LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Waa maxay daawada biyo baxa degdega

 Daawaynta biyo-baxa degdega 

Asalamu calaykum walaalaha aqristayaasha, ilaahey marka uu cudur walba abuurayay daawadiisa waa lasoo raaciyay ama bani'aadamka ha gartaan ama yaysan garan hadaba waxaa laga yaabaa in dad badani ay iswaydiyaan xanuunkaan wayn ee dhibaatada wayn keenaya sidee loo daawaynayaa hadaba jawaabtu waxay noqonaysaa wuu leeyahay daawo waliba daawo wanaagsan oo hadaad siday tahay u sameysay ilaahey uu kugu caafin doono 

Marka lafiirsho howsha galmada waxay u baahan tahay saddex waxyaalood tasoo la'aanteed aanba wax laqaban karin waxayna kala yiiin; Rabitaan ( Lipido ), Kacsi ( Arousal ) iyo biyo-bax ( Orgasm ) hadii saddex daas mid kamid ah lawaayo taas micnaheeda waa in aysan xaalada fiicnayn hadaba sida aan kusoo xusnay maqaalkii hore oo aad ka heli karto bogeena waxaan soo sheegnay celceliska qofka caadiga ah ku biyo bixi karo waa 5-7 daqiiqo taas oo afka qalaad lagu yiraahdo ( Normal Orgasm )

Biyo-baxa waxaa loo qaybiyaa labo marxaladood oo kala ah; ,marxalada saarista biyaha ( Emission ) iyo marxalada gamista biyaha ( Expulsion )  taas oo ah wixii ka dambeeya xaalada hore, biyo baxa degdega haduu qofku isku arko isagoo awal wanaagsanaa kadib guurkiisa waxaa loo yaqanaa ( Secondary Premature Ejaculation ) lakin hadii uu qabay ilaa qaangaarkiisa kahor guurkiisa waxaa loo yaqanaa ( Primary Premature Ejaculation ) sidaa darteed waxay ku kala duwan yihiin hababka daawaynta taas oo micnaheeda ah in mid walba si gaar ah loo daaweeyo hadaba marka shakhsiga la daaweynayo waxaa waajib ah in warbixin guud iyo mid gaara laga helo taasoo noloshiisa gaar ka ah oo asiga si dhab ah u saamaynaysa;

Sidaan horay usoo sheegnay cudur walba waxa uu leeyahay daawo sidoo kale waxaynu kasoo waranay in daawada dhabta ahi ee xanuunkan ay xiriir wanaagsan la leedahay in qofku soo gudbiyo macluumo iyo xog dhab ah oo la falgalaysa noloshiisa gaarka ah hadaba waxaynu sheegi doonaa qaar kamid ah daawaynta taas oo si guud u xalinaysa dhibaatadaan waxaana kamid ah :

1: Jimicsi : xalka ugu wayn ee ilaaliya eegga taas oo la xaqiijiyay wa jimicsiga, marka aad leedahay waxaan ka cabanayaa biyo bax micnaheedu wuxuu ka dhigan yahay waddooyinka ay biyhu ama manidu ay soo maraayeen ayaa lahayn isbaarooyinkii joojin lahaa sidaa darteed jimicsigu waa awooda lahubo ee dib u howl galin karta unugyadii itaal dareeyay waxayna dib usoo noolaynaysaa isbaarooyinkii jilcay waxaana sameesaa laba nooc ee jimicsiga sida kan dabiiciga ah ee afka qalaad lagu yiraahdo ( Natural Exercise ) ama midka biraha la qaadayay ee afka qalaad lagu yiraahdo ( Body Building /GYM

2: Jooji : sidoo kale talada ugu weyn ee bixiyaan culimada caafimaadka ayaa ah in la joojiyo daawashada iyo dhagaysiga waxyaalaha xun sida aflaamta galmada jinsiga, daawashada sawirada hubnaha leh, akhrinta maqaalada ka hadlaya arimaha galmada waa hadii aad dareen dhawdahay, cunista qaadka, jiidida sigaarka, siigada, istiiminta jirka iyo dhamaan wax walba oo halis galinaya caafimadka 


3: Cunto : waxyaalaha ay kula talinayaan culimada caafimaadka qofka qaba xanuunkan waa in ay cunaan cuntooyinka nafaqada, waxyaalaha faytamiinka iyo duxda leh sida : digirta, gallayda, haruurka, kalluun ka, hilibka, ukunta IWM sidoo kale waxay kula taliyaan in uu cabo ama badsado cabitaankoodad xulbada, caanaha, waxyaalaha la shiido IWM


4: Baaritaan : hadii ay jiraan xanuuno sababi kara xanuunkaan waa inaad sida ugu dhaqsiyaha badan u gaartaa xarumaha caafimaadka 



Diyaarinta : sheekh Mucaad Yuusuf Bagalow


Post a Comment

0 Comments