LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Taariikhda saxaabiga Cacdulaahi binu xudaafa RC || عبدالله بن حدافة ألسهمي

 Qisada saxaabiga jaliilka ah ee Cabdullaahi binu Xudaafa Al-sahmi RC 

Asalamu calaykum walaalaha aqristayaasha maanta maqaalkeena waxaa ugu hadli doonaa saxaabi kamid ah saxaabada nabiga SCW oo ay adagtahay in ay soo marto taariikhda sida ay usoo mareen malaayiin carab ah oo asiga ka horreeyay waxa uuna ahaa saxaabi ay u suurto gashay in uu la kulmo labada sayid ee aduunka ee waqtigiisa ee lagu kala magacaaabi jiray Kisra oo ahaa boqorkii ka talinayay Furus iyo Qaysar oo sidoo kale ahaa boqorkii ka talinaayay Ruum   , Waxa uu yiri Cumar binu Khadaab RC qofkasta oo muslim ah waxaa waajib ku ah in uu dhunkado madaxa Cabdullahi waliba aniga ayaa bilaabaya " حق على كلِّ مسلمٍ أن يقبِّل رأْسَ عبدالله وأَنا أبدِءُ بدالكَ " markaas ayuu dhunkaday dadka oo dhan way dhunkadeen waxa uuna sidaas u sameeyay karaamo uu u haayay awgeed waana arki doona waxa uu ku mudeestay dhunkashadaas marka aynu gaarno qisada gudaheeda 

Magaciisa oo sadaxan waa Cabdulaahi binu Xudaafa Al-sahmi waxa uuna ka dhashay qabiil kamid ah qabiilada qureysh oo la oran jiray sahmi, taariikhda saxda ah ee dhalashada Cabdullahi si sax ah looguma sheegin diiwaanka taariikhda sida saxaabada badankood balse iyada oo la tixgelinayo in uu ahaa qof weyn oo awood u leh inuu ka qaybqaato dhacdooyin muhiim ah sida dagaaladii hore ee islaamka ay galeen sida dagaalka badar oo dhacay 624 miilaadiga waxaa la qiyaasi karaa inuu u badan yahay inuu dhashay qarnigii 6aad qiyaastii 590-600 miilaadiga waxa ayna ku salaysan tahay qiyaastani da'da caadiga ah ee qaan-gaarnimada iyo ka qaybgalka dhacdooyinkaan oo kale inta lagu jiro xiligaas sidoo kale Cabdullaahi binu Xudaafa waxa uu ku biiray islaamka waagii ugu horreeyay ee risaalada nabiga SCW inkastoo oo aan si sax ah loogu diiwan galin taariikhda saxda ah ee diintiisa haddana waxaa si guud loo fahamsan yahay in uu muslim noqday horraantii Maka waxa ayna ka bilaabmatay mudadani bilowgii nabinimada Muxamed ee 610 miilaadiga ilaa u haajirida Madiina 622 miilaadiga waxa ayna la kulmeen kuwii hore u islaamay cadaadis weyn oo kaga imaanayay qureysh hadaba Cabdullaahi waxa uu kamid ahaa kuwa qaatay caqiidada cusub inkasta oo uu la kulmay khataro iyo caqabado balse islaanimadiisa hore waxa uu kamid noqday saxaabada garab istaagtay nabiga SCW sannadihii aasaaska bulshada islaamka 

Cabdullaahi binu Xudaafa waxa ay qiso weyn dhexmartay boqorkii Kisra oo ka talinaayay dhulka Furus oo ku beegneyd sanadii 6aad hijirag waqtigaas nabiga SCW waxa uu go'aansaday in uu diro koox asxaabtiisa kamid ah oo uu diro boqorada cajabta ah si ay diinta islaamka u qaataan inkastoo rasuulka SCW uu ogaa dhibaatada ay leedahay arintaan hadaba kuwa la diraayo waxa ay aadayaan dhul fog oo aan horay u aqoon sidoo kale waxaysan aqoonin dadka la diraayo luqada looga hadlo goobahaas mana garanayaan dhaqamada ay leeyihiin boqoradaas waxaa intaas sii dheer waxaa loo caabudayay boqorada qaar ilaah ahaan iyada oo ay sidaas u dhib badan tahay arinka hadana waxaa la rabaa in ay ugu yeeraan diinta islaamka waxayna ahayd arin adag waxaana loo tix galinaayay qofka baxo in uu yahay qof la waayay ama dhintay sida ay u adag tahay darteed halka ninka kasoo noqda loo tix galinaayay in uu yahay qof hada la dhalay, nabiga SCW waxa uu kulmiyay asxaabtiisa waxa uuna u mahad celiyay Alle intaas kadib waxa uu dhahay waxaan doonayaa qaar idin kamid ah in aan u diro boqorada cajabta ah ee ha is qilaafina siday isku qilaafeen reer bani israa'il waxayna dhaheen asxaabta waan gudanaynaa waxaad doonayso iyo meesha aad rabto inaa noo dirto intaas kadib nabiga SCW waxa uu u yeeray lix kamid ah saxaabada si ay u qaadaan warqadaha uu qoray uguna geeyaan boqorada carabta iyo cajabta ah waxaana kamid ahaa lixdaas Cabdullaahi binu Xudaafa waxaana loo doortay in uu qaado risaalada nabiga SCW una geeyo boqorka Furus oo lagu magacaabayay Kisra 

Cabdullaahi binu Xudaafa waxa uu diyaarsaday gaadiidkiisa waxa uuna la dardaarmay ehelkiisa waana baxay waxa uuna ahaa nin kali ah oo fariid ah mana kaalmaysaneenin shaqsi ilaa ilaahey maahane markii uu gaaray Faaris meesha ay daganaayeen waxa uu idan dalbay inoo galo qasriga boqorka  asiga oo dhahaya waxaan rabaa in aan arko boqorkiina waxaana lagu dhahay boqorka waxaa kuu yimid nin carab ah waxa uuna kuu sidaa warqad ama dhanbaal waxa uuna amray ciidankiisa in ay qurxiyaan qasrigiisa waxa uuna u yeeray Faaris rageeda masuulka ahaa si ay usoo xaadiraan waana yimaadeen intaas kadib waxa uu u ogolaaday Cabdullahi binu Xudaafa in ay soo galiyaan waa uu soo galay asiga oo ay ka muuqato reer baadinimo iyada oo ay sidaas tahay waxa uu ahaa nin madaxiisa uu sareeyo joogiisa uu taagan yahay waxaana ka ifaayay feerihiisa dhexdeeda islaamka sharaftiisa waxa uuna ahaay nin iimaankiisa uu sareeyo markii uu arkay Kisra waxa uu mid kamid ah ciidankiisa amray in ay kasoo qaadaan warqada lakin Cabdullaahi waa diiday in uu u dhiibo ninka ciiidanka ahaa waxa uuna yiri rasuulka SCW waxa uu i amray inaan galiyo gacantaada mana qilaafayo amarka rasuulka markii uu arkay Kisra waxa uu yiri iikeen waqrada markii loo keenay waxa uu u yeeray nin afafka yaqaana oo carabi ah oo kamid ah dadka Xiira ( waa meel kamid ah Ciraaq oo u dhaxeysa Najaf iyo Kuufa ) waxa uuna ku amray in uu warqada ku furo hortiisa oo uu aqriyo waxaana ku qornaa warqada "بسم اللهِ الْرحمنِ ألَّرحيمِ , من مُحمدٍ رسولِ اللهِ إلى كسرى عظيمُ فَارِس, سَلَامُ على مَنِ آتبع الْهُدَى " ilaahey magaciisa ayaan ku bilaabayaa waxa ayna warqada ka socotaa Muxamed oo ah rasuulka ilaahey waxa ayna ku socotaa Kisra oo ah boqorka Faaris nabadgalyo korkiisa ha ahaato ninka hanuunka raaca, marka uu halahaas maqlay waxaa laabtiisa ka hurtay carro waxaana gaduutay wajigiisa waxaana kacay xididadiisa sababtoo ah rasuulka SCW waxa uu ka bilaabay nafsadiisa waxa uuna ka carooday warkaas waxa uuna soo qaaday warqadii waxa uu bilaabay in uu jeexjeexayo asiga oo aanan fiirinin waxa kale ee ku qoran waxa uuna ku qaylinayay " أيَكْتبُ لِيْ بِهَذَا وَهُوَ عَبْدِ يْ " asiga oo adoonkayga ah miyuu waxaas isoo qorayaa, waxa uuna ciidankiisa amray in banaanka loo bixiyo Cabdullaahi, Cabdullaahi waxa uu kasoo baxay qasriga boqorka asiga oosan ogayn waxa uu ilaahey ku samayn doono boqorkaan waxa uuna ku fakiraayay in la dili doono ama la iska dhaafi doono waxa uuna nafsadiisa ku dhahay ilaahey baan ku dhaartay uma aaba yeelayo xaalad kasto oo aan ku sugnaado hadaaba gutay amaanada nabiga SCW wuuna iska baxay, Kisra marka ay carada ka tagtay waxa uu maray in ay soo celiyaan Cabdullaahi wayna raadiyeen lakin uma suurta galin inay helaan waxayna bilaabeen inay ka raadiyaan wadada aadaysa jaziiradul carab sidoo kale maysan helin 

Cabdullaahi binu Xudaafa waxa uu u yimid nabiga SCW waxa uuna u sheegay arinka Kisra iyo in uu jarjaray warqada waxa uuna yiri nabiga SCW " مَزَّقَ الْلهُ مُلكَه " ilaahey ha dumiyo boqortooyadiisa, marka loo sheegay in Kisra uu baxsaday ninka waxa uu warqad u qoray nin lagu magacaabo Baadaan oo masuul uga ahaa Yaman waxa uuna ku yiri; waxaad dirtaa laba nin oo xoog badan waxaana u dirtaa ninka kasoo baxay dhulka Xijaaz ( waxa uu ula jeeda nabiga SCW ) waxaana ku amartaa inay soo wadaan oo ay ii keenaan, Baadaan waxa uu diray laba nin waxa uuna u diray rasuulka SCW waxa uuna u dhiibay warqad uu ku amrayo inay si dagdag ah usoo raaco labada nin una tago Kisra asiga oo daahin waxa uuna labada nin ka dalbay inay xogtiisa soo ogaadaan oo ay xaqiiqadiisa si fiican usoo ogaadaan iyo inay u keenaan wixi macluumaad ah oo ay lasoo kulmeen, labada nin way baxeen iyaga oo socodka dadajinaaya ilaa ay gaareen magaalada Daa'if waxayna ka heleen rag ganacsato oo qureysh ah waxayna wax ka waydiiyeen arinta nabiga SCW waxay ku dhaheen raga waxa uu jooga magaalada yathrib " Madiina " labada nin waxay ku dhaheen raga waa naloo soo diray waxaana nosoo diray Baadaan oo xakumyay Yaman waxaana doonayo boqorka Faaris, markay maqleen ragii qureysh hadalkaas way iska soo baxeen iyaga oo faraxsan waxayna bilaabeen inay u hambaliyeeyaan Qureysh iyaga oo dhahaya ishiina ha qabawsato maxayelay ninkii Muxamed ahaa waxa uu afka la galay Kisra shartiisana way idin daysay, labadii nin waxay bilaabeen inay u jihaystaan Madiina ilaa ay ka gaareen magaalada waxayna la kulmeen nabiga SCW waxayna u dhibeen warqada Baadaan uu soo qoray waxayna ku dhaheen boqorada boqorkooda waxa uu warqad usoo qoray boqorkeena si adiga laguugu geeyo waxaana kuugu nimid inaad na raacdo, hadaad na ajiibto oo aad noo fududayso anaga ayaa Kisra kaala hadlayno oo dhibkiisa kaa reebayno lakin hadaad diido waa ogtahay awoodiisa iyo inuu awoodo inuu adiga ku halaago, nabiga SCW waa dhoola cadeeyay waxa uuna ku yiri " ارْجِعَا إلي رِحَالِكُمَا الْيَوْمَ وائْتِيا غَدًا " meesha aad kusoo dagteen ku noqda oo beri ii imaada, markay soo kalaheen maalinta labaad waxay nabiga ku dhaheen inaad Kisra la kulanto ma isku diyaarisay waxa uuna nabiga SCW uu ku dhahay Kisra la kulmi maysaan maanta kadib maxayeelay ilaahey ayaa ku saliday wiilkiisa oo lagu magacaabo Shiirawayhi waxaana la dilay habeenkaas markii ay hadalkaas maqleen waxay indhaha ku taageen nabiga SCW iyaga oo la yaaban waxa uu dhahay waxaana ka dhaadhici waysay sida uu ku ogaaday warkaas wayna wareereen waxayna ku dhaheen maka war haysaa waxaa dhahayso hadii ay waxaas ay dhab tahay warqad manoo qoraysaa si aan ugu gayno Baadaan waxa uuna nabiga ku dhahay haa waa idiin qorayaa waxaana ku dhahdaan Baadaan Kisra boqortooyadiisa meesha ay gaartay ayuu diinkayga gaarayaa ee hadaa adiga islaamto waxaan kuu dhiibayaa meesha aad hada xakumayso waxaana madax kaaga dhigayaa qowmkaaga, labada nin way baxeen marka ay gaareen goobtooda waxay u galeen Baadaan waxayna warka nabiga u sheegeen Baadaan inkastoo asiga naftiisa uusan ogayn inuu dhintay Kisra markii uu dhagaystay hadalka labada nin waxa uu dhahay Muxamed waxa uu sheegayo hadii ay sax tahay waa nabi hadaysan ahayna go'aan dagdag ah ayaan ka gaari doonaa, isla markiiba waxaa soo gaaray warqad oo usoo diray wiilka Kisra Shiirawayhi waxaana warqada ku qornaa; Kisra waan dilay waxaana u dilay inaan qowmkeena uga aar gudno maxayelay waxa uu leenayay madaxda oo dhan waxa uuna qafaalanaayay haweenkooda waxa uuna boobayay maalkooda ee hadee kuu timaado warqadayda i adeeca oo amarkayga ha qilaafina maxayeelay aniga ayaa hada boqornimada la wareegay, markii uu aqriyay waxa uu tuuray warqada uu usoo diray Shiirawayhi waxa uuna muujiyay galitaankiisa islaanimada ileen waxaa xaqiiqo noqotay waxa uu nabiga sheegayay waxaan sidoo kale la islaamay dadka reer Furus oo joogay dhulka Yamen

Qisadaasani waxay ahayd la kulmida uu la kulmay Cabdullaahi binu xudaafa boqorka Kisra, waxaa sidoo kale uu la kulmay boqorka Ruum oo lagu magacaabayay Qaysar xilligii qilaafada Cumar binu Khdaab RC waxaana dhexmartay qisooyinka ugu cajaa'ibta badan hadaba aan isla fiirino qisada 

Sanadka marka uu ahaa 19 Hijriga, Cumar binu Khdaab waxa uu diray ciidan waxa uuna u diray ciidanka Ruum waxaana kamid ahaay ciidankaas Cabdullaahi binu Xudaafa, boqorka Ruum waxaa soo gaaray xog ku saabsan ciidanka muslimiinta inay yihiin dad imaan leh iyo caqiidadooda kaamilka ah iyo inay u dhintaan ilaahey dartiisa iyo nabigooda, waxa uu amray hadii ay soo qafaashaan rag kamid ah ciidanka muslimiinta inaysan dilin oo ay nolosha ugu keeneen, waxa uu ilaahey doonay in Cabdullaahi binu Xudaafa uu ku dhaco gacanta Ruum marki ay nolosha ku qabteen waxay u geeyeen boqorka Ruum waxayna ku dhaheen ninkaani waxa uu kamid yahay dadkii ugu horreeyay ee rumeeyay Muxamed waxaa uuna kusoo dhacay gacanteena waana kuu keennay ee waxaad rabto ku sameey, boqorka Ruum waxa uu waqti dheer fiirinaayay Cabdullaahi markaas kadib waxa uu ku dhahay waxaa kuu soo bandhigayaa arin; Cabdullaahi waxa uu yiri maxa waye arinkaas; boqorka waxa uu ku yiri waxaan rabaa inaad qaadato diinta nasaarada ee aad iska dhaafto islaanimada hadaad warkayga yeesho kuma dilayo waxaana ku dajinayaa meel fiican; Cabdullaahi asiga oo san taagaya oo ka xanaaqsan hadalka boqorka waxa uu ku dhahay : majirto waxaana ka jeclahay kun jeer waxaad iguugu yeerayso; boqorka Ruum waxa uu dhahay waan ku arkaa inaad tahay nin xoog badan ee hadaa ajiibto waxaan kuu bandhigayo waxaan kula wadaajin doona amarkayga waxaadna ila qaybsan doontaa madaxnimadayda; Cabdullaahi binu Xudaafa waxa uu ku yiri ilaahey baan ku dhaartay hadaa isiiso waxaad leedahay oo dhan iyo carab waxay leedahay oo dhan si aan uga laabto diinta nabi Muxamed hal daqiiqo ma sameenayo; boqorka waxa uu dhahay waan ku dilaa hadaa diido; Cabdullaahi waxa uu ku dhahay sameey waxaad doonayso, boqoqrka waxa uu amray ciidankiisa waxaana lagu taagay geed, boqorka Ruuma waxa uu ku dhahay ku shiishka yaqaaanay waliba luqada Ruumiga uusan Cabdullaahi fahmayn waxa uuna ku dhahay gacmaha akteeda kaga dhufta falaarta waxay fuliyeen amarka boqorka waxayna falaarta ku dhufteen meel u dhaw gacmaha, boqorka waxa uu fiirshay waxa uuna u bandhigay diinta nasaarada waa diiday Cabdullaahi, waxa uuna amray in lagu dhufto falaarta meel u dhaw luguhiisa markay sameeyeen waxa uu fiirshay Cabdullahi asiga oo dhahay maka faaruqaysaa diintaada sidoo kale waa diiday intaas kadib waxa uu ku dhahay iska dhaafa oo ka fura xariga, boqorka waxaa loo keenay dhari wayn waxaana laga buuxiyay saliid waxa uuna saaray dab ilaa saliida ay kartay intaas kadib waxa uu ciidankiisa amray in loo keeno laba ciidanka muslimiinta kamid ah oo laga soo qafaashay dagaalka waxa uuna amray in lagu tuuro dabka waana lagu tuuray isla markiiba hilibkooda  ayaa daatay waxaana soo haray lafihii oo kaliya, boqorka waxa uu fiirshay Cabdullaahi asiga oo dhahaya inta aadan meeshaas ku dhicin diinta nasaariyada iska qaado, Cabdullaahi binu Xudaafa waa diiday waliba diidid nuuca ugu daran, waxa uu ciidankiisa amray in lagu tuuro Cabdullaahi dabka, markii loola dhaqaaqay dabka xagiisa waxaa ilmeeyay labadiisa indhood, Qaysar ragiisa waxay dhaheen ninka waa ooyay waxa uuna ku dhahay soo celiya asiga oo u maleenaya inuu cabsaday markii hortiisa la keenay waxa uu u bandhigay gaalnimada waa diiday Cabdullaahi; boqorka waxa uu dhahay maxaa kaa ooysiiyay; Cabdullaahi waxa uu dhahay waxaa iga oohisay maxaayeelay naftayda oo kaliya ayaa lagu tuurayaa dabka waxaana jeclaystay aan la ooyay in timaha jirkayga ku yaalo oo dhan inta laga dhigo nafafyaal oo midba mar lagu tuuro, Qaysar waxa uu dhahay madaxa ma iga dhunkanaysaa waan ku sii daynayaa; Cabdullaahi waxa uu ku dhahay aniga kaliya maahanee ee muslimiinta dadka laga soo qabsaday ma fasaxaysaa; Qaysar waxa uu dhahay haa waan fasaxayaa adiga iyo dhamaan muslimiinta; Cabdullaahi waxa uu yiri waxaa nafteeda ku dhahay cadaw kamid ah cadawyada ilaahey oo aan madaxiisa dhunkaday oo aniga isii daayo iyo dhamaan muslimiinta lasoo qafaashay walee arinkaas korkayga dambi kuma ahan maxaayeelay dadkaan waa dad nooleenaya diinta islaamka, markaas ayuu u dhawaaday waxa uuna ka dhunkaday madaxa, boqorka Ruum waxa uu amray in Cabdullaahi loo fasaxo dhamaan muslimiinta lasoo qabtay 

Markii lasoo fasaxay Cabdullaahi binu Xudaafa waxa uu usoo galay Cumar binu Khadaab RC waxa uuna u sheegay arinka soo dhexmaray asiga iyo boqorka Ruum Qaysar waana farxay waliba farxad daran waxa uu fiirshay dadkii la socday Cabdullaahi binu Xudaafa RC waxa uuna dhahay hadal caan baxay " حق على كلِّ مسلمٍ أن يقبِّل رأْسَ عبدالله وأَنا أبدِءُ بدالكَ " waxaa waajibku ah qofkasta oo muslim ah inuu dhunkado Cabdullaahi aniga ayaana bilaabaya, maxayeelay waxa uu dhunkaday gaal asiga oo ku badbaadinayay naftiisa iyo nafta muslimiinta waana istaagay waxa uuna ka dhunkaday madaxa muslimintuna way dhunkadeen 

Cabdullaahi binu Xudaafa waxa uu dhintay sanadka marka uu ahaa 652 miilaadiga halka hijradu ay ku beegneyd 32 H ilaahey haka raali noqdo asiga iyo dhamaan saxaabada nabiga SCW



Diyaarinta : Maxamed Axmed Abukar 






Post a Comment

0 Comments