LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Ninka ma garaaci karaa xaaskiisa || ma banaan tahay in la garaaco xaaska ?

 Ninka ma garaaci karaa xaaskiisa ?

Asalamu calaykum walaalaha aqristayaasha maanta maqaalkeena waxaa ugu hadli doonaa su'aal ka dhaxguuxaysa maankeena taas oo ah in ninka garaaci karo xaaskiisa hadaba jadwalka guud ayaa ah in Alle SWT uu amray ninka in uu naxariisto waxa uu yiri " وَعَاشِرُوهُنَّ بِالْمَعْروف " kula noolaada xaaskiina wanaag taas oo noqonaysa in lagula noolaado dabeecadahooda oo la naxariisto hadaba marka la fiirsho jadwalka oo ilaahey u sameeyay raga ayaa ah in lagula noolaado si naxariis ah maxayelay qof jecel majiro in lagu xadgudbo hooyadiis ama walaashiis ama gabadhiis taas oo ka dhiganta in ninka uusan jeclayn in lagula dhaqmo qaab xumaan ah taasna waa jadwalka guud oo ilaahey raga u sameeyay hadaba waxa ka dambeeya albaabada xiran waa wax ninka iyo naagtiisa kaliya ay awoodaan inay wax ka qabtaan taas oo la micno ah in aan dibada laga soo faraglin arimahooda waayo marka ay reeraha faraha lasoo galaan waxa laga yaabaa in arinku fogaado sidoo kale nabiga SCW waxa uu saxaabada u sheegay in dumar badan ay soo booqdaan xaasaskiisa oo ay uga cawdaan raggoodi garaacaya waxa uuna dhihi jiray kuwaasi maahan kuwa idinkugu wanaagsan micnaha nimanka dumarkooda garaacaya kuma jiraan kuwa suubban ee Alle quudiya waana waxyaabaha uu rasuulka SCW uu ka digay

Marka aynu wax xukumayno uma jeedno qaramada midoobay oo ma tix-raacayno sharciga Geneva oo ay gaaladu sameeyaan ee waxaa aynu ku gudbinaa quraanka iyo sunnada nabiga SCW hadaba hadii aynu fiirino aayada suurada 4aad aayada 34 waxa kugu siinayaa tixraac waxayna dhahaysaa aayada " وَ اللَّا تِي تَخَافُونَ نُشُوزَهُنَّ " waxa uu yirei Alle kuwaad ka cabsataan caasinimadooda waaniya oo waa inaad xasuusisaa Alle oo aad u sheegtaa in arinka ay sameenayso inay xun tahay ama danbi tahay waa hadii ay sameenayaan wax uusan Alle raali ka ahayn hadii ay waano kaa diido ama shaqay wayso waanada waxaad sameysaa " وَاهْجُروهُنَّ فِي الْمَضاجِعِ " hadii ay waanada kaa diido waa inaad uga haajirtaa jiifka midaasani waa tix-galin oo hadii aad iyada la seexato hal sariir oo isku mid ah lakin aadan la lahayn xiriir qarsoodi ah sida inaadan habsiinin ama dhunkanin taasina waa qayb kamid ah waanada oo waxaa la rabaa in ay kusoo hanuunto lamana rabo hal ama laba maalin balse waa in ay socotaa arinkaas mudo hadaba hadii midaasi ay shaqayn waydo waxa ku xigo waa garaacid sida uu Alle yiri " وَاضْرِبوْهنَّ فَإن أطَعنَكُمْ فَلَا تَبغُو عَلَيهِنَّ سبيْلا " hadii ay soo ku waano qaadan wayso dhamaan waxyaabahaas marka danbe waa in la garaaco xitaa tarjumaankii quraanka Cabdullahi binu cabaas RC marka la waydiiyay sida loo garaacayo waxa uu yiri waa in lagu garaaco wax la fac tif ama xarig yar ama laan oo aan dhibaato weyn gaarsiinaynin ama aan xanuujinayn sidoo kale waxa uu yiri waa inaad ka fogaataa inaad wajiga dhibaato ka gaarsiiso 

Walaalkayga qaaliga ah garaaca noocaan ah loolama jeedo in uu ahaado mid jireed ee waxaa loola jeedaa in ay noqoto mid dareen leh oo laga rabo in ay indhaheeda kala qaado si ay u aragto sida ay u xun tahay naag ahaan hadaba garaacista noocaan ah waa nooc canaan ah wajiga laga dharbaaxin oo aan garabka laga dharbaaxin midaasina ma banaana 


Diyaarinta : Maxamed Axmed Abuukar


Post a Comment

0 Comments