LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Waa maxay biyo baxa degdega || maxaa sababa biyo baxa degdega

 Waa maxay biyo-baxa degdega ?

Biyo-baxa degdega ah oo afka caafimaad ka loogu yeero Premature Ejaculation : waa xaalad dhibaato badan oo lasoo gudboonaata bulshada marka ay galmo sameenayaan, inkastoo qiyaasta muddada lagu kala duwan yahay  balse si cilmiyaysan waxaa laysku raacsan yahay qofka oo biyo baxa kahor waqtiga saxda ah 5-7 daqiiqo, biyo baxani labo daqiiqo iyo wax kayar, xanuunkani wuxuu tilmaamaa awood darrida shakhsiga ee uusan lahayn awooda uu ku xajisan karo biyaha ama manida taas oo sababaya in goor hore ay biyuhu yimaadaan marka lafiirsho xanuunkan wuxuu leeyahay heerar kala duwan dhinaca muddada iyo saamayno kala duwan taas oo kusoo koobmaysa caafimaad darro waxaana laga helaa xanuunkaan rag iyo dumarba balse waxaa u badan 80% raga 

Maxaa sababa biyo-baxa degdega ?


Waxaa hubaal ah wax kasta oo aadanaha ku dhaca in ay leeyihiin waxyaabo sababa iyo habab waxyaabahaas loo daawayn karo hadaba, dhibaatadaan oo maalin ba maalin ka danbaysa sii baahaysa , waxaana hubaal ah in jiil keenna iyo kuwa soo socda inay la noolaan doonaan nolon xambaarsan dhalmo yari guud iyo dhibaato bulsho, waxaana sidoo kale muhiima ah inaan ogaano sababaha waaweyn ee dhaliya cudurkan hadaba waxaan soo qaadan doonaa sababaha ugu muhiimsan ee dhaliya ama keena cudurkaan inkastoo ay jiraan sababo yar anagoo mid walba ka bixin doono falanqayn 

1: Siigada : hadii aynu isla fiirino waxa laga wado siigo waa in biyaha gacanta la iskaga keeno waxaana la isku raacsan yahay in uu yahay qodobka ugu weyn ee shaki la'aan ay rumeysan yihiin culimada caafimaadka in uu keeno biyo-baxa degdega

2: Xanuuno : waxaa jira xanuuno kala duwan oo keenaya cudurkaan sida xanuunka loo yaqaan baabasiirta, qanjir xanuunka ( thyroid gland ), xanuun ku dhacay xiniinyaha ( Prostrate infective diseases ), xanuun ku dhaca kaadi haysta, xanuun ku dhaca murqaha jirka, xanuun ku dhaca kelyaha, xanuun ku dhaca neerfayaasha, xanuunka loo yaqaano sonkorowga, intaas iyo inkabadan way keenaan cudurkan waxaa kaloo sii jira xanuuno loo yaqaano dhibaatooyinka nafsaaniga ( Psychological factors ) kaas oo sababa xanuunkaan 

3: Sigaarka : balwada sigaar jiidida waxay kamid tahay waxyaalaha ay inta badan culimadu caafimaad aysan dood ka keenin wuxuuna sababaa in unugyada qaada dhiiga ay aad iyo aad u yaryaraadaan islamarkaana keenaan natiijo ah ( Poor blood circulation ) in dhiiga uu aad u shaqayn waayo oo wareegiisu yaraado 

4: Qaadka : arintan waxay kamid tahay canaasiirta waaweyn ee biyo baxa degdega curiya sidoo kale waxaynu ognahay in qaadka ay ku jiraan maadooyin aad u badan kuwaasoo qaarkood mukhaadaraad halis gelin kara caafimaadka qofka, waxayna culimada caafimaadka sheegaan qofka qaadka cuna hamiga uu u haayo in uu xaaskiisa galmo la sameeyo aad buu u sarreeyaa balse markay xaqiiqada tagto waxa uu ku biyo baxaa wax ka yar hal ama labo daqiiqo 

5: Xumaha : daawashada aflaamta jinsiga ee galmada taas oo afka qalaad lagu yiraahdo ( Sex Blue Films ) iyo in sawirada qaaqaawan ee dumarka la fiirsado iyo nooc walba oo xumaan ah waxay sababaan biyo baxa degdega ah 



Diyaarintii : sheekh Mucaad Yuusuf Bagalow 

Post a Comment

0 Comments