiq ( waxaa dhalay Maxamed Al-baaqir )
   7: Musa Al-kaadim ( waxaa uu ahaa inanka yar ee jacfar )
   8: Cali Al-ridaa
   9: Maxamed Al-Juudi
   10: Cali Al-haadi
   11: Xasan Al-caskari
   12: Maxamed Al-mahdi

Inkastoo shiicadu isku qilaaftay qofka noqon lahaa imaamka marka lasoo gaaray jacfar al-saadiq maadama uu dhalay labo wiil, wiilka waynaa oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil ayay shiico qaar sheegaan in uu ahaa imaamka balse lakin inta badan waxay isku raaceen in imaamka uu ahaa Musa maadama Ismaciil uu dhintay aabahiis oo nool, imaamka lagu magacaabo Maxamed Al-mahdi waxay aaminsan yihiin shiicadu in uusan wali dhiman oo uu wali nool yahay uu ku dhuumanayo god sababo jira awgeed waxayna aaminsan yihiin in uu soo bixi doono marka la gaaro qiyaamaa waxayna aaminsan yihiin in soo bixitaankisu uu yahay calaamad kamid ah calaamadaha qiyaamaha hadaba shiicada ayaa la sheegaa in ay dagaan dhulalka lagu magacaabo Iran, Baxrayn, Ciraaq iyo Lubnaan 

Kadib dhimashadii suldaankii cusmaniyiinta Maxamed Al-faatax kaas oo furtay magaalada Istanbul ee ku taal dalka turkiga waxaa badalay wiilkisa oo lagu magacaabi jiray Baayaziid, hogamiyahani waxaa uu ahaa hogaamiye ku suntan dhanka cibaadada oo aan lagu aqoonin dagaal waxaana xiligiisa aasantay dowlad lagu magacaabo safawiyin oo ka aasantay dalka Iran hadaba xiligaas ay dhismaysay dowladani waxay heysatay madhabka suniga gaar ahaan madhaba shaaficiga waxayna xiligaas shiicadu ku kobnayd dhulal yar sida Qurasan, sanadka marka uu ahaa 501 ayuu ku guulaysatay in uu aasaaso dowladii safawiyinta wuxuuna la wareegay dhulka Baqdaad arintaas oo u ekaatay inay isku dhici donnaan xili aan fogayn dowladii cusmaniyinta oo xiligaas maamuli jirtay dalalka islaamka, arintani waxay ka dhigtay Ismacil Al-safawi mid ka fakira siduu ugu abuuri lahaa dadkii iraniyinta arin darensiin karta in iraniyintu ka sareyan carabta aysana macquul ahayn inay hoos tagaan wuxuuna ka fakiray samaynta madhab diimeed kaas oo kasocan madhab diimeedkii ka jiray islaamka gaar ahaan madhabkii ay ku dhaqmi jireen cusmaniyiinta si laba dowlad ay ukala noqdaan kuwa kala haysta laba madhab oo kala duwan waxa uuna isugu yeeray habeen kamid ah habeenada masuuliyiinta dowlada safawiyinta wuxuuna u sheegay in uu shaacin doono in dhulalka faaris maanta laga bilaabo ay ku dhaqmi doonaan gaar ahaan madhabka isnay cashariya oo aan soo sheegnay wuxuuna maalinkii xigay aaday masajidka loo yaqaano Tibriiz isaga oo ay hareero socdaan ciidamo badan wuxuuna maalinkaas ka shaaciyay in ay ku dhaqmi doonaan dhamaan dhulalka uu ka taliyo madhabka shiiciga waxa uuna qoorta kajaray dhamaan dadkii kasoo horjeesaday wuxuuna awood u yeeshay ka badalo madhabka suniga ah una badalo madhabka shiiciga ah waxayna fureen xarumo lagu barto madhabkan si loo hormariyo madhabkan waxaana lagu daray aadanka ( calayu waliyulaah  ) waxayna caado iyo dhaqan ka dhigteen inay aflagaadeyan saxaabada nabiga scw 

Diyaarinta : sheekh mucaad yuusuf bagalow 

Post a Comment

0 Comments