LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Qisadii nabi Muuse CS iyo Fircoon

 Qisadii nabi Muuse cs iyo Fircoon 

لقد كان في قصصهم عبرة لأولىالألباب ماكان حديثا يفترئ ولاكن تصد يق ألذي بين يديه وتفصيل كل شىءوهدى ورحمة لقوم يؤمنون

Asalamu calaykum walaalaha aqristayaasha maanta maqaalkeena waxaan ugu sheekeyn doonaa taariikhda nabigii Alle ee nabi Muse iyo mushrigii weynaa ee Alle ku caasiyay ee Fircoon waliba anagoo kaashan doona siduu ilaahey uga waramay, ujeedka looga waramayo qisada waxaa ku sugan cibro qaadasho waxayna ugu sugnaatay dadka usaaxiib caqliga mana ahan sheeko la'abuuranayo balse waa rumeyn wixii ka horreeyay oo kutubtii xaqa ahayd iyo caddayn oo la cadeynayo wax kasta iyo hanuun iyo waliba naxariis waxayna ugu sugnaatay dadka mu'miniinta ah 

" نتلو عليك من نبإ موسي وفرعون بالحق لقوم يؤمنون " Alle subxanahu watacala asiga oo la hadlaya rasuulka waxa uu ku yiri " waxaan kugu akhrin korkaaga warkii nabi Muuse iyo Fircoon si xaq ah waxayna xaq u tahay qowmkii rumeeya " nabi Muuse qisadiisa waa qisada ugu dheer kitaabka quraanka marka la fiiriyo waxana ku jirta cibro aad iyo aad u adag taas oo ah in diinka Alle lagu sabro in daacada ilaahey lawado in dacwada rabi kor loo qaado iyo sidoo kale dhibaata walba oo kahor imaadana in aad ilaahey u kaalmeysato waxaana ku dhex arki doonaa marka aan gaarno qisada gudaheeda sida ay u hadli doonto iyo cibrada ku dhex sugan iyo sida loogu talagalay inay dadka ugu waano qaataan 

Nabi Muuse cs waxa uu kamid ahaa awlaadii nabi Ibraahim cs wuxuuna ku abtirsadaa nabi Yacquub cs, magaciisuna waa Muuse ibnu Cimraan ibnu Qaahis ibnu Caazir ibnu Laawi ibnu Yacquub 

Alle waxa uu yiri " إن فرعون علا في ألأرض وجعل أهللها شيعا يستضعف طائفة منهم يذبح أبناءهم ويستحي نساءهم إنه كان من ألمفسدين " ilaahey waxa uu yiri Fircoon waxa uu ahaa nin ku kor noqday arlada dhexdeeda, magaalada Masar waxaa u talinaayay boqor daalim ah oo dadka dulmiya oo magaciisa la yiraahdo Fircoon waxa uuna ahaa nin aad ugu xadgudbay arlada dhexdeeda waxa uuna qaybo kadhigay dadka meesha daganaa sida la sheego asiga dadka uu ka dhashay waxaa lagu magacaabi jiray qibdi nabi Muusena waxa uu kasoo jeeday reer banii isra'il waxa uuna Fircoon kor u qaaday qolada uu asiga ka dhashay wuxuuna ka dhigay dad magaalada ku xadgudba oo sameeya wax walbo oo ayaga rabaan qoladii kalena oo uu kasoo jeeday nabi Muuse waxa uu sameeyay in uu hoos mariyo sida uu ilaahey sheegay waxa uu adoonsaday qayb ayaga kamid ah waxa uu gowraci jiray wiilashooda gabdhahana waa uu ka xishoon jiray waxaana xaaladaas u sabab ahayd habeen waxa uu ku riyooday in dhibaato badan ay soo gaartay dadka uu asiga ka dhashay walibana waxaa la tilmaamaa iftiin kasoo baxay reer banii isra'il oo dab oo kale ah oo reer qibdi wada gubay waxa uuna la wadaagay riyadiisa dadkii saaxiriinta ahaa ama riyooyinka fasiri jiray waxayna ugu fasireen in wiil ka dhalan doono reer banii isra'il in uu sabab u noqon doono dilkiisa iyo burburka boqortooyadiisa waana marka uu amray in la gawraco wiil walba oo ka dhasha reer banii isra'il gabdhahana la iska dhaafo markii sidaas howshu ku socotay ayaa waxaa dhashay nabi Muuse cs markii uu dhashay ayaa hooyadiisa waxay u cabsatay cabsi daran sababtoo ah waxay ogtahay in boqorka uu ku dhaartay in uu gowracaayo wiil walba oo reer banii isra'il ka dhasha ilaaheyna waxa uu inoo sheegay " وأصبح فؤا أم موسى فارغا" nabi Muuse hooyadiisa laabteeda waxa uu noqday mid faariq ah oo maran waliba markuu canuga banaanka usoo baxay oo ay jilbaha saaratay ayuu ilaahey usoo waxyooday " وأوحينا إلى أم موسى أن أرضعيه فإذا خفت عليه في أليم ولاتخفافي ولا تحزني " waxa uu yiri waxaan u waxyoonay nabi Muuse hooyadisa inay canugeeda nuujiso sababtoo ah waxaa raadinaayay askartii Fircoon si ay u gowracaan waxaana umi Muusa saarnayd kurbo iyo walbahaar waxa uu Alle ku yiri hadaa u cabsatana waxaad ku ridaa sanduuq waxaadna ku tuurtaa bada 

Marka ay xaaladu sii xumaatay umi Muusa waxay go'aansatay inay sanduuq ku rido kadibna ay ku tuurto yamiga ama bada markii ay ku tuurtay bada sida uu usii socday waxaa gacanta ku dhigay Fircoon ehelkiisa sida uu Alle " فالتقطه آل فرعون " waxa uu sanduuqa gacanta u gaalay Fircoon ehelkiisa hadaba meeshaas waxaan ka fahmaynaa in xukunka Alle uu yahay mid cajiib ah maxaayelay waxa uu ahaa ninka asiga looga cabsanaayay canuga oo asiga dartiisa loo galiyay sanduuq ayuu ilaahey gacanta u galiyay taasna waxaa nagula baraa awooda ilaahey sababtuna waxay ahayd inay ayaga tiiraayo u ahaato hadaba sanduuqa waxaa la keenay Fircoon hortiisa marka aktiisa la keenay waxaa soo hadashay naagtiisa sida uu Alle inoo sheegay " وقالت امرأة فرعون قرةعين لي ولك لاتقتلوه عسى أن ينفعنا أونتخده ولدا وهم لايشعرون " naagti Fircoon waxay tiri il qabowsi ayaa isugnaaday aniga iyo adiga ee hadilin waxaana laga yaabaa in uu wax na taro ama walad aan ka dhigano hadaba ilaahey waxa uu gacanta Fircoon soo galiay nabi Muuse waxa uuna joogay gurigiisa waxaana looga cabsi qabay in uu dilo waxay taariikhda qaar ay sheegaan in uu yiri Fircoon waa imtixaamaa canugan hadii uu noqdo nin caaqil ah oo waxgarad ah waan dilaa hadii uusan noqon waayo waa iska dhaafaa wuxuuna meesha u dhigay dab iyo timir waxa uuna yiri hadii uu timirto qaato waa nin caaqil ah waa nin mushaakil iyo dhibaato ii keeni doona waana dilaa lakin hadii uu dabka qaato waan iska dhaafaa waxa uuna canugii yaraa soo qaatay dabkii wuxuuna la'aaday afka waxa aynu ogaan doonaa marka u Alle baryo doono oo ah in lala soo diro walaalkiisa waana la iska dhaafay waxa uuna ilaahey sabab uga dhigay in canugaas uu gacantiisa ku koriyo waana mida uu ileehey yiri waxaan korkaada ku tuurnay galgacal oo ah in lagu jeclaado " وألقيت عليك محبة مني ولتصنع على عيني " waxaan kugu tuurnay maxabo oo markaasna lagu koriyo 

Marka la iska dhaafay canugii oo uu ku sugnaaday gurigii Fircoon hadaba canuga waxaa qabatay baahi waxaana loo raadiyay islaan nuujisa halka ilaahey uu yiri sidan " وحرّمنناعليه المراضع من قبل فقالت هل أدلكم على أهل بيت يكفلونه لكم وهم له ناصحون " waxaan ka xarimnay naagba walba oo canug nuujisa, markasta oo loo keeno naag walba oo irmaan oo naaskeeda caano leh waa uu diidayay marka ay maqashay nabi Muuse hooyadiis in canuga uu gacanta u galay Fircoon laabteeda waxa uu noqday mid faariq ah waxayna sigtay inay dhahdo anaa dhalay ee iska dhaafa waxa uuna Alle yiri hadaanan qalbigeeda dabooli lahayn waa ismuuji lahayd waxa uuna sidaas u yeelay inay mu'miniinta kamid noqoto waxa ayna amar ku siisay walashisa in ay canuga xaaladiisa la socsocoto waxa ayna walaashiis Fircoon ama reerka Fircoon ku tiri ma idin tusiyaa ahlu bayt idinka kafaalo qaada oo uu naaskeeda ogolaan doono waxayna dhaheen na tusi waxayna u keentay hooyadii dhashay markii loo keenay canuga hooyadiis waxa uu bilaabay in uu naaskeeda jeqo oo uu nuugo markii ay nuujisay waxay tiri aniga waan iska baxaa waxaana aadayaa gurigayga waxayna ka codsadeen in ay la joogto oo meeshooda ku nuujiso lakin way ka diiday oo waxay u sheegtay in uu gurigeeda cidlo ka yahay wayna ka ogolaadeen in ay gurigeeda u qaadato oo ay halkaas kusoo nuujiso xitaa waxaa lagu siinayay ujro ama mushaar nuujinta canugeeda markii uu canuga barbaaray oo uu weynaaday waxa uu bilaabay in uu banaanka u baxaayo oo galo safaro gaagaaban oo kasoo laabanayo sida uu Alle tilmaamay " ولمابلغ أشده واستوى آتيناه حكماوعلماوكذالك نجزي ألمحسنين "

Maalin maalmaha kamid ah waxa uu nabi Muuse soo galay magaalada waqti dadka ay qaflo ku jiraan oo laga wado waqti ay dadka hurdayaan ama hergalayaan ayuu magaaladii imaaday sida uu Alle inoo sheegay " ودخل المدينة على حين غفلةمن أهلها فوجد فيهارجلين يقتتلان هاذا من شيعته وهاذامن عدوه فاستغاثه ألذي من شيعته علي  ألذي من عدوه فوكزه موسي فقضي عليه قال هاذامن عمل الشيطان إنه عدو مضل مبين " waxa uuna arkay laba nin oo dagaalamaya mid kamid ah waxa uu ahaa qoladii reer bani isr'iil oo ah qoladii oo nabi Muuse kasoo jeeday halka kan kale oo kasoo jeeday qoladii reer qibdi oo ah Fircoon dadkiisa sidaan soo sheegnay qoladii uu Fircoon ka dhashay waxay ahaayeen dad dulmi iyo xadgudub ku caan ah waxayna isku haleenayeen xukunka oo gacanta ugu jira, waxaana gargaar waydiistay midka kasoo jeeday reer bani isra'il oo yir Musow ninkan iga dhici, nabi Muuse waxa uu necbaay dulmiga wuuna ogaay in dadkaan ay yihiin dad daalimiin ah wuxuuna hal feer ku dhuftay ninki dulmiga waday waana dhintay ninkii inkastoo ujeedada nabi Muuse aysan ahayn in uu ninkaa nafta ka qaado lakin waxa uu rabay in uu dulmiga ka celiyo marka uu arkay in uu ninka uu dilay waxa uu yiri kani waa camal shaydaan shaydaankuna waa cadaw oo dadka dhumiya intaas kadib ilaahey ayuu danbi dhaaf waydiistay sidoo kale waxa uu yiri ilahayow nicmacada aad iguugu nimceesay ma usugnaanin in aa dadka dulmiga wada inaa ku taageero ilaaheyna waa cafiyay intaas kadib waxaa magaalada ku faaftay dilka ninka waxaana la ogaan waayay qofka dilay waxaana magaalada lagu soo diray askar si ay u baaraan ninka dilka geestay waxa ayna sameeyeen Fircoon iyo madaxdii shir waxayna soo saareen hadii la ogaado qofka dilka geestay in lagu xukumaayo dil toogasho nabiguna waxa uu ku xakumnaa dil, iyadoo xaalada sidaa maraysa ayaa nabi Muuse waxaa u yimid nin mu'min ahaa oo imaankiisa qarsanaayay waxa uuna ku yiri "  وجاءَ رجل من أقصي ألمدينة يسعى قال ياموسى إنَّ الملأ يأُتمرون بك ليقتلوك فاخرج إني لك من ألناصحين " waxa uu ku yiri Muusow madaxdii waa kuu tashanaayaan waxayna rabaan in ay ku dilaan ee magaalada isaga bax intaas kadib nabi Muuse asiga oo magaalada ku dhuudhumanaaya ayuu wuxuu arkay ninkii shalay uu u gargaaray oo hadana nin kale is haystaan ayuu hadana ku yiri Muusow iga celi ninkaan waa uuna la yaabay ninkii inta uusan ka qaban ayuu waxa uu ku yiri maxaa dhacay; maalin walba dagaal miyaa ku jiraysaa war niyow maa noqotid qof dagan, inta uu canaananaayay ayuu waxa uu u maleeyay in asiga dhibaato la gaarsiinayo halka nabi Muse uu rabay in uu ninka kale ka celsho lakin ninkii uu u gargaaray shalay ayaa wuxuu yiri " قال ياموسى أتريد أن تقتلني كما قتلت نفساً بالأمس إن تريد إلا أن تكون جبارافي ألأرض وماتريد أن تكون من ألمصلحين " waxa uu ku  yiri ma waxaad doonaysaa inaa i disho sida aad shalay naf u dishay mana rabtid inaad noqotid qof arlada wanaajiya ee waxaad rabtaa inaad noqoto mid arlada fasahaadinaya sidaas ayaana nabi Muuse loo ogaaday in uu yahay qofka wax dilay intaas kadib arintii ayaa cadaatay ileen doqonkii ayaa fashilay waxayna soomalidu ku maahmaahdaa dayuus looma gargaaro ama doqon gacan lama siiyo 

Waxay go'aan ku gaareen Fircoon iyo madaxdii in lasoo qabto oo la dilo waxaana nabi Muuse lagu dhahay isaga bax magaalada waa uuna soo baxay nabi Muuse waxa uuna soo aaday madyan markii uu usoo jiheestay waxa uu yiri ilaahay waxa uu mudan yahay in uu igu hanuunyo jidka toosan markii uu soo gaaray meeshii ay reer madyan biyaha ka dhaansanayeen dadkuna ay ka waraabaan ayaa wuxuu ku arkay laba gabdhood oo meel gees ah jooga oo arigooda ku ceceshanaaya halkii nimanka raga ahaa ay waraabsanaayeen oo ceelka ay joogaan waxa uuna u tagay labadii gabdhood oo uu ku yiri maxaa idinku dhacay waxayna ugu jawaabeen anaga ma waraabsanayno ilaa nimankaan ay ka tagaan aabaheenana waa oday duq ah, nabi Muuse cs waa u waraabiyay waxa uuna siiyay biyo sida Alle inoo sheegay " فسقى لهما ثم تولى إلى الظل فقال رب إني لماأنزلت إلي من خير فقير " waa u waraabiyay gabdhihii waxa uuna iska harsaday geed hoostiisa asiga oo baahan waxa uuna yiri ilaahayow waxaad isoo dajisaa khayr waan u baahanahay, gabdhihii markii ay tageen xaafadood waqti hore ileen waxaa caadadooda ahayd inay daahaan waxaa la yaabay aabahood waxa uuna waydiiyay xaaladood waxayna ugu jawaabeen waxaa ilaahey nosoo diray nin barako leh xoog badan ayaa inoo waraabiyay waxaana losoo diray dhinaca nabi Muuse labadi gabdhood midkood waxaa u timid nabi Muuse labadi gabdhood midkood iyada oo u soconaysa qaab xishood ama sariig ah " فجاءته إحداهما تمشي علي استحياءٍ قالت إن أبي يدعوك ليجزيك أجرماسقيت لنا فلما جاءَه وقص عليه القصص قال لاَتخف نجوت من القوم ألظالمين "waxayna culimo qaarkood sheegaan in ninka dhalay gabdhahan uu ahaa nabi Shucayb cs si kastaba ha ahaatee waxaa losoo diray gabdhihii mid kamid ah iyada oo ku soconaysa si xishood ah waxayna ku tiri aabahay ayaa kuu yeeraya si uu kaaga ajir siiyo waraabinta aad noo waraabisay markuu u yimid waxa uu ugu sheegay qisadii waxa ka keenay magaalada masar ee keentay magaalada madyan markii looga sheekeyay odaygii wuxuu ku yiri ha cabsan waad kasoo badbaaday qoomkii dulmiga badnaa, markii ay xaaladu sidaa marayso ayaa labadii gabdhood mid kamid ah soo hadashay waxayna tiri aabow ninkaan noo kireey ileen waxaa u kheyr roon cid la kiraysta mid xoog badan oo aamin ah waliba waxa ay sheegan culimada taarikhda in odayga uu la yaabay oo uu waydiiyay siday ku ogaateen in uu xoog badan yahay hadan aamin yahay waxayna u sheegtay sida dhaqsaha badan oo uu ceelka ugu waraabiyay, sidoo kale waxay ku sheegtay in uu yahay aamin waxay dhahday aniga ayaa hor socday oo mar walba oo ay dabeel timaada maradeeda ayaa kor u qaadmaysay nabi Muuse waxa uu ku yiri gadaal soo mar aniga kaa hormaraaya maxayelay waxa uu rabay in uusan arkin cawradeeda waana sababta ay ku dhahday waa aamin waxayna tiri sidaa ayaan ku ogaaday hadaba odaygii waxa uu ahaa nin caaqil ah waxa uu ku yiri waxaan rabaa in aan kuu guuriyo labadayda gabdhood mid kamid ah lakin waa inaad ii shaqaysaa sideed sano hadaad ii dhamaystirtana aktaada ayay ahaatay sababtoo ah ma rabi in aan ku dhibo " قال إني أريد أن أنكحك إحدى ابنتي هاتين على أن تأجرني ثماني حجج فإن أتمت عشرا فمن عندك وماأريد أن أشق علي ستجدني إن شاءَألله من الصالحين " waxayna culimo qaarkood sheegaan labada gabdhood ay loo guuriyay ay tahay midi yarayd waana ogolaaday nabi Muuse cs waxa uuna yiri kaasi waa balan dhexdeena ah korkaygana dhib kuma ah labada mudo eebana waxaan sheegayno waa u wakiil sidaas ayuu nabi Muuse uga kafaalo qaaday dhibkii tirada badnaa taasna waxay ku tusaysaa in nabi Muuse uu ahaa qowzaar ama ari jire, nabi scw waxa uu yiri nabi majiro ilaa waxa uu ahaa qowzaar ama ari jire asigana waxaa lagu dhahay adigana ka waran waxa uuna yiri xitaa aniga hadaba xikmada kujirta ayaa ah, xoolaha dadku dhaqdaan waa geel ama lo' ama ari sidaa darteed wax la ilaaliyo waxaa ugu dhib badan ariga waxaa laysku misala bani'aadamka iyo ariga maxayelay sida ariga u dhib badan yahay ayuu bani'aadamka u dhib badan yihiin waana tababar la siinayo anbiyada 

Markii uu nabi Muuse waqtigiisa dhameystay waxa uusoo kaxeestay ehelkiisa taas micnaheeda waa in wali risaalada loo dhiibin ilaahey waxa uu sheegay in uu waqtigiisa dhameestay lakin lama sheegin waqtiga mida ay tahay sideed ama toban sano waxaana la sheegaa in uu dhameestay tobanka waxa uuna soo watay ehelkiisa waxay ahayd habeen waxaana jirtay dhaxan aad u daran markii uu lakulmay mushkiladaas waxaa ka dhumay nabi Muuse jihadii uu ku socday asiga oo socda ayuu waxa uu arkay iftiin baxaaya waxa uuna ehelkisa ku yiri waxaan aadayaa meesha uu iftiinka ka baxaayo waxaana laga yaabaa in aan soo helo labo faa'ido mid kamid ah; in dadka jooga meesha ay nosoo tilmaamaan wadada ama in aan kasoo qaadano qori dab ah kadibna aan isku kululeeno markii uu yimid goobtii iftiinka waxaa usoo naadiyay Alle swt, aayado qaarkood waxay dhahaan " فلماأتاها نودي من شاطئ الواد الأيمن في البقعة المباركة من الشجرة أن يامسى إنى أناالله رب العالمين " markuu yimid waxaa looga dhawaaqay toga dhinaciisa midig oo ah meeshii barakaysanayd  ee geedka waxaana lagu yiri anigu waxaan ahay ilaahey eebaha caalamka sidoo kale aayad kale ayaa waxay dhahaysaa "إني أناربك فاخلع نعليك إنك بالوادي المقدس طوى" waxaa lagu yiri anigu waxaan ahay rabigaa ee siib kabaha maxayelay waxad ku sugan tahay togii daahirnaa ee duwa waxaana lagu yiri waan ku doortay ee maqal waxa laguu waxyoon  sidoo kale Alle waxa uu ku yiri nabi Muuse; gacantaada midig maxaa ku jira " وماتلك بيمينك يا موسى " nabi Muuse waxa uu yiri waxaa gacantayda ku jira waa ushayda waana ku taagsadaa " قال هي عصاي أتوكؤُ عليها وأهش بها على غنمي ولي فيها مآرب أخرى " markuu yiri nabi Muuse usha waan ku taagsadaa arigaygana waan ku daaqsadaa sidoo kale dano kalena waa iguugu sugnaadeen ilaahey waxa uu ku yiri " قال ألقها ياموسى " markii uu nabi Muuse usha tuuray waxay noqotay abeeso dhaqdhaqaaqaysa " فألقاها فإذاهي حية تسعي " nabi Muuse marka uu arkay in usha ay dhaqdhaqaaqayso nabiga waa jeestay waana orday gadaalna masoo fiirin ileen wuu cabsaday " وألق عصاك فلما رآها تهتزكأنها جانّ ولى مد براولم يعقب ياموسى إني لا يخاف لديَ المرسلون " nabi Muuse waxaa lagu yiri soo noqo hana cabsan adigu aamin baad tahay aktaydana kama cabsadaan dadka mursaliinta waa sida aayada kale ay tilmaantay markuu soo noqday nabi Muuse waxaa lagu yiri  " قال خذها ولا تخف سنعيدها سيرتهاالأولى "waxa uu yiri Eebe Muusow qabo usha hana ka cabsan waxaana kusoo celin doona sida ay ahayd marka uu qabtay nabi Muuse waxa ay kusoo noqotay tilmaanteeda hore oo ah sida ay ahayd waxaa hadana sidoo kale lagu yiri " واضمم يدك إلى جناحك تخرج بيضاء من غير سوءٍ آيةً أخرى " waxaa gacantaada galisaa jeebkaaga oo laga wado dhanka feeraha waxay soo bixi doontaa iyadoo aad u iftiimaysa waana calaamad kale waxa uuna ilaahey ku yiri labada aan ku tusnay waa labo xujo ee waxaad ula tagtaa Fircoon maxaayelay Fircoon waa xadgudbay 

Marka ay nabi Muuse xaaladu ku xumaatay oo la dhahay aad ninka oo aktiisa kaga xukumnaay dil toogasho waxa uu baryay ilaahey waxa uu yiri " قال رب اشرح لي صدري " waxa uu yiri ilaahayow ii waasici laabtayda iina fududeey arinka aad dusha ii saartay, cuqdada carabkayga ka fur, hadalkayga ha fahmaano waxaana ii sameysaa waziir ehelkyga, Haaruun oo walaalkayga ah carabkayga ku xooji taas micnaheeda waa in nabi Muuse uu Alle u baryay walaalkiis Haaruun in risaalada lagala qayb galiyo ujeedka uu Alle ugu baryaayna waxay ahayd " كي نسبحك كثيرًا , ونذكرك كثيرًا " waxa uu yiri waxaan rabnaa in aan wax badan kuu tasbiixsano kuna xasuusan inbadan ilaahey waxa uu ugu jawaabay " قال قد أتيت سؤلك يا موسى " waxa uu yiri Eebe weyne waan ku siinay waxkasta aad na su'aalatay sidoo kale Alle SWT aayad kale waxa uu ku sheegay " وأخي هارون هو أفصح مني لسانًا فأرسله معي ردءًا يصد قني إني أخاف أن يكذّون " waxa uu yiri walaalkey Haaruun ayaa iga fasiixsan hadalka ee ila dir,  waxaana laga yaabaa in ay i bayniyaan sidoo kale waxa uu yiri waxaan kagalay danbi lakin ilaahey ayaa ku yiri aniga ayaa idin lajira ee u taga waxaadna kula hadashaan hadal jilicsan " فقولا له قولا ليننًا لعله يتذ كر أو يخشى " ilaahey waxa uu ku yiri kula hadla hadal jilicsan waxaa laga yaabaa in uu waano qaato ama cabsado, ilaahey waa og yahay lakin nabi Muuse ayaa risaalada loo fududeenaa hadaba nabi Muuse cs waa soo dhaqaaqay waxa uuna soo aaday dhanka Fircoon asiga oo ujeedkiisu tahay in uu xaqa u sheego Fircoon 

Markii uu nabi Muuse cs uu yimid xafiiska Fircoon waxa uu u sheegay arinta lasoo faray marka Fircoon uu maqlay hadalka nabiga waa uu la yaabay waxa uuna yiri " قال ألم نربك فينا وليدًا ولبثت فينا من عمرك سنين " waxa uu yiri Fircoon miyaadan ku barbaarin dhexdeena adoo yar oo hadana ku nagaagin dhexdeena cimrigaaga sanooyin, nabi Muuse waxa uu yiri intaas oo dhan waa jirtay waan idinka orday markaan idinka orday kadib ilaahey waxa uu ii hibeeyay xukun waxa uuna iga dhigay dadka lasoo diray markii la waaniyay Fircoon waxa uu yiri " قال فرعون وما رب العالمين " waxa uu yiri yaa waaye caalimiinta rabigooda nabiguna waxa uu ugu jawaabay " قال رب السموات والأرض وما بينهما إن كنتم موقنين " waxa uu yiri waxaa rabi ah kan samooyinka iyo dhulka abuuray ayaa rabi ah hadaad tihiin kuwa arinka yaqiinsan marka sidaa lagu yiri Fircoon waxa uu la hadlay dadka hareerihiisa fadhiyay waxa uuna yiri ma maqlaysaan ninkan waxa uu dhahaayo, nabi Muuse cs waa ku celiyay waxa uuna yiri " قال ربكم ورب آبائِكم الأولين " nabi Muuse waxa uu yiri rabigiin iyo rabiga aabayaalkiina horeeyay kaas ayaa rabi ah, Fircoon waxa uu yiri rasuulkina laysoo diray waa waalan yahay, wali nabiga asigoo dacwadiisa wata ayuu wuxuu yiri " قال رب المشرق والمغرب وما بينهما إن كنتم تعقلون " waxa uu yiri nabi Muuse waa rabiga bari iyo galbeed iska leh iyo waxa u dhaxeeya hadaa tihiin kuwa caqli leh intaas kadib Fircoon waa xanaaqay waxa uuna yiri " قال لئِنِ اتخذ ت إلاهًا غيري لأجعلنك من المسجومين " waxa uu yiri Muusow hadaa dhahdo mardanbe ilaah aan Fircoon ahayn ayaa jira waxaan kaa dhigayaa kuwa la xabiso sidaas ayuu ugu hanjabay nabi Muuse waxa uu yiri " قال أولو جئتك بشيْءٍ مبين " kawaran hadaan kuula imaado shay cad oo risaaladayda cadeenaysa waxa uu yiri Fircoon la imow hadaa run sheegayso intaas kadib nabi Muuse ushiisa ayuu tuuray " فألقا عصاه فإذا هي ثعبان مبين " nabi Muuse ushiisa ayuu tuuray waxayna noqotay mas muuqda sidoo kale gacantiisa ayuu soo bixiyay oo uu soo siibay waxay noqotay mid u iftiimaysa dadka fiirinaaya, waa labo calaamad oo ilaahey xagiisa ka timid waxaana la rabay in uu ku caqli qaato lakin nasiib darro waxa uu ku yiri madaxdii aktiisa joogtay ninkaan waa sixiroole cilmi badan halka laga rabay in uu ka rumeeyo waa uu sii madax adeegay waxa uuna ku yiri dadka atiisa joogay waxa uu doonayaa Muuse in uu dhulkiina idnka bixiyo ee maxaa sameenaa waxa ayna ku dhaheen " قالو أرجه وأخاه وابعث في المدائِن حاشرين "waxay dhaheen dadka Fircoon ka ak dhawaa dib u dhig isaga iyo walaalkiis arinkooda waxaana magaalooyinka u dirtaa kuwa soo kulmiya si ay kuugu keenaan sixirre kasta oo xeel dheer intaas kadib ha la isku diro asaga iyo dadka saaxiriinta waxaana la ogaan doonaa kii adkaada

Nabi Muuse iyo Fircoon waxay qabsadeen balan waxaana lagu balamay in la isku imaado maalinta quruxda oo laga wado maalinta ciida  iyo in dadka lasoo uruuriyo waqti barqo ah oo ay qoraxda soo kor noqotay hadaba Fircoon waxa uu soo uruuriyay dadkii saaxiriinta ahaa ee joogay magaalo iyo baadiyo waxaana lasoo kulmiyay maalinta balanta la qabsaday waxaa intaa dheer dadka ayaa waxay isla dhexmaraayeen suuqa ayagoo iswaydiinaya matagaysaa waliba dad waynaha waxay dhahaayeen" لعلنَّا نتبع السحرة إن كانو هم الغالبين " waxaa dhici karta inaa saaxiriinta raacno hadii ay guulaystaan, markii ay saaxiriinta ay yimaadeen waxay la hadleen Fircoon waxayna ku dhaheen Firconow hadan ka guulaysano Muuse maxaa nagu abaal marinaysaa waxa uuna ku dhahay waxaad leedihiin abaal gud wanaagsan waxaadna noqonaysiin kuwa ii dhaw hadaba markii goobta la iskugu yimid oo goobtii la imaaday waxaa soo galay nimankii saaxiriinta ahaa waxayna dhaheen Muusow ma tuuranaysaa ushaada mise anaga ayaa tuuranayno waxa uuna ku dhahay nabi Muuse" قال لهم موسى ألقو ما أنتم ملقون " waxa uu ku yiri tuurta waxaad tuuranaysaan wayna tuurteen markay tuurteen ayay waxay dhaheen " وقالو بعزة فرعون إنا نحن الغالبون " waxay dhaheen waxaan ku dhaaranay sharaftii Fircoon anaga ayaa guulaysanayno hadaba ulahooda iyo xargahooda markay tureen waxay noqdeen masas iyo abeesooyin markii uu nabi Muuse arkay xargahooda oo goobta buuxiyay wuu cabsaday sida Alle SWT uu sheegay " فأوجس في نفسه خيفةً موسى " lakin ilaahey ayaa kor kala soo hadlay oo ku yiri " قلنا لاتخف إنك أنت الأعلى " waxaa lagu yiri ha cabsan adiga ayaa marwalba guulaysanaya ee waxaa tuurtaa waxa gacantaada ku jira markuu tuuray waxay noqotay mid hal qabsata waxay been abuurteen markii ay usha nabi Muuse wada cuntay wax ala waxay barxada keeneen ayay waxay aaday dhanka Fircoon waana ka cararyay goobta sidoo kale dadkii saaxiriinta ahaa markay ogaadeen in waxa ka hor yimid inay tahay mucjiso way sujuudeen waxayna dhaheen waxaan rumeenay rabiga koonka taariikhda qaar waxay sheegaan marka ay sidaa dhahaayeen Fircoon wuu sii ordaayay markuu maqlay waxan rumeenay caalimiinta rabigooda asiga ayaa isku maleeyay wuuna soo noqday markasay dhaheen waa rabiga Muuse iyo Haaruun markay sidaa dhaheen waa u hanjabay waxa uuna yiri waxaan balan ku qaaday inaa gacmaha iyo lugahaa idinka googoyo waliba si isdhaaf ah waliba waan idin salbinaa waxaana idinku suraa timirta geedaheeda waxay dhaheen wax dhibaato ah maleh anaga rabigeen xagiisa ayaa u noqonaynaa aayad kale Alle waxa uu ku sheegay inay dhaheen waxad rabto inaad fuliso fuli kaliya waxaad wax nagu samayn kartaa nolosha aduunka 

Markii Fircoon laga guulaystay waxa uu bilaabay in uu dhibaato ku celinaayo reer banii isra'iil inta uusan sidaas sameenin waxaa la hadlay madaxdii ka ak dhawayd Fircoon waxayna dhaheen " وقال الملأ من قوم فرعون أتذر موسى وقومه ليفسدو في الأرض ويذرك وآلهتك قال سنقتل أبناءَهو ونستحي نسا ءهم وإنا فوقهم قاهرون " waxay dhaheen ma waxaa ku dayn Muuse iyo qowmkiisa si ay u fasahaadiyaan dhulka waxa uuna ku yiri markale ayaa wiilasha dili doonaa gabdhahana waan iska dhaafi doonaa, nabi Muuse iyo intii rumeeysay waxaa soo wajahday dhibaato hadaba si looga badbaado Fircoon iyo shartiisa waxaa lagu fakan karaa in ilaahey la kaalmaysto sida uu nabi Muuse ku yiri qowmkiisa " قال موسى لقومه استعينو بالله واصبرو إنَّ الأرض لله يورثها من يشاءُ من عباده والعاقبة للمتقين " waxa uu ku yiri qowmkiisa ilaahey kaalmaysta oo sabra maxayelay dhulkaan ilaahey ayaa iska leh qof walba oo adoomadiisa kamid ah ayuu dhaxal ahaan u siiyaa ciribta danbana dadka cabsada ayay u sugnaatay waxay dhaheen qowmka nabi Muuse waa nala dhibi jiray kahor imaatinkaada iyo kadib waxa uuna ku dhahay waxa uu rabigiin mudan yahay in uu halaago cadawgiina oo dhulka qaliif idinkaga dhigo asiga oo fiirinaya sidaa u camal falaysaan hadaba Fircoon waa ku tusaalo qaadan waayay labada mucjiso ee uu nabi Muuse ula yimid lakin ilaahey waxa uu sidoo kale nabi Muuse siiyay sagaal calaamad sida ilaahey uu sheegay " ولقد آتينا موسى تسع آيات بينات " waxa ujeedka ahaa in uu kuwaano qaato calaamooyinka uu nabi Muuse ula yimid hadaba calaamada ugu horeesay ayaa waxay noqotay in lagu salido abaarooyin iyo nuqsaan xaga dalaga uga yimid intaasna waxa la rabay inay ku waano qaataan  sida Alle SWT uu yiri " ولقد أخذنا آل فرعون بالسنين ونقص من الثمرات لعلهم يذ كرون " hadaba marwalba oo musiiba imaado waxay ku baaseesanayen Muuse iyo waxa lajira lakin haday imaado wanaag iyo dalaga oo baxa waxay dhahaayeen midaan anaga ayay noo sugnaatay ilaa markii danbee ay dhaheen waxwalbo oo calaamad ah oo ad noola timaado waxaad rabtaa inaad nagu sixirto intaas kadib ilaahey waxa uu usoo diray duufaan " فأرسلنا عليهم الطوفان والجراد والقمَّل والضفادع والدم آيات مفصلاتٍ فاستكبرو وكانو قومًا مجرمين " ilaahey waxa uu yiri waxaan u dirnay duufaan waxaana lagu saliday dabeel xoog badan markay dulqaadan waayeen waxay u yimaadeen nabi Muuse waxayna ku dhaheen Muusow noo bari rabigaaga sidoo kale aayad kale wuxuu ilaahey ku sheegay inay dhaheen sixirolahaanow rabigaada noo tuug hadii nagala qaado duufaantan oo sidaa ahayn hadaan kusoo noqono waan ku rumeynaynaa markii laga qaaday duufanta waxay dhaheen kuma rumaynayno markale waxaa lagu saliday ayax meeshay istaagaan ama jiiftan waxaa jooga ayax markay magaalada joogi waayeen ayay hadana waxay dhaheen Muusow rabigaada noo bari hadaad dhibaatada nagala qaado waan ku rumeynaynaa markuu ilaahey u tuugay waxaa laga qaaday dhibaatadii oo ahayd ayaxa markii caadi ay noqdeen ayay hadana waxay dhaheen kuma rumeyneyno hadana waxaa lagu saliday injir oo dhibaato badan gaarsiisay Fircoon iyo dadkiisa markay u adkaysan waayeen ayay waxay u yimaadeen nabi Muuse waxayna ku dhaheen Muusow rabigaada noo tuug hadii nagala qaado dhibkaan waan ku rumaynaynaa markii laga qaaday dhibkii ahayd injirta ayay waxay yiraahdeen kuma rumeyneyno markay sidaa yiraahdeen ayuu ilaahey kusoo diray rake oo meelwalba ay joogaan iyo waxwalba ay rabaan inay sameeyaan waxaa kahor taagan bahalkaan markii ay u dulqaadan waayeen dhibka waxay u yimaadeen nabi Muuse waxay ku dhaheen Muusow rabigaada noo tuug hadii dhibka nagala qaado waan ku rumeynaynaa markii uu ilaahey u tuugay waa laga qaaday dhibkii hadana waxay yiraahdeen wax aan ku rumaynayno majirto intaas kadib ilaahey waxa uu ku saliday dhiig markii ay rabaan in ay biyo cabaan waxa uu noqonaayay dhiig sidoo kale hadii ay rabaan in ay caano cabaan waxa uu isku badalaayay dhiig waxay u tageen nabi Muuse waxay ku yiraahdeen Muusow rabigaada noo tuug hadii nagala qaado dhibkaan waan ku rumeynaynaa waxaana kamid noqonaynaa dadka hanuunsan waliba ilaahey waxa uu tilmaamay markii loo soo diraayay aayadaha waxay ka waynayd midba midka kale " ومانريهم من آية إلا هي أكبرمن أختها وأخذْناهم بالعذاب لعلهم يرجعون " waxa uu yiri eebe weyne ma tusino aayad hadii kale way ka weyn tahay tan kale oo laga wado midkii lasoo diro waxaa ka waynayd oo ka darnayd mida kale intaas waxaa la rabay in uu ilaahey ogaado oo xumaanta iyo shirkiga iska joojiyo waliba waxaa jirtay marwalba oo laga qaado dhibaatada waxa uu u yeeraayay qowmkiisa waxa uuna barkado ku shubaayay caano malab iwm wuxuuna ku dhahaayay kuwaani waa wabiyo hoos dureeraya hoostayda ma arkaysaan miyaa waliba waxa uu sii raacinaayay " أم أنَاْ خير من هاذالذي هو مهينن ولا يكاد يبين " waxa uu dhahaayay soo aniga kama kheyr badni miyaa midkaan dulleysan ee karayn waxna cadayn karin oo ula jeedo nabi Muuse waxa uuna sii raaciyay hadii uu run sheegayo maxaa loogu soo dejin waayay jijimo dahab ah ama maxay malaa'ik ay is raaraacaysa igu imaan waayeen halahaas waxa uu rabaa in uu qowmka caqliga ka badalo waxa uuna rabaa in uu tusiyo in uu yahay qofka xaqa ku taagan mana aaminsanayn aayaadka nabi Muuse uu ula imaanayay 

Markii Fircoon xaaladiisu weynaatay oo ka madax adeegay daacada ilaahey waxaana bilaabatay halaagida Fircoon laguna halaago bada dhexdeeda, ilaahey waxa uu sheegay marka uu madax adayg meesha ugu saraysa ka gaaray hadaba Fircoon waxa uu go'aansaday in uu dilo nabi Muuse iyo intii rumeysay markay xaaladu sidaa maraysay nabi Muuse waxaa usoo waxyooday ilaahey waxaana loo waxyooday in uu magaalada ka baxo asiga intii rumeysay waxaadna ogaataa in gadashiina lasoo socon doono, hadaba nabi Muuse iyo qowmkiisa way soo baxeen waxaana kasoo daba baxay Fircoon iyo askartiisa waxayna rabaan in ay dilaan waliba ayagoo soo qaatay waxay ku dili lahaayeen ilaahey waxa uu yiri " فلماتراءَى الجمعان قال أصحاب موسى إنالمدركون " markii ay is arkeen labadi koox nabi Muuse asxaabtiisa waxay yiraahdeen waa nala haleelay waliba markii ay sii socdeen ayaa hortooda waxaa ka timid badii marka ay damceen in ay bada gudbaan waa ay gudbi waayeen sidoo kale markii ay rabeen in ay gadaal usoo noqdaan waxay arkeen askartii Fircoon waana markuu ilaahey yiraahday way is arkeen labadi koox waxa uuna ugu jawaabay nabi Muuse qoladiisa " قال كلاإنَّ معيَ ربي سيهدين " ha cabsanina ilaahey ayaa ila jira markii ay xaaladu xumaatay oo nabi Muuse ay waayeen meel ay kabaxaan intaas kadib ilaahey waxa uu usoo waxyooday nabi Muuse CS waxaana lagu yiri usha aad wadato bada ku dhufo wuu ku dhuftay badii ayaa kala go'day ilee markii horeba awooda ilaahey ayay sidaa ku ahayd hadaba nabi Muuse iyo kooxdiisa waxaa loo bixiyay 12 jid markii qolo walba ay gaartay bada bartamaheeda ayay waxay is yiraahdeen amay soo galaan bada lakin ilaahey ayaa ugu talagalay waana lala hadlay nabi Muuse waxaana lagu yiri " واترك البحر رهوًا إنهم جند مغرقون " ka tag badda ayada oo furan iyagu waa kuwa la maashay doono, marka looga guulaystay arinka waxaa dhacday in uu la hadlay waziirkisa oo lagu magacaabi jiray haamaan waxa uu ku yiri waxaad ii dhistaa sar waxaan mudanahay in aan soo daalacdo samada oo soo arko ilaahayga uu Muuse sheegayo waxaana umaleenayaa in Muuse oo kamid yahay beenaalayaasha sida uu rabay ayaa loo sameeyay oo sartii ayaa loo dhisay waa fuulay waxna sooma arkin markaas ayuu yiri war aniga idinkuma ogi ilaah aan aniga ahayn markii uu xaaladahaas oo dhan sameeyay ayaa waxaa jira nin mu'min ah oo imaankiisa qarsanaayay sidaan soo sheegnay ayaa marlabaad soo galay waxa uu yiri ninkii mu'minka ahaay qowmkaygow noloshaa waa nolol aduun ah oo aad u yar daarta aakhirana waa qaraar qofkii camal wanaagsan sameeya asigaa iska leh qofkii camal xun sameeyana naar ayaa lagu abaal marinaa, qowkaygow waxaan idinkugu yeerayaa guul halka adinkuna iguugu wacaysaan naar waxaadna iguugu yeeraysaan naar anigana waxaan idinkuugu wacayaa Alaha caziizka ah cibaadadiisa waxaana xaqiiqo ah wax aad iguugu yeeraysaan uusan lahayn nacfi waxaana layna celin xaga eebe weyne waadna xasuusan doontaan hadalka aan maanta idin leeyahay waxaan arinkayga u bandhiganaa Alle markii uu dhahaayayna sidaa waxay ugu hanjabeen inay dilaayaan lakin ilaahey ayaa ka badbaadiyay dhakartooda oo ay la damacsanaayeen in ay ku dilaan hadaba ninkii Fircoon ahaa oo rabay in uu dilo ninkaa mu'minka ah waxa uu kusii dhaw yahay bada waxa lasoo galiyay qowmkii Fircoon bada oo ninkii ugu danbeeyay ee nabi Muuse qowmkiisa kamid ahaa oo lugta ka baxshay kii ugu danbeeyayna oo Fircoon dadkiisa ahaa lugta loosoo galiyay oo ay kasoo buuxsameen bada ayuu Alle SWT amray in bada la isku keeno waxaana isku yimid biyihii meeshaasna ayaa lagu maasheeyay oo lagu halaagay sida uu Alle tilmaamay markii la isku keenay biyihii Fircoon waxa uu yiri " آمنت أنه لاإلاه إلّا الذي آمنتْ بنو إسرائيل وأنا من المسلمين " waan rumeeyay Allihii ay reer banii isra'iil ay rumeeyeen waxaana kamid ahay muslimiinta waxaana sidaa dhahay Fircoon oo ku jiray kibir kana madax adeegay diinta ayaa sidaa dhahay lakin lagama aqbalin waxa uuna nabiga scw uu sheegay in towbada laga aqbalo adoonka lakin marka ay dhuunt ay soo gaarto aan laga aqbalin hadaba waxa uu ku celcelinaayay Fircoon waan rumeeyay lakin Alle waxa uu ugu jawaabay " ألآن وقد عصيت قبل وكنت من المفسدين " waxaa lagu yiri ma hada ayaa rumaynaysaa adiga oo horay usoo caasiyay oo hadana kamid noqday mufsidiinta lakin waxa uu Alle u balan qaaday in korkiisa la badbaadin doono si ay dadka calaamad iyo cibro ugu noqoto dadka asiga ka danbeeya 


Diyaarinta : sheekh Maxamed Axmed Abuukar


Post a Comment

0 Comments