Ku biirideeda ee islaamka iyo safarkii xabashida
Safarka ay u safreen saxaabada xabasha waxa uu ahaa mid halis ah oo looga baahnaa muslimiintii hore inay ka tagaan guryahooda, qoysaskooda iyo alaabtii u tiilay maka inkastoo faahfaahinta saxda ah ee safarka Sawda iyo Sakran si weyn loogu diiwan galin lakin waxay ku lug lahayd geesinimo iyo adkaysi aad u weyn, kooxda safarleydu waxay u badan tahay inay ka gudbeen saxaraha qallafsan ee carbeed ilaa xeebta bada cas halkaas oo ay ku hubsadeen inay doomo ka raacaan, hadaba sababaha ay safarka u galeen muslimiinta sida Sawda iyo Sakran waxaa kamid ahaa cadaadis ay kala kulmeen qureysh iyadoo loo sababeynayo imankooda cusub waxayna magaaladaas u tageen inay raadiyaan nabadgalyo midaas oo uu ku amray suubanaheena csw
Markii ay yimaadeen dhulkii xabasha Sawda, Sakran iyo muslimiintii kale waxaa si weyn u qaabilay boqrka Najaashi waxa uuna siiyay una ugolaaday inay si nabad ah ugu noolaadaan boqortoyadisa mudadaas waxaa u saamaxday muslimiinta inay u nolaadaan si cad oo aan ka baqayn dhibaatayn uga timaada dhanka qureysh,markii ay tageen xabasha muslimiintu waxay samaysteen bulsho yar oo isku xidhan waxayna awoodeen inay ilaashadaan ku dhaqankooda islaamka waxayna sii wateen fidinta tacliinta islaamka, muddadani waxay muhiim u ahayd badbaadada iyo korrinka bulshadii hore ee muslimiinta
Muslimiinta usoo hijrootay xabasha hijaradii ugu horreesay waxay halkaas ku sugnaayeen waqtiyo kala duwan maadaama aysan dhamaantood isku mar kusoo laaban Maka hadaba kooxdii ugu horreesay ee hijrootay ayaa Maka kabaxday sanadka markuu ahaa 615kii miladiga qaar badan oo kamid ahna waxay joogeen dhullka xabashida dhowr sano, kooxdii ugu horreesay ee hijrootay oo ay ku jireen Sawda bint Zamca iyo Sakran bin Camar waxay xabashida joogeen qiyaastii saddax bilood kahor inta aysan qaarkood dib ugu laaban Maka kadib markii ay maqleen warar been abuur ah oo sheegaya in dhibaatadii lasoo afjaray sikastaba ha ahaatee markii ay soo laabteen waxa ay ogaadeen in xaaladu aanay kasoo rayn qaarkoodna waxay ku qasbaanaadeen inay dib ugu noqdaan dhulka xabashida, hijradii labaad oo dhacday 616 miladiga waxaa ku lug lahaa dad aad u tiro badan oo muslimiin ah waxaana kamid ahaa dadkaasi: Jacfar binu Abii-daalib, Asma bintu Cumeys oo ahayd xaaskii Jacfar, Umu salama oo kadib noqon doonta xaaska nabiga scw, Abu salama oo loo yaqaana Cabdullaahi binu Cabdil-asad oo ahaa ninka qabay umu salama, Cusmaan binu Cafaan, Ruqiya binu Muxamed oo ahayd gabadha nabiga scw iyo xaaska Cusmaan, Zubeyr binul Cawaam, Cabdiraxmaan binul Cawf, Abii Musa al-ashcari iyo waliba kuwa kale oo badan waxayna ku sugnaayeen dhulka xabasha ilaa 628 miladiga waxayna halkaas ku sugnaayeen mudo 12 sano ah markaasoo koox iyaga kamid ah oo uu hogaaminayay Jacfar binu Abii-dalib ay ku laabteen carabta oo ay ku biireen muslimiinta Madiina kadib heshiiskii xudeybiya
Kadib bilooyin, aqbaar been abuur ah waxaa soo gaaray muhajiriinta in xaalada Maka ay soo roonaatay, qaar kamid ah muhajirinta ayaa go'aansaday in ay dib ugu laabtaan Maka iyaga oo rajaynaya in dhibaatadii ay yaraatay, Sawda iyo Sakran ayaa kamid ahaa dadkii go'aansaday in ay soo laabtaan si kastba ha ahaatee markii ay soo laabteen waxa ay ogaadeen in xaaladu wali aan fiicnayn oo ay jirto colaad cadaadiskuna wuu sii socday kadib markii ay kusoo laabteen maaalada waqti yar kadib waxaa dhintay ninkeeda Sakran waxayna noqotay carmal waxayna ahayd waqti adag maadaama haweenka oo ninkooda dhinto ay la kulmi jireen caqabdo la taaban kara oo kaga imaada dhanka bulshada mid dhaqaale iyo mid bulsho ah
U haajiridii Madiina iyo guurkii nabi Muxamed SCW
Ka dib markii ay u adkeysteen dhibaatadii ka socotay magaalada Maka, bulshada muslimka ah ayaa ugu danbeyntii waxay u haajireen magaalada Madiina ama Yathrib sanadku marka uu ahaa 622-kii miilaadiga dhacdo loo yaqaanay hijriyada, Sawda ayaa kamid ahayd dadkii safarkaan muhiimka ah sameeyay, hijradani waxay calaamad u ahayd bilowga calendar-ka islaamka waxayna u aadeen Madiina gabaad nabdoon oo muslimiintu ku dhaqmi karaan caqiidadooda
Guurka nabiga scw iyo Sawda waxa uu dhacay marka ay taariikhdu maraysay 620-kii miilaadiga wax yar kadib markii ay geeriyootay xaaskii koowaad ee nabiga scw Khadija binu Khuweylid taas oo ku reebtay nabiga scw murugo una baahan wehel iyo garab istaag sidoo kale sababaha guurka waxaa kamid ahaa daruufo jiro awgeed maxaayeelay Sawda waxay kamid ahayd dadkii hore usoo islaamay waxayna la kulantay dhibaatooyin laxaad leh oo ay kala kulantay rumeenta ay rumeeysay nabiga sidoo kale kadib geerida ninkeeda waxay isku aragtay xaalad adag taasna, guurka nabigana waxa uu u ahaa in la siiyo ilaalin iyo taageero waxaana usoo jeedisay fikirka ah inay guursato nabiga scw gabadhii lagu magacaabi jiray Khwala bintu Xakiim
Kadib markii uu guursaday nabiga scw waxa ay ku noolayd guriga nabi Muxamed waliba nolol xasiloon hadaba halkaan waxaan idinkugu soo gudbin doonaa qaybo muhiim ah oo nolosheeda kamid ah intii ay joogtay magaalada Madiina:
1: Door taageero : Sawda waxa ay caan ku ahayd doorkeeda taageerada ee reerka nabiga waxa ay daryeeshay gabdhihiisa oo ay usoo dhashay xaaskii koowaad Khadija waxayna ka caawisay ilaalinta guriga
2: Cibaado diineed : Sawda waxa ay ahayd gabar muslimad ah oo cibaado badan kuna caan baxday cibaado iyo ku dhaqanka diinta islaamka waxa ayna ka qayb qaadatay hawlaha diiniga ah ee iyo arimaha bulshada ee bulshada muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalada Madiina iyadoo ka qayb qaadatay fidinta iyo tixgelinta islaamka
3: Ka qayb galka bulshada : Sawda oo kamid ah hooyooyinka mu'miniinta waxay kaalin mug leh ku lahayd bulshadii hore ee muslimiinta, joogisteeda iyo ficilkeedu waxay tusaale u noqdeen haweenka kale ee muslimiinta waxaana lagu qaddarin jiray caqli iyo waayo aragnimo
Sawda waxay sii joogtay magaalada Madiina kadib geeridii nabi Maxamed sanadkii 632-kii miilaadiga waxayna goob joog ka ahayd hogaankii labadii khaliif ee ugu horreeyay waxayna aragtay qaabka wanaangsan ee ay u fididaysay diinta bulshda dhexdeeda, Sawda binu Zamca waxay geeriyootay sanadka markuu ahaa 674-kii miilaadiga xiligii khilaafada Cumar, dhimashadeedu waxay soo afjartay noloshii muhiimka ahayd ee ka qayb qaadatay sanadii ugu horreeyay ee islaamka iyo aasaaskii bulshada muslimiinta
Diyaarinta : sheekh Maxamed Axmed Abuukar
0 Comments