LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

ma banaan tahay in la guursado naag aan muslim ahayn || ninka ma guursan karaa naag kaafir ah ?

 Ma banaan tahay in la guursado haweeney mushrikad ah 

Asalamau calaykum walaalaha aqristayaasha maanta maqaalkeena waxaan jawaab ugu raadin doona su'aal inbadan kusoo noqnoqota maankeena hadaba waxaan halkaan idinku soo gudbinayaa sharaxaad faahfaahsan oo ku saabsan mowduuca ninka muslimka ah ee guursanaaya gabar aan muslim ahayn iyada oo la socota daliil quraanka iyo axaadiista suubanaheena SCW, marka la fiirsho aragtida guud ee islaamka waxa uu qiimo weyn u yeelay guurka iyada oo midaas looga dhawrsanaayo macaasida isaga oo u haysta heshiis muqadas ah oo dhexmara ninka iyo naagta kaas oo dhidibada u taagaya nolosha qoyska iyo xasiloonida bulshada sidoo kale quraanka iyo xadiiska waxay hanuunin ka bixinayaan cidda ay muslimiintu guursan karaan si loo hubiyo in midawgu noqdo mid ku habboon nolosha qoyska ee wada noolaanshaha iyo iimaanka ku dhisan, sidoo kale guurka ehlu kitaabka ( yahuuda iyo masiixiyiinta ) quraanku waxa uu si cad ugu fasaxay ragga muslimka ah in ay guursadaan haweenka dhawrsan ee ka tirsan kooxaha diinta waxayna ku xusan tahay suuratul maaida aayada 5aad

hadaba su'aasha mudan in la iswaydiiyo ayaa ah naag nuucee ah kirshtan ama yahuudiyad ayuu ninka muslimka ah guursan karaa hadaba su'aashaan ayaa ah mida soo noqnoqotay inbadan waxayn ku wareeraan arinta ku saabsan ninka muslimka ah inuu guursado naag kirishtan ah " christian woman " hadaba Alle SWT waxa uu inoogu sheegay quraanka waxa uuna yiri " وَلَا تَنْكِحُوا الْمُشْرِكَاتِ حَتَّي يُؤْمِنَّ " ha guursanina haweenka mushrikaadka ah ilaa ay ka rumeeyaan xaqa waxayna inoo cadeenaysaa ayaadani in aan la ogolayn in la guursado naag shaydaan caabud ah ama naag ku kacday shirki ilaa ay ka rumeeyaan ilaahey midaasani waxay na tusaysaa in ninka muslim ah uusan guursan karin naag rumeysan diinta hindiga ama naag rumaysan diinta siikhada ama naag rumaysan diinta buudhista ah ama nimanka inay guursadaan diin kasta oo ay Alle la wadaajinaayaan 

Hadaan kasoo gudubno su'aashaas waxaa sidoo kale haysanaa ayaada " أليَومَ أُحِلَّ لَكُمُ الْطَّيِباتِ وَطَعَامُ الَّذِينَ أٌوتُو الْكِتَاب حِلُّ لكُم وَطَعَامِكُم حِلُّ لَهُم وَالْمُحصَنَاتُ مِنَ الْمُؤْمِناتُ وَالْمُحصَنَاتُ مِنَ الَّذِينَ أوْتُوالْكِتابَ مِن قبلِكمْ إذَا آتيتُموهُنََّ أجُورهُنَّ مُحصِنِينَ غَيرَ مُسَافحِين وَلامُتَخِذِيْ أخْدَانٍ " aayadani waxay si cad u sheegaysaa inay banaan tahay ninka muslimka ah inuu guursado naag kamid ah ehlu kitaabka oo ah yahaadi iyo masiixi " christian " hadaba dadka waxay dhahaan suuratul maaidah aayada 5aad waxaa noola ogolaaday inaan guursano ehlu kitaabka kuwaas oo ah yahuud iyo kirishtan midaasi dhibaatada malahan lakin marka la fiirsho maanta kirishtanka jira waxay rumeysan yihiin sadaxnimada sidaas darteed waa caabudayaal caabuda sadax waxayna leeyihiin kaniisooyin katoolig ah waxaana lagu arki karaa kaniisooyinkaas Ciise masiix oo iskutallaabta dusheeda ah, marka jahwareerka ayaa halkan imaanaya oo dadka waayadan dambe waxay leeyihiin kuwaani waa mushrikiin mana guursan karno masiixiyiinta joogay waqtiga nabiga waan guursan karnaa taasi run maahan wayaao ilaahey waxa uu ku sheegay quraanka lagu soo dajiyay nabiga SCW wuxuuna ku sheegay in ay yihiin kuwa rumaysan sadaxnimada sidaas ayuu Alle noo sheegay tusaale ahaan aayada 72aad suratul maaida ilaahey waxa uu ku yiri " لقد كفر الَّذين قالو إنَّ اللهَ هُوَالْمسيحُ ابنُ مريمَ وَقَالَ الْمسيح يا بني إسرَائِيْل اعْبُدُاللهَ ربي وربكم إنّه منْ يشرِك باللهِ فقدْ حَرَّمَ اللهُ عَلَيهِ الجَنةَ وَمأوَاهُ النارُ وَما لِلظَّالِمينَ من أنصار " waxaa gaaloobay kuwa yiri Ciise Masiix ina Maryan waa Alle sidoo kale isla suuradaas aayada 73aad " لقَد كَفَرَ الذِينَ قالو إنَّ اللهَ ثالِثُ ثَلاثَةٍ " sidoo kale waxaa gaaloobay kuwa dhaheen ilaahey waa saddax midkood hadaba waagii nabiga caqiidada ay aaminsanaayeen masiixiyinta ayay maantana aaminsan yihiin inkastoo nabiga scw uu inoo sheegay inay banaan tahay in la guursado ehlu kutubka lakin waa kuwa si sax ah u raacay diintooda oo noqday kuwa dhowrsan lakin kuwa hada jiraan iyo kuwa qaar oo noolaayeen waqtiga nabiga SCW waxay ku sameeyeen badal sidaas darteed madmadow ma jiro in ninka muslimka ah uu guursan karo naag muslimad ah iyo waliba ehlu kutubka 



Diyaarinta : Maxamed Axmed Abuukar

Post a Comment

0 Comments