Xaqa dumarka ee islaamka
Asalaamu calaykum walaalaha aqristayaasha maanta maqaalkeena wuxuu ku saabsan yahay xaqa dumarka ay ku leeyihiin islaamka waliba waxaynu ka kala fiirin doonaa dhinacyo kala duwan
Waxaa walaac laga muujinayaa gabagabada, fikradaha casriga iyo weedhaha ay soo saarayaan saynisyahano iyo khuburo isku sheeg ee aan khibrad lahayn taas oo ay tahay in noloshu ay hogaamiyaan haweenka waxaana isku dayi doonaa in aan ku ku saleeyo waayo-aragnimo iyo xaqiiqooyin cadcad maxaayeelay waayo aragnimada iyo xaqiiqada dhabta ah waa tijaabada la hubo ee u dhaxaysa dahabka runta iyo dhaldhalaalka aragtida sidoo kale waxay hubinaynaa caqligeena maxaa yeelay marar badan waxaynu aragnaa in maskaxdeenu marin habaabiso runta
Hadii aan fiirino sida hada ay reer galbeedku qabaan iyo sida warbaahinta reer galbeedka u sawirto xuquuqda dumarka ee islaamka waxay dad badan rumeeystaan in xuquuqda dumarka islaamka la hoos geeyo oo aan la ilaalin waxaana meeshaas kacad in hadalka reer galbeedka ee xoraynta dumarka wax kale ma ahan ee waa qaab la qarinayo oo ah ka faa'idaysiga jirka, sharaf-darada ama sharaf ka qaadis iyo waliba in ay hoos u dhigaan sharafta dumarka sidoo kale bulshada reer galbeedka oo ku andacoonaysa in ay kor u qaadayso haweenka ayaa dhab ahaantii hoos u dhigtay maqaamkii ay ku lahayd in naag la doonto iyo balastarkii bulshada kuwaas oo u shaqeeya sidii qalab gacanta ugu jira oo ah suuq gayn iyo raaxo doon oo kaliya
Hadaan usoo laabano dhanka diinta islaamka wuxuu haweenku siiyay xuquuqdoodii 1400 sano kahor hadii aan taariikhda dib ugu noqono xiligii ilbaxnimadii baabiliyon waqtigaas hadii ninku uu ku kaco dil xad gudub ah halka la rabay in asiga la ciqaabo waxay ciqaabi jireen asiga badalkiisa xaaskiisa sidoo kale marka aan aqrino taariikhda ilbaxnimadii giriiga waxay lahaayeen qof hab-raac ah oo magaceedu la yiraahdo Pandora oo ahayd haweeney u sabab ahayd xumaanta bulshada dhexdeeda xiligaas ee ilbaxnimadii giriiga dumarku waxaa loo isticmaali jiray galmo iyo raaxaysi sidoo kale markii ay ilbaxnimadii romanku gaartay heerkii ugu sareeyay ayaa ninka waxaa loo ogolaaday inuu xitaa dilo xaaskiisa waxaana waqtigaas loo isticmaali jiray galmo iyo raaxaysi waxaana mararka qaar la arki jiray in dumarku wadada lagu soo fasaxo ama mari jireen iyaga oo qaawan sidoo kale marka aan akhrino taariikhda ilbaxnimadii masar waxay dumarku u arkayeen calaamad shaydaan sidoo kale marka aan akhrino ilbaxnimadii carabta kahor inta aan quraanka lasoo dajin in badan marka ninka loo dhalo ilmo dheddig wuxuu ku aasi jiray nolosha
Ilaahey bay mahad u sugnaatay kadib marka quraanka lasoo dejiyay haweenka waxay heleen xuquuqdii ay xaqa u lahaayeen quraankuna wuxuu sare u qaaday maqaamka haweenka ay ku dhax lahaayeen bulshada waqtigaasna waxay ahayd waqtigii ugu xumaa ee uu bani'aadam soo maro waxaana waqtigaas loo yaqaanay yowmul-jahiliya
Muslimiinta maanta waxaa lagu qiyaasaa 1.4 bilyan dadwaynaha caalamka, qaar ka mid ah bulshooyinka muslimka waxay ku dhaw yihiin islaamka halka kuwa kalena ay aad uga fog yihiin oo ay kaliya afka ka sheegtaan maxayelay waxay raaceen dhaqanka gaalada iyo xukunkooda, xuquuqda haweenka ku leeyihiin islaamka waxay ku salaysan tahay ilo sugan iyo quraanka sharafta leh iyo hadalka suubanaheena scw hadii aan si guud u akhrino quraanka waxaa hubaal ah in uu xalinaayo qilaafyada jira iyo waliba waxyaabaha aan is waydiino nafsad ahaanteena
Marka loo yimaado fikrada sinnaanta ragga iyo iyo dumarka ayaa xoogga la saaray lakiin waxaa la fahamsan yahay in sinnaanta aysan ka dhignayn in ay isku mid ka yihiin dhinac kasta dhinaca kale hadaan u fiirino ragga iyo dumarkuba waxaa la sheegaa in ay siman yihiin marka la eego qiimahooda ruuxiga ah iyo la xisaabtanka eebe hortiisa lakin waxay ku kala duwan yihiin doorarka iyo masuuliyada ee bulshada iyo nolosha qoyska ah tusaale ahaan, ragu waxay yeelan karaan doorar gaar ah sida bixinta iyo ilaalinta haweenkuna waxay yeelan karaan doorar koriin iyo daryeel wuxuuna islaamku ku saleenayaa in raga iyo dumarka loo arko inay ka siman yihiin qiimahooda iyo xuquuqdooda ruuxiga ah hadaba taas micnaheedu ma ahan in ay isku mid ka yihiin dhinac kasta sidoo kale islaamku wuxuu qirayaa kala duwanaanshiyaha nafeed iyo tan jidheed ee u dhaxeeya raga iyo dumarka hadana wuxuu cadeeyay in kala duwaanshiyahani aanu hoos u dhigayn sinnaanta eebe hortiisa hadaba ragga iyo dumarka waxay yeelan karaan xilal kala duwan iyada oo lagu saleenayo rabintaankooda dabiiciga ah, meelaha ay ku wanaagsan yihiin iyo baahiyaha bulsho, kala duwanaanshahan looma arko inay muujinayaan ka saraynta ama hoosaynta balse waxay isku dhameestirayaan hab-dhismeedka manhajka islaamka
Hadaba qormadaan wax aynu u kala qaybinay ilaa shan qaybood oo mid walba aan is dul isaagi doono
1: Xuquuqda ruuxiga ah ee dumarka ee islaamka
waxaynu wax ka soo qaadan doonaa xuquuqda ruuxiga ah ee dumarka, waxaa jira fikrad khaldan gaar ahaan reer galbeedka oo ah in jannada loogu talagalay ragga oo kaliya waxaana fikirkaan khaldan kasoo hor jeesanaya hal aayad oo quraanka laga soo xigtay taas oo oranaysa " ومن يعمل من ألصالحات من ذكر أوأنثي وهو مؤمن فأللئك يدخلون ألجنة ولايظلمون نقيرا " wuxuu yiri alle " qofkii sameeya wanaag ha haado lab ama dheddig isagoo rumaysan xaqa kuwaas waxay gali doonaan janno lagamana dulminayo duleel ama laftimireed" sidoo kale ilaahey wuxuu inoogu soo celiyay suratul naxli asiga oo oranaya " من عمل صالحا من ذكر أوأنثي وهو مؤمن فلنحيينه حياة طيبة " wuxuu yiri " cidii camal wanaagsan fasha oo rag ama dumar ah isagoo mu'min ah waxaan noolaynaynaa nolol wanaagsan " hadaba ayaayadahan waxay inoo cadeenayaan in janada oo la gala ay ku xidhan tahay qofka iimaankiisa iyo camalkiisa suuban
Wuxuu ilaahey quraanka inoogu sheegay in ragga iyo dumarka ruux ahaan ay ka siman yihiin wuxuuna yiri " ياأيهاألناس اتقو ربكم ألذي خلقكم من نفس واحدة وخلق منها زوجها وبث منهما رجالاكثيراونساء" wuxuu yiri eebe weyne " dadow ka dhowrsada eebihiina kaasow idinka abuuray naf kaliya (Aadam) kana abuuray xageeda heweeneydeeda (xaawo) hadana ka abuuray xagooda rag badan iyo haweenba" aayadaan waxa ay u muuqataa in laga abuuray dabeecad ruuxeed oo la mid ah tan ragga , marka la eego aragtidaan lab iyo dhedigba waxaa laga abuuray isku nuxur ama dabeecad ruuxi ah fahamkani wuxuu xoogga saarayaa in jinsiga uusan go'aamin qiimaha ruuxa ama kartidiisa taas badalkeedu ragga iyo dumarkuba waxay leeyihiin fursado siman oo ay ku raadiyaan u dhawaanshiyaha eebe gutaana waajibaadkooda diineed sidoo kale alle wuxuu quraanka inoogu sheegay " فاطر ألسماواة وألأرض جعل لكم من أنفسكم أزواجا " wuxuu yiri eebe " alle waa kan abuuray samooyinka iyo dhulka idinkana yeelay naftiina noocyo (lab iyo dheddig) " taas oo ka dhigan in dabeecada ruuxiga ah ee ragga iyo dumarka in ay isku mid yihiin sidoo kale alle wuxuu yiri " ثم سواه ونفق فيه من روحه وجعل لكم ألسمع وألأبصار والأفئدة قليلا ماتشكرون " wuxuu yiri " kadib markaan sinnay oo ruuxdiisa ku afuufay waxaan idiin yeelnay maqal,aragyaal iyo quluub balse waxyar baa ku mahdisay " sidoo kale wuxuu yiri alle asiga oo xoojinaya " فإذا سويته ونفخت فيه من روحي فقعوله ساجدين " wuxuu yiri eebe weyne " markaan ekeeyo kuna afuufo dhexdiisa ruuxdayda ugu dhaca sujuud " hadaba muxuu ilaahey uga jeedaa markuu yiri waxaan ku afuufay ruuxdayda banu'aadamka taas macnaheedu ma aha wax lamid ah ilaahey oo jidh ku jira ama jiraan macnaheedu waa in eebe wayne uu cilmigiisa u dhiibay bani'aadamka
Sidoo kale wuxuu ilaahey quraanka inoogu sheegay in uu karaameeyay bani'aadamka wuxuuna yiri " ولقد كرمنا بني ادم" taas oo macnaheedu tahay in eebe weyne uu karaameeyay dhamaan ilmo aadam ha noqdaane madaw ama cadaan bunni ama maariin taajir ama faqiir
2: Xuquuqda dhaqaale ee dumarka ee islaamka
Islaamku wuxuu haweenka siiyay xuquuq dhaqaale oo ay ujeedadeedu tahay in la xaqiijiyo madax-bannaanidooda dhaqaale, amni iyo sharaf waxaana laga soo minguuriyay xuquuqahaas aayado kala duwan oo quraanka kariimka ah, axaadiista iyo camaladii nabiga scw, waa kuwan qaar kamid ah dhinacyada muhiimka ah :
1: Xaqa dhaxalka : haweenka waxa ay xaq u leeyihiin inay ka dhaxlaan hantida ehelkooda, quraankuna wuxuu si cad u xusay xaqa ay haweenku u leeyihiin inay ka dhaxlaan waalidkooda,xaasaskooda iyo xubnaha kale ee qoyska waxaan taas na tusaysa hadalka eebe weyne " للرجال نصيب مما ترك ألوالدا وألأقربون وللنساء نصيب مما ترك ألوالدان وألأقربون مما قل منه أو كثر نصيبا مفروضا " wuxuu yiri alle " ragga waxaa u sugnaaday qayb kamid ah waxay ka tageen labada waalid iyo qaraabada haweenkuna waxaa u sugnaaday qayb kamid ah waxay ka tageen laba waalid iyo qaraabada " aayadani waxay xoogga saaraysaa waajibka dhaxalka ee rag iyo dumarba, quraanku wuxuu sii qeexayaa saamiga dhaxalka oo ay ku jiraan waalidiinta, lamaanaha, caruuurta, walaalaha iyo xubnaha kale ee qoyska iyadoo saamiyada kala duwanaan karaan iyadoo ku xiran xiriirka iyo daruufaha sidaas darteed haweenku waxay xaq u leeyihiin inay dhaxlaan qayb kamid ah hantida qofka dhintay
shuruudaha dhalka waxay ujeedadeeda tahay in la xaqiijiyo cadaalada xubnaha qoyska iyada oo loo aqoonsanayo doorarka iyo mas'uuliyadaha kala duwan ee ay yeelan karaan, islaamku waxa uu doonayaa in uu siiyo dhaqaale iyo taageero taas oo u ogolaata in ay ilaashadaan madax-bannaanidooda dhaqaale oo ay buuxiyaan baahidooda iyo waajibaadkooda sidoo kale waxaa muhiim ah in la ogaado in la ogaado in tarjumaada iyo ku dhaqanka sharciyada dhaxalka ay ku kala duwanaan karaan si kastaba ha ahaatee, mabda'a xaqa dhaxalka ee haweenka waxa uu si adag ugu taagan yahay caqiidada islaamka waxaana loo arkaa qayb kamid a fiqiga islaamka
2: Xaqa lahaanshiyaha iyo maamulida hantida : Islaamku waxa uu aqoonsan yahay xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay hanti yeeshaan, iibsadaan iyo inay iska sii iibiyaan oo ay si madax bannaan u maamulaan quraankuna kama mamnuucin haweenka in ay lug ku yeeshaan dhaqdhaqaaqyo dhaqaale ilaaheyna waxa uu yiri " ولا تتمنو مافضل ألله به بعضكم علي بعض للرجال نصيب ممااكتسبو وللنساء نصيب مما اكتسبن " wuxuu yiri " ha tamaninina wuxuu kaga fadilay eebe qaarkiin qaarka kale, ragga waxaa u sugnaaday qayb waxa ay kasbadeen haweenkuna waxaa u sugnaaday qayb waxa ay kasbadeen " aayadani waxa ay xoogga saaraysaa in rag iyo dumarba ay xaq u leeyihiin midhaha tacabkooda iyo hantidooda intaa waxaa dheer, ficilada nabiga sida kuxusan axaadiista waxay sidoo kale taageertaa xaqa ay haweenku u leeyihiin lahaanshaha hanti waxaana jirta marar uu nabigu cadeeyay lahaanshiyaha dumarka ee hantida oo u hiiliyay xaqa ay u leeyihiin in ay maamulaan
3: Meherka : waxa uu kamid yahay heshiisyada guurka ee islaamka, ninka guursanaya waxaa laga rabaa inuu bixiyo meher hadiyad cayiman ama lacag cadad ah oo la siinayo gabadha, quraanka wuxuu in badan ku nuuxsaday muhiimada ay leedahy gudahsada waajibadkaan si naxariis iyo deeqsinimo leh waxaana kamid ah aayadah lagu adkeeyay meherka " وأتو ألنساء صدقاتهن نحلة " wuxuu yri eebe " siiya haweenka meherkooda asiga oo waliba waajib ah "
4: Nafaqada : Islaamku waxa uu ragga saaray masuuliyad taas oo ah bixinta taageerada dhaqaale ee xaaska iyo kuwa ku tiirsan ragga waxaana waajib ah ku ah ragga in ay bixiyaan baahiyaha maadiga ah ee dumarkooda sida cuntada, dharka iyo hoyga hadba inta ay awoodaan iyada oo waajibkaas laga riday dumarka
5: Ganacsiga iyo shaqada : Islaamku kama uusan reebin haweenka in ay ku lug yeeshaan ganacsi ama shaqo wuxuuna ku dhiiragalinayaa in ay raadiyaan dariiqo xalaal ah oo ay ku helaan nolol maalmeedkooda, waxa ay helaana ay yihiin hanti ay iyagu leeyihiin, tusaale ahaan, xaaskii ugu horeesay ee nabiga khadiija bintu khuweylid waxa ay ahayd gabadh leh ganacsi guulaysta waxayna door muhiim ah ka qaadatay taageeridda bulshadii hore ee muslimiinta, nabiga laftiisu wuxuu u shaqeeyay khadiija guurkooda kahor iyo kadib isaga oo u muujiyay ixtiraamka ganacsigeeda iyo mada-bannaanida dhaqaale, hadab islaamka waxa uu dhiiragalinayaa haweenka in ay si firfriccon uga qayb qaataan hawlaha dhaqaalaha oo ay raadiyaan fursadaha shaqo ee la jaan qaadaya danahooda, xirfadahooda iyo rabitaankooda isagoo kor u qaadaya mabaadi'da cadaalada, sinnaanta iyo fursadaha, islaamku waxa uu doonayaa inuu abuuro bulsho loo dhan yahay oo horumarsan oo rag iyo dumarba ay ku hormaraan kana qayb qaataan danta guud
Su'aasha ay dad badan is waydiiyaan taas oo ah waa maxay caqliyada ka danbaysa in dumarku ay dhaxlaan haaf marka loo barbardhigo kan uu dhaxlo ninka, shuruucda dhaxalka ee islaamka oo ay ku jiraan in dumarku dhaxlaan kala badh, waxaa jira xaalado qaarkood oo loo dhahay arinkaas waxaana kamid ah :
1: Mas'uuliyadaha dhaqaale : raggu dhaqan ahaan waxa ay qaadaan mas'uuliyado bixinta qooysaskooda intaas waxaa u sii dheer taageerida dhaqaale ee qaraabada ninka, saamiga wayn ee dhaxalka ragga waxaa loogu talagalay in lagu caawiyo buuxinta doorkaan
2: Badbaadada bulshada : haweenku waxa ay xaq u leeyihiin qeybtooda dhaxalka taas oo ay u haysan karaan danahooda gaarka ah iyada oo aan wax xil ah laga saarin inay wax ku biiriyaan kharashka qoyska, tani waxa ay hubinaysaa amaankooda maaliyadeed
3: Waajibaadka sharci ee kala duwan : shareecada islaamka waxa ay tixgalinaysaa waajibaadka iyo mas'uuliyada sharci ee kala duwan ee la saaray ragga gudaha dhismaha qoyska, tusaale ahaan, ragga waxaa ku waajib ah inay dhaqaale ahaan ku taageeraan qooysaskooda oo ay ku jiraan dumarka qaraabadooda halka dumarka aan looga baahnayn inay gutaan waajibkaan
4: Macnaha guud ee taarikhiga : marka la eego macnaha guud ee taariikhiga ah ee bulshadii islaamka hore, raggu caadi ahaan waxa ay dhaxli jireen saamiyo badan iyada oo ugu wacan tahay doorarka bixiyayaasha iyo ilaalinta qoyska
Si kastba ha ahaatee waxaa laga marmaan ah in la tixgaliyo in sharciyada dhaxalka islaamka ay yihiin kuwo dhameystiran lana tixgaliyo in ay jiraan arimo kala duwan sida xiriirka qoyska, mas'uuliyadaha maaliyadeed iyo xaaladaha bulshada
3: Xuquuqda siyaasada dumarka ee islaamka
Islaamku, haweenka waxa uu siiyay xuquuq iyo mas'uuliyad siyaasadeed inkastoo fasiraada iyo hirgalinta ay ku kala duwanaan karaan bulshooyin kala duwan iyo xaalado taariikheed hadaba waxa aynu wax kasoo qadanaynaa qodobada muhiimka ah ee khuseeya xuquuqda siyaasada haweenka ee islaamka waxaana kamid ah
1: Ka qaybgalka go'aan-qaadashada : mabaadi'da islaamka waxa ay taageertaa ka-qaybgalka haweenka ee hababka go'aan qaadashada siyaasadda waxa ayna xaq u leeyihiin inay ka qayb qaataan doorashooyinka, u codeeyaan hogaamiyayaasha siyaasada iyo inay u istaagaan mansab siyaasadeed, quraanku waxaa uu carabka ku adkeeyay muhiimada wada tashigu leeyahay waxaana kamid ah " وألذين استجابو لربهم وأقامو ألصلاة وأمرهم شورئ بينهم ومما رزقناهم ينفقون " waxa uu yiri " kuwa ajiibay eebahood oogayna salaada oo amarkoodu yahay wadatashi dhexdooda ah, waxaan ku arzuqayna wax ka bixiya " aayadani waxa ay iftiiminaysaa mabda'a wada-tashiga ee mu'miniinta dhexdooda arimaha khuseeya danaha guud iyadoo si cad loo sheegin haweenka lakin waxa ay hoosta ka xariiqaysaa dabeecada ka qayb qaadashada ee go'aan qaadashada bulshada taas oo muujinaysa in rag iyo dumarba ay tahay in laga qayb galiyo hababka wada-tashiga, mabda'an waxaa lagu fidin karaa dhinacyo kala duwan oo dowladnimo oo ay ku jirto go'aan qaadasho siyaasadeed halkaasna lagu tixgaliyo codka haweenka iyo aragtidooda
2: Sinnaanta waajibaadka madaniga ah: Islaamku waxa uu xoogga saaray sinnaanta ragga iyo dumarka marka ay gudanayaan waajibaadka madaniga sida bixinta, adeecitaanka sharciga iyo ka qayb qaadashada arimaha bulshada, rag iyo dumarba waxaa lagu dhiiragalinayaa in ay ka qaybqaataan horumarinta bulshada iyada oo la marayo howlaha samafalka iyo daddaalada cadaalada bulshada
3: U doodista cadaalada iyo sinnaanta : diinta islaamka waxay u dooddaa cadaalada iyo sinnaanta dhamaan shakhsiyaadka iyada oo aan loo eegin jinsiga sidoo kale quranka waxa uu cambaareeyay takoorka iyo cadaalad-darada isaga oo ku baaqay in la ilaaliyo xuquuqda iyo sharafta haweenka sidoo kale culimada iyo hawl-wadeenada islaamka waxay taariikh ahaan u ololeeyaan xuquuqda haweenka iyadoo la raacayo mabaadi'da islaamka , mid ka mid ah aayadda xoogga saaraysa u doodista cadaaladda iyo sinnaanta waxa ka mid ah " يا أيهاألذين ءامنو كونوقوامين بالقسط شهداءلله ولوعلئ أنفسكم أوألوالدين وألأقربين إن يكن غنيا أوفقيرا فالله أولي بهما فلا تتبعو الهوئ أن تعدلو وإن تلو أوتعرضو فإن ألله كان بما تعملون خبيرا " wuxuu yiri Eebe weyne " kuwa xaqa rumeyow noqda kuwa u istaaga cadaalad oo ah mereg eebe, nafiinaba ha haatee ama waalidkiin ama qaraabadiin, haday hodan ama faqiir yihiin eebe ayaa u mudnaasho badan ee haka raacina hawada inaad cadaalad fashaan, hadaase iilataan ama jeesataan eebe waxaad camal falaysaan waa og yahay "
4: Xuquuqda waxbarasho ee dumarka ee islaamka
Haweenku waxay xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho taas oo loo arko inay lagama maarmaan u tahay kobaca shakhsi ahaaneed, horumarka bulshada gudashada waajibaadka diiniga ah, waa kuwaan qaar kamid ah dhinacyada muhiimka ah ee xuquuqda waxbarashada haweenka ee islaamka
1: Helitaanka aqoonta : haweenka waxay xaq u leeyihiin inay raadiyaan cilmi iyo waxbarasho sida ragga oo kale waxayna isugu jiraan aqoon diineed iyo mid adduun, quraanku waxa uu ku nuxnuusaday muhiimada ay leedahay cilmi raadinta intaas waxaa dheer waxaa jira axaadiis badan oo xoogga saaraya muhiimada ay waxbarashadu u leedahay lab iyo dheddig tusaale ahaan, nabiga scw wuxuu yiri " raadinta cilmigu waa ku waajib qof kasta oo muslim ah (lab iyo dheddig )
2: Waxbarashada diinta : waxyaabaha aasasiyaadka ee laga rabo dumarka in ay yaqaanaan waxaa ka mid ah in ay bartaan quraanka ,axaadiista nabiga scw iyo in ay fahmaan caqiidada islaamka oo ay ku dhaqmaan taasna waxay u fududaynaysaa inay tagaan casharo diini ah iyo inay ka qaybqaataan doodaha ku saabsan arimaha diinta, fahamka islaamka waxa uu awood u siinayaa haweenka in ay gutaan waajibaadkooda diineed waxaa ay sidoo kale awood u siinaysaa inay xoojiyaan xiriirkooda ruuxiga ah ee ay la leeyihiin Alle oo ay ku noolaadaan mabaadi'da islaamka
3: Taageerada waxbarashada : qoysaska iyo bulshooyinka waxaa lagu dhiiragalinayaa inay taageeraan waxbarashada haweenka xag dhaqaale, shucuur iyo bulsho ahaanba sidoo kale bixinta fursadaha ayaa loo arkaa inay tahay maalgelin mustaqbalka iyo wanaaga bulshada
4: Horumarinta akhriska : islaamku wuxuu kor u qaadaa akhriska, qoraalka iyo waxbarashada dhammaan xubnaha bulshada oo ay ku jiraan haweenka , haweenka wax akhrin kara waxay si wanaagsan ugu doodi karaan xuquuqdooda , ka qayb qaadan karaan hababka go'aan qaadashada waxayna gacan ka gaysan karaan horumarinta guud ee bulshadooda
Guud ahaan, islaamku wuxuu koq u qaadayaa xoojinta waxbarashada haweenka, isagoo aqoonsanaya doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin bulshada kuna dhiirageliyay inay buuxiyaan awoodooda waxbarasho iyo koboca shakhsi ahaaneed
0 Comments