LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Taariikhda salmaan Al-faarisi RC || سلمان الفارسي

 Taariikhda Salmaan Al-faarisi

  Asalamu calaykum walaalaha aqristayaasha maanta maqaalkeena waxaa ugu hadli doonaa taariikhda Salmaan al-faarisi RC, waxa uu nabiga SCW uu yiri iimaanka iyo islaanimada hadii la geeyo halkaas waxaa qaadayo rag kuwaas kamid ah " لَوْكانَ الإيمان بِالثُّرَيًّا لتناوَلهُ رجَال من هؤُلاءِ " waxaa yiri hadalkaas rasuulka SCW waxa ayna gacanta rasuulka kor saarnayd Salmaan Al-faarisi asiga oo ula jeedo in nimanka reer furus ay ahaayeen rag adadag, hadaba qisada aan ka sheekenayno waa ninkii raadinayay xaqiiqada oo raadinayay ilaahey waana qisada Salmaan faarisi hadaba aan u dayno Salmaan naftiisa arinka si uu noogu waramo waxyaalaha cajaa'ibta badnaay ee uu soo maray 

Waxa uu yiri waxaan ahaar nin dhalin yaro ah oo reer furus kasoo jeeday waxaana kamid ahaay dadka dagan magaalada Asbahaan waxayna ku taalaa dalka Iran waxaana daganeyn tuulo lagu magacaabo Jayaan, aabahaygana waxa uu ahaa madaxda tuulada waxa uuna ahaa ninka ugu taajirsan tuulada sidoo kale asiga ayaa ugu magac weynaa xaga darajada anigana waxaan ahaay qofka uu ugu jecel yahay maqluuqa ilaahey laga soo bilaabo waqtiga lay dhalay waa uuna sii siyaadayay jaceylka uu ii qabo ilaa uu igu xabisay guriga cabsi uu aniga ii cabsaayo awgeed, waxaana ku dadaalay diinta majuusiyada ( dab caabud ama qorax caabud ayaa la dhahaa majuusi ) ilaa aan noqday dabka ninka shidayay dabkaasow aan ahayn kuwa caabuda waxaana la ii wakiishay in aan noqdo ninka dabka huriya waxaana ahaay mid habeen iyo maalin shida dabka waxaana aabahay uu lahaa badeeco waxaana naga soo gali jirtay faa'ido weyn waxaana gacanta ku haayay aabahay asiga ayaana noo keeni jiray faa'iidadeeda 

Maalin maalmaha kamid ah aabahay waxa uu ka mashquulay in uu aado dukaanka waxa uuna igu yiri wiilkaygow waxaa laygu mashquuliyay arimo kale iyo waxyaabaha aad arkayso ee waxaad aadaa badeecada iyo dukaanka marka uu aabahay sidaa igu yiri waan baxay aniga oo u jiheestay suuqa waxaana soo maray aniga oo wadada sii marayo kaniisad kamid kaniisooyinka ay nasaarada lahaayeen waxaana maqlay codkooda waliba ayaga oo dukanaayo waxaana i jiitay wax ay aqrinaayeen mana ahayn mid garanaya diinta nasaarada iyo diimaha kaleba taasna waxaa sabab u ahayd aabahay xijaabka uu i xijaabay dhererkeeda hadaba markaan maqlay codkooda waan u galay si aan u fiiriyo waxa ay sameenayaan markaan fiirshay waxaa i cajab galisay salaadooda waxaana jecleystay diintooda waxaana dhahay kan ayaa ka qayr badan waxa anagu aan heysanay oo ah dabka la caabudayo kama aanan tagin waxaana la joogay ilaa gabalku uu igu dhacay mana aanan tagin badeecada aabahayga waxaana aana waydiiyay qolada nasaarada intuu ka imaaday asalka diintaan yacni xagee jiraan dadka yaqaano diintaan waxayna igu dhaheen waxa ay jiraan ama laga helaa dhulka shaam waxaana usoo laabtay habeenka gurigayga waxaana ila kulmay aabahayga waxa uuna i waydiiyay waxaan soo sameeyay waxaana ku iri aabow waxaan maray dad ku dukanaaya kaniisay ay leeyihiin waxaana i cajab galisay diintooda kamana suulin la joogitaankooda ilaa qoraxdu ay ka dhacdo, aabahayga waxa uu ka argagaxay waxaan sameeyay waxa uuna yiri wiilkaygow diinta aad soo dhagaysatay wax qayr ah kuma sugna waxaana ka qayr badan diintaada iyo diinta aabayaalkaada waxaana ku iri majirto ee waxaa qayr badan diintooda, aabahay waxa uu ka cabsaday waxaan dhahay waxa uuna ka cabsaday in aan diintooda ka baxo waxa uuna igu xabisay guriga waxa uuna iga xiray labadayda lugood  

Waxaan warqad u diray qoladii nasaarada ahayd waxaana ku dhahay hadaa aragtaan dad shaam u socda isoo ogaysiiya, waqt yar kadib waxaa la arkay dad shaam u socda weyna ii sheegeen waxaana xeeladeestay xarigii igu xirnaa ilaa aan ka furay waxaana ka dhuuntay guriga habeenimada aniga oo is qarinaya waxaana raacay dadkii u socday dhulka shaam markii aan tagnay dhulka shaam waxaan ku dhahay dadkii aan safarka isla soo galnay yaa ugu kheyr badan diinta nasaariyada waxayna igu yiraahdeen waxaa ugu kheyr badan ninka kaniisada loo dhiibay oo lagu magacaabo Usquf waxaana u tagay ninkii lay sheegay waxaana ku dhahay waxaan jeclaaday diinta nasaariyada waxaana jeclahay inaan kula joogo aan kuu adeego oo aan kaa barto waxaad taqaano sidoo kale aan kula tukadi waxa uuna igu yiri soo gal markaan soo galay waxaan bilaabay in aan u adeegayo markaan la joogay maalmo waxaan ogaaday in ninka uu yahay nin xun waxa uu ahaa nin amra dadka raacsan inay sadaqada soo uruuriyaan waxa uuna ku boorinaayay sadaqada ajarkeeda markay u keenaan sadaqada si uu ugu bixiyo ilaahey wadadiisa lakin ma samayn jirin ee waa uu keydsan jiray waxna ma siin jirin dadka masaakiinta ah ilaa uu ka buuxshay lacagta iyo dahabka todobo ashuun waxaana u carooday qayaanada uu sameenayay sida uu sidaas u samayn jiray waxaa ku timid geerida waana dhintay marka uu dhintay waxaa isku soo baxay nasaarada si ay u duugaan waxaana ku dhahay saaxiibkiina waxa uu ahaa nin xun, waxa uu idin amri jiray sadaqada wuuna idinku boorin jiray ajarka sadaqada markaad u keentaan sadaqada asiga ayaa meel dhigan jiray waxna masiin jirin masaakiinta waxayna igu dhaheen sidee ku ogaatay waxaana ku dhahay aniga ayaa idin tusaaya meesha uu wax ku kaydsan jiray waxayna igu dhaheen na tusi waana tusiyay meesha markaan tusay waxay kasoo saareen todobo ashuun oo ka buuxda dahab iyo fido markay arkeen waxay yiraahdeen ma duugayno wayna salbiyeen waxayna korkiisa ku dhufteen dhagaxyo 

Maalmo kadib waxay u magacaabeen booska uu ka dhintay nin kale waxaana la joogay ninkii labaad waxaa uu ahaa nin aduun ka saahiday aakhirana jecel sidoo kale waxa uu daa'imi jiray cibaadada habeen iyo maalin waxaana jecleystay ninkii waxaana la joogay waqti badan markay geeridu ku timid waxaan ku dhahay hebelow yaa iguugu naseexeynaysaa in aan la joogo waxa uuna igu dhahay wiilkaygow waxaa jira nin haysta cibaadayda oo kale waxa uuna ku sugan yahay Mowsil ( waa goob kamid ah dhulka Ciraaq ) waana nin aan leexan mana badalin diintiisa ee ninkaas la joog markii uu dhintay waxaan aaday ninkii uu ii sheegay markaan u tagay waxaan u sheegay qisadayda waxaana ku dhahay hebel ayaa ii soo dardaarmay marka uu dhimanayay in aan kuu imaado waxa uuna ii sheegay in adiga aad haysato xaqa iyo diinta waxa uuna igu dhahay ila joog markaan la joogay waxaan ka helay cilmi markay geeridu ku timid waxaan ku dhahay hebelow waxaa ku yimid amarka ilaahey waxaadna ogtahay in aan jeclahay kheyrka ee yaa ii dardaarmaysaa in aan la joogo waxa uuna igu dhahay wiilkaygow ma ogi nin haysto waxaan aan haysano ilaa nin jooga dhulka Nasiibayn maahane ee waxaad u tagtaa ninkaas markii uu dhintay ninkii 3aad waxaan aaday dhulka nasiibayn waxaana u tagay ninkii waxaana u sheegay qisadayda waxa uuna igu dhahay ila joog waxaana ku nagaaday aktiisa waxaana helay waxa ay labadiisa saaxiib ku sugnaayeen markii ay geeridu kusoo dhawaatay waxaan ku dhahay waad ogtahay arinkayga ee yaa ii dardaarmaysaa waxa uuna igu dhahay wiilkaygow ma ogi nin kale oo haysta waxaan haysano oo kale ilaa nin jooga dhulka Camuuriya maahane ee hadaa dhinto waxaad aadaa ninkaas waxaana u tagay ninkii waxaana u sheegay qisadayda waxa uuna igu dhahay ila joog waxaana la joogay ninkii waxa uuna ahaay sida ay asxaabtiisa ay ahaayeen markii aan la joogay waxaan tabcaday xoogaa hanti markii ay geeridu kusoo dhawaatay waxaan ku dhahay waad ogtahay arinkayga ee yaa ii dardaarmaysaa in aan la joogo waxa uuna dhahay majiro nin haysta oo ku dhaqmaya waxaan haysano oo kale aniga ayaana u danbeeyay lakin waxaa dhawaaday waqti uu kasoo baxayo carab dhulkeeda nabi waxaana lala soo dirayaa diinta nabi Ibraahim waxa uuna ka haajiri doonaa dhulkiisa waxa uuna u haajiri doonaa magaalo timir usaaxiiba waxayna u dhaxeysaa laba buurood ( waxa uu ula jeeday Madiino ) waxa uuna ninkaas leeyahay calaamado aan qarsoomayn waxaana kamid ah calaamadihiisa waxa uu cunaa waxa hadiyad ahaan loogu keeno lakin ma cuno sadaqada sidoo kale labadiisa garbood dhaxdood waxaa kaga yaala qaatimu nabuwa ( nabigii midkii ugu danbeeyay ) ee waxaad aadaa dhulka carbeed hadaa awoodo waana dhintay ninkii waxaana ku nagaaday magaalda Camuuriya waqti badan ilaa magaalada Camuuriya uu soo maro koox kamid ah carab dadka ganacsada waxaana ku dhahay hadaa i gaysaan dhulka carbeed waxaan idin siinayaa arigayga iyo lo'dayda waxayna igu dhaheen waan ku qaadaynaa ee nagu soo wareeji xoolaha waana siiyay xoolaha wayna i qaadeen ilaa aan ka imaaday meesha lagu magacaabo Waadil-qura way i qayaameen waxayna iga iibsadeen nin yahuudi ah waxaana la joogay ninkii yahuudiga ahaa waxaana bilaabay in aan u adeegayo ilaa uu kasoo booqday nin ay ahaayeen ilmo adeer oo reer banii qurayda ah ayaa u yimid waa uuna iga iibsaday markii uu iga iibsaday waxa uu ii waday magalaada Madiina waxaana arkay timirtii uu isoo sheegay saaxiibkayga waxaana aqoonsaday tilmaantii uu iguu tilmaamay waxaana bilaabay in aan la joogo ninkii yahuudiga ahaa oo isoo iibsaday, waqtigaas nabiga waxa uu ahaa mid ugu yeerayada diinta magaalada Maka dhexdeeda waxaana mashquul ku ahaay adoonimadayda waxaana u adeegayay ninkii yahuudiga ahaa mana maqli jirin waxa war ah 

Nabiga SCW waxa uu usoo hijrooday magaalada Madiina, ilaah baan ku dhaartay waxaan saarnaay geed timireed uu lahaa sayidkayga waana ka shaqaynayay halka saydikayga uu hoos fadhiyay geedka hoostiisa waxaana soo qaabilay mid kale oo ay ilmo adeer ahaayeen waxa uuna ku dhahay ilaahey ha naclado reer qaylo ( waxaa la dhihi jiray nasaarada ) waxay iskugu tageen meesha la yiraahdo Quba ( waxay ahayd meel Madiino u dhaw ) waxayna u tageen nin maanta uga ymidi Maka oo sheeganaya in uu yahay nabi, markaan maqlay hadalkaas waxaa i gariiray jirkayga waxaana ka cabsaday in aan kasoo kor dhaco saiydkayga waxaana bilaabay in aan kasoo dago geedka timirta waxaana bilaabay in aan ku dhaho ninka maxaad tiri iguu celi warka markaan sidaa dhahay waxaa carooday sayidkayga waa uuna i feeray waxa uuna igu dhahay maxaa kaa galay warkaas ee ku laabo shaqada waxaana ku laabtay shaqada markii uu gabalku dhacay waxaan qaatay timir yar oo aniga aan haystay waxaana u jiheestay goobta uu nabiga SCW uu joogay ilaa aan uga tagay waana usoo galay waxaana ku dhahay waxaa isoo garaay in adiga aa tahay nin wanaagsan iyo in ay kula socdaan asxaab baahann oo gaajaysan ee waxaa kuu keenay sadaqo waxayna ila noqotay in aad dadka oo dhan adiga ka mudan tahay maadaama aad tihiin dad wanaagsan waana u dhaweeyay waxa uuna nabiga SCW ku yiri asxaabtiisa cuna halka nabiga uu gacanta ka laabtay uusan cunin waxaana naftayda ku iri midaani waa calaamada 1aad waana iska laabtay waxaana bilaabay in aan uruurinayo markii uu nabiga SCW uu kasoo wareegay Quba oo usoo wareegay Madiina waan u tagay waxaana ku dhahay waxaan arkay in aad sadaqada cunin waxaana kuu keenay hadiyad aan kugu sharfay waa uuna cunay nabiga waxa uuna asxaatiisay amray in ay cunaan wayna la cuneen waxaana naftayda ku dhahay midaani waa calaamadi 2aad markale waxaan u imaaday nabiga asiga oo ku sugan Baqiicul-qarqa ( waa meel dadka lagu aaso ) waxa uuna ahaay mid duugayo mid kamid ah asxaabtiisa waxaana arkay asiga oo fadhiya waxa uuna watay labo go' mid hoos ah iyo mid kor ah waana salaamay waxaana bilaabay in aan fiirniyo dhabarkiisa si aan u arko calaamadi 3aad oo isoo sheegay saxiibkaya Camuuriya marka uu i arkay nabiga SCW in aan fiirinayo dhabarkiisa waxa uu ogaaday muraadkayga waxa uuna tuuray go'iisa waana fiiriyay waxaana arkay qaatamu nubuwiya waana aqoonsaday waana ku dul dhacay aniga oo dhunkanaaya waxa uuna rasuulka SCW uu yiri bal nooga waram sheekadaada waxaana uga qisooday qisadayda waa uuna la yaabay nabiga waxaana farxad galisay inay dhageestaan asxaabtiisa qisadayda waxaana maqashiiyay qisadayda weyna la yaabeen wayna farxeen 

Ilaahey haka raali noqdo Salmaan Al-faarisi waxa uu ahaa nin xaqa raadinaya sidoo kale waxa uu ahaa nin aad u cimri dheer sidoo kale waxa uu noolaay nabiga gadaashiis waxaana la sheegaa in uu gaaray 260 sano 


Diyaarinta : sheekh Maxamed Axmed Abuukar

Post a Comment

0 Comments