LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Xog ku saabsan meerayaasha hawada sare

 Qeexida Meere

Asalamu calaykum walaalaha aqristayaasha, maanta maqaalkeena waxaa dulmar guud ku sameyn doonaa waliba si faahfaahsan magacyada meerayaasha waliba anagoo mid walba isdul taagi doono, hadaba markaan sharaxaad yar ka baxino waxa loola jeedo meere waa lakab kasamysan curiyayaal isku dhaaban oo muuqaalkiisa uu kooban yahay waxa uuna ku wareegaa qoraxda ama xidiga asiga oo raacaya jid asiga ugaar ah waxaana afka carbeer lagu yiraahdaa " Kowkab " halka afka ingiriiska lagu yiraahdo " Planet " waxaana laga soo xigtay eraygaas afka gariiga oo waqtigaas u arkayay in ay yihiin xidigyo macna ahaan marka la fiirsho waa xidigii soconayay waxa uuna cilmo falaga cadeenayaa in meerayaasha koonkaan ka jira ay gaarayaan balaayiin balse mudnaanta gaarka ah la siinayo inta anaga na quseysa oo la yiraahdo bah-cadceedeed kuwaas oo ah qoraxda iyo sideed meere oo ku wareega halka qole kale ay yiraahdaan sagaal meere waxaana kuwaas soo raaca shan meere oo yaryar oo la yiraahdo dunida yar waxayna ka kooban yihiin inta hoos ku xusan :

1: Mercury 

Meeraha meerkuri oo afsoomaliga loogu yeero " Dusaa " waa meeraha ugu yar marka la fiirsho nidaamka qoraxda waxa uuna leeyahay meel dhagax ah oo ay ku daboolan yihiin jeexjeexyo sidoo kale meerahani malaha jawi la taaban karo taas oo horseedaysa isbedelka heerkulka ba'an ee jira waxaana loogu magac daray ama uu ka imaaday magacaan asal ahaan ilaaha roomanka oo ay ula jeedeen xawaarihiisa iyo sida uu u dhaqdhaqaaqayo taas oo ka tarjumaysa meeraha degdega ah ee ku wareegsan qorraxda 

2: Venus

Meeraha fenas oo afsoomaliga loogu yeero " Waxaroxir " waa meeraha labaad ee ka yimaada qoraxda waxa uuna la mid yahay cabbirka iyo qaab dhismeedka dhulka laakiin wuxuu leeyahay astaamo kala duwan oo ka dhigaya mid gaar ah sidoo kale meerahaan waxa uu ku wareegaa qorraxda celcelis ahaan masaafada qiyaastii 108 milyan kiilometer ( 67 milyan oo mayl ), hal wareeg oo buuxa oo qorraxda ku wareegsan waa qiyaastii 225 oo dhulka taasoo ka dhigaysa maalinta meerahaan inkabadan sanadkii sidoo kale waxay leedahay wareeg dib u wareeg ah taas oo la macno ah inay u wareegeyso jihada kasoo horjeeda


 3: Earth

Meeraha earth oo afsoomaliga lagu yiraahdo " Dhulka " waa meeraha kaliya ee loo yaqaan in uu taageero nolosha waana meeraha sadaxaad ee qorraxda waxaana dhexroorkiisa lagu qiyaasaa 12,742 kiiloomitir (7,918 mayl ) waxa uuna ku wareegtaa qorraxda celcelis ahaan masaafada qiyaastii 150 milyan kiilomitir (93 milyan oo mayl ) oo loo yaqaan 1 Unit Astronomical ( AU ) 


4: Mars

Meeraha mars oo afsoomali ahaan loogu yeero ( Mariikh ) waa meeraha afraad ee qorraxda waxaana dhexroorkiisa lagu qiyaasaa 6,779 kiiloomitir ( 4,212 mayl ) waxayna qorraxda ku wareegtaa celcelis ahaan masaafada qiyaastii 228 milyan kiiloomitir ( 142 milyan oo mayl ) waxaana culayskiisa lagu qiyaasaa 0.11 jeer tirada dhulka 



Diyaarinta : sheekh Mucaad Yuusuf Bagalow

Post a Comment

0 Comments