LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Alifaha kitaabka saxiixul bukhaari || sooyaalka taariikheed ee imaamu bukhaari

 Taariikhda imaamu bukhaari

Asalamu calaykum walaalaha aqristayaasha, maanta maqaalkeena waxaan ugu hadli doonaa amiirka ahlu xadiiska ah, aqoonyahanka xadiisyahanada iyo alifaha kitaabka ugu saxsan marka laga imaado quraanka kariimka oo lagu magacaabo Abii-Cabdullahi Maxamed ibnu Ismaacill ibnu Ibraahim ibnul Muqiira ibnu Bardazibah al-Bukhaariy 

Imaamka waxa uu ku dhashay habeen jimco ah 13ka shawaal 194 hijriga magaalada bukhaara oo hada ka tirsan dalka Ozbakistan waxa uuna dhintay aabihiis asiga oo dhalaan ah waxaana soo korisay hooyadiisa, bukhaari waxa uu ahaa yaraantiisa mid indho la' hooyadiisuna waxa ay ahayd haweeney saalixad ah oo ilaahey ku xiran waxayna u barin jirtay ama ducayn jirtay wiilkeeda waxayna habeen ku riyootay iyada oo nabi Ibraahim riyo ugu yimid oo ku dhahaya gabaryahey wiilkaaga aragiisa ilaahey wuu usoo celiyay ducadaada oo badan awgeed araga oo kaliya maahayn ee ilaahey waxa uu ugu deeqay awood xifdi iyo garaad badnaan taas oo ay adag tahay sida loo helo waxa uuna quraanka xifdiyay asiga oo aanan gaarin toban sano waxa uuna ahaa shaqsi jecel raadinta aqoonta inkastoo magaalada bukhaara ay ahayd goob cilmi hadana waxa uu ahaa qof raadiya cilmigaas oo waxa uu raadin jiray meel cilmi lagu dhigaayo waxa uuna goobaha cilmiga aadi jiray asiga oo aanan wadan wax buugaag ah marka uu ku jiray xaaladaas mudo bilooyin ah waxaa ku jeesjeesay ilmihii wax la baran jiray iyaga oo ku dhaleeceenaya in uusan waxba diiwan gashan halka iyaga ay ku qoran jireen waxa macalinka afkiisa kasoo baxa buugaag markaas ayuu maalin ku yiri bukhaari soo saara buugagtiina aan idinka qiimeeyo sida aad wax u qorteen markii ay soo saareen waxa uu dusha ugu yeeriyay shan iyo toban kun oo xadiis oo uu xifdisanaa oo ay hadana ku jiraan sanadkii iyo ragii wariyay waxaana la sheegaa in uu waqtigaas uu jiray da'da toban sano waxa uu asiga oo 16 jir ah xifdiyay kutubtii imaamyada asiga ka horreeyay 

Hooyadii saalixada ahayd ayaa maalin u kaxaysay isaga oo jira 16 sano iyo walaalkiis oo lagu magacaabo Axmed Maka meeshasna ayuu uga haray bukhaari isaga oo ujeedkiisu uu ahaa in uu meeshaas kasii wado cilmiga kadib markii ay soo xajiyeen hooyadiis iyo walaalkiis waxa ay u laabteen magaalada bukhaara isaguna lix sanadood ayuu ku sugnaa xaramaynka kadib lixdaas sano waxa uu tagayay aduunka gees ka gees si uu culimada uga soo qaato aqoonta waa ayna yarayd maagalo wayn oo uu asiga tagin waxa uuna yiri deegaanada islaamka cagta ayaan wada dhigay waxaana wax ka bartay inkabadan 1080 shiikh waxa aan ku xusayaa xadiis kasta qofkii soo wariyay waxaana kamid ahaa macalimiintiisa Axmed ibnu Xanbal waxayna oraahdii ugu danbeysay ee uu ka maqlo macalinkiisa ibnu Xanbal waxa uuna ku yiri abii Cabdulahi " ma intaa aqoonta iyo dadka ka tagto ayaa khuraasaan aadaysa ", dadaalkii uu baxshay bukhaari waxay kasoo wariyaan ardaydiisa iyo dadkii ka ak dhawaa hadii ay meel uwada hoydaan oo habeenki ka toosi jiray 15-20 jeer huradada ka kici jiray waxa uuna qori jiray inta faynuus daarto xadiisyo oo uu hadana kala maarayn jiray marka uu xadiisyada uruurinayo dadka uu ka warinayo xataa nasabkooda iyo heerka fahamkooda ayuu qiimayn jiray hadii uu qof tuhun ama shaki ka galo ma dhihi jirin qofkaas waa beenaale ama wax ayuu ku dardaraa xadiisyada ee waxa uu ka koobsan jiray hebel arinkiisa far ayaa ku laaban yacni tuhun ayuu leeyahay sidaasna waxa uu u samayn jiray si uu uga badbaado dhaliisha dadka kale 

Bukhaari waxa uu qoray tiro ka badan 20 kitaab oo aqoonta ah oo uu kamid yahay kitaabkiisa ugu saxsan aduunka marka laga yimaado kitaabka quraanka waxaana ugu caansan kitaabadiisa saxiixul bukhaari waana kitaabkii ugu horreeyay ee lagu uruuriyo ama lagu jamciyo waxa uuna waday alifidiisa 16 sanadood waxaana la sheegaa marka uu soo saarayay kitaabkiisa ugu saxsan inay katimid hal kalimo oo maalin asiga oo jooga madarasada ayuu macalinkiisa yiri fiicnaan lahaydaa hadii uu nin isku dayo nabiga wixii xadiis ka asaxay in uu uruuriyo waxa uuna meel dhigat oraahdaas wuxuuna ahaa waqtigaas arday wuxuuna go'aansaday in uu noqdo ninka uruurin lahaa axaadiista nabiga waxa uuna qori jiray halki xadiis asiga oo laba rakcadood soo dukaday waxa uuna ka kooban yahay kitaabkaas 7275 xadiis oo saxiix ah waxa uuna kala soo dhaxbaxay 6000 oo xadiis walina taariikhda laguma sheegin nin asiga u dhigma marka la fiirsho dhanka awooda xifdiga iyo sida xeeldheeran oo uu u raadin jiray iyo u sabirka marka uu intaas u dulqaatay waxa uu noqday asalka labaad ee umada islaamka ka shidaal qaadanayso waxa uuna kaga badiyay macalimiintiisa iyo carabta oo dhan isaga oo aanan ahayn carab oo ah faarisi waxayna dhashay samirkaas in ilaa iyo maanta meelkasta magaciisa lagaga celcelinayo waliba sidaas ayaa loogu celcelinaya inta uu jiro magaca islaam, kitaabkaas saxiixul bukhaari waxa uu yeeshay saamayn xoogan waxa uuna noqday il si rasmi ah loogu laabto axaadiista waliba si shaki la'aan ah marka la fiirsho aqoonta iyo aqoonyahanada waxa uu ku yeeshay kaalin cid gaarta ay yartahay ayuu ku yeeshay waxa ayna ku naaneyseen amiirka mu'miniinta ee aqoonta xadiiska, Muslim ibnu xajaaj oo ahaa alifaha kitaabka saxiixul muslim ardayna uu ahaa bukhaari ayaa ka dhunkaday indhaha dhaxdooda markaas ayuu hadana ka codsaday in uu ka dhunkado cagaha heerka uu ka gaaray weynaan iyo sharfid oo uu ilaahey ugu deeqay kadib markii uu jidka xaqa ah ku dhegay 

waxa uuna xijaabtay oo uu katagay taarikhda marka ay ahayd habeenkii ciidul fidriga 30-ramadan-256 Hijriga oo ku aadan 31-August-869 miiladiga ayuu u guuray dhanka rabigiis waxa uuna katagay oo laga dhaxlay aqoontaas oo ilaa maanta meelkasta oo qof islaam ah uu joogo lagu xusayo oo la dhahayo waxaa soo wariyay bukhaari hadana aysan jirin qof hadal ka kaynaysa 

Post a Comment

0 Comments