LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Sidee diinta islaamku ku soo gaaray Somalia ?

 Sidee diinta islaamka ku soo gaartay dalka Somalia ?

Asalaamu calaykum walaalaha aqristayaasha, Somalia waxay kamid ahayd meelihii ugu horreeyay ee qaarada Africa ee qaatay diinta islaamka, hijradii ugu horreesay ee ay muslimiintu hijroodaan waxay soo gaareen magaalada Zeylac magaaladu waxaa ku yaalay masaajid lagu magacaabi jiray Al-qiblatayn oo ah masjidka ugu da'da weyn Somalia waana masjidka sadexaad ee ugu da'da weyn qaarada Africa 


Hijrada bariga Africa waxa ay dhacday inta uusan nabiga SCW uusan u hijroonin magaalada Madiina taas awgeedna muslimiinta ku nool bariga Africa waxa ay horay u dhisteen goobo ay ku cibaadaystaan hadaba sida aan wada ogsoonahay qiblada asalka ah waxay ahayd masjid Al-aqsa; muslimiinta ku noolayd bariga Africa ayaa u tukan jiray dhinaca qudus ama al-aqsa si kastaba ha ahaatee waxay badaleen jihadooda markii uu soo gaaray war ku saabsan in qiblada loo badalay kacbada 


Marka laga reebo Zeylac, masaajido qadiimi ah oo badan ayaa sidoo kale laga heli karaa koonfurta Somalia oo ay ugu muhiimsan tahay caasimada Muqdisho, ibnu Batuuta oo ah caalimkii caanka ahaa iyo sidoo kale ahaa musaafir ayaa ku tilmaamay magaalada inay tahay xarun islaami ah iyo dekad ganacsi ee firfircoon ee xeebta gobolka Banaadir, sidoo kale caalimkii caanka ahaa ee qarniga 14-aad ibnu Khalduun waxa uu buugiisa ku xusay in Muqdisho ay tahay magaalo weyn waxa uu sidoo kale sheegay in magaalada ay ku badan yihiin ganacsato badan oo maalqabeenno ah 
Islaamka koowaad kahor soomaalidu waxay ku dhaqmi jireen diin qadiimi ah oo loo yaqiin Ebbe waaq nidaam caqiido ah oo kakan si kastaba ha ahaatee waxaa jira cadaymo xoog leh oo sidoo kale soo jeedinaya tawxiidka kahor in ay jireen qabiil lagu magacaabo Yeber oo sheeganaya in ay si toos ah uga soo jeedaan cibraaniyada kuwaas oo kasoo haajiray Masar markii ay qaxeen sidoo kale ilo carabta ah oo aad u badan ayaa tilmaamaya joogitaanka kirishtanka ee Somalia laga bilaabo qarnigii 10aad iyagoo ku tilmaamay magaalada Zeylac inay tahay magaalo kirishtan ah oo ay ku noolaayeen tiro yar oo kamid ah ganacsatada yYemeni ah kuwaas oo nabad kula noolaay dariskooda masiixiyiinta hadaba xaqiiqada ayaa ah in maanta Soomaaliya ay joogaan ku dhawaad boqol muslimiin sunni ah 


Sidee Somalia u qaadatay diinta islaamka ah ?

Aragtida koowaad, qaar ayaa sheegaya in ganacsatadii Faaris "Persian" ay Soomaliya baddeleen intii u dhaxaysay qarniyadii 10-aad iyo 13-aad tani waxay macno sameenaysaa sababtoo ah dhaqankii Faaris ayaa si weyn u saameeyay dhaqanka Soomaaliya, waxay qaadatay 600 oo sano oo dacwo nabadeed ah si loo dhiso diinta islaamka dalka Indonesia oo hada ah wadanka ugu badan ay muslimiintu joogaan laakin dadka Soomaaliyeed ayaa loo aqoonsaday inay kamid yihiin bulshooyinka islaamka ugu caansan horraantii qarnigii labaad sidoo kale Soomaalidu waxay ahaayeen dad reer guuraa ah oo neceb dadka ajaanibta ah iyo colaadaba sidaas darteed waxay rabeen inay ku nolaadaan nabad waxayna aqbaleen diinta islaamka sida Masaarida ama Suuriyaanka u aqbaleen diinta kadib markii laga adkaaday Roomaanka iyo Faaris, aragtidaani ayaa ah mida loogu badan yahay ee Soomaalidu ku qaadatay diinta islaamka 

Aragtida labaad, qaar baa sidoo kale leh khilaafadii cabaasiyiinta ayaa qabsatay Somalia qarnigii 12aad ilaa 13aad aragtidani wax macno ayay samaynaysaa sababtoo ah khilaafadii cabaasiyiinta ayaa soo celinaysay sharaftii ciidannimo qarnigii 12aad iyo waliba horraantii qarnigii 13aad waxay sidoo kale kaxaysanayeen adeegayaal gobalada xeebaha Zanj " bantu " ee ka hooseeya Soomaaliya oo laga yaabo in lagu heshiiyay inay heshiisyo la galaan qabaa'ilada Soomaaliyeed sida ay Cusmaaniyiintu samayn jireen laakin aragtidani way qaldan tahay maxaa yeelay Soomaalidu waxay hore u ahaan jirtay ummad islaami ah oo caan ah qarniyadii 12aad iyo 13aad sidoo kale khilaafadii cabaasiyiinta waxay xiriir adag la lahaayeen Soomalida Zeylac iyo Muqdisho oo magaalooyinkaas ay ahaayeen bulsho islaami ah oo magac leh, qarniyo badan ayay qaadatay in la dhiso haybad taasoo macnaheedu tahay in Soomaalidu ay muslimiin ahaayeen muddo dheer kahor qarniyadii 12aad iyo 13aad, tan ugu muhiimsan ayaa ah inaysan jirin taarikh la diiwan galiyay oo ku saabsan duulaan shisheeye ee Soomaaliya ilaa waagii gumaystaha oo hadii ay Soomaaliya lagu soo duuli lahaa waxay kamid noqon lahayd taariikhda Cabaasiyiinta lakin maysan noqon 

Aragtida sedexaad, culumo qaar ayaa sheegayaa in ay saxaabadu soo islaamiyeen markii ay ku jireen socdaalka Aksum ( Aksum waxay ahayd boqortooyo qadiimi ah oo ku taala dhulka waqooyiga Itoobiya iyo Eriteriya waxayna ahayd boqortooyo ganacsi oo weyn oo isku xiraysay boqortooyada Roomanka iyo Hindiya ) Soomaalida qaarkeed waxay dhahdaa saxaabadu waxay islaamiyeen qabaa'ilada geeska ku jiray islaamkuna waxa uu kasoo bilowday Somalia waagaas, aragtidani waxay u muuqataa mid qaldan maxa yeelay saxaabada RC waxay heshiis la galeen hogaamiyaha Aksumka oo ahaa inay diintooda ku dhaqmaan muddada ay xabashida ku sugan yihiin sidoo kale saxaabadu waxay soo gaareen xabashida iyagoo maraya xeebeha casriga ah ee Eriteria ma aha Somalia ama Jabuuti sidoo kale saxaabada waxay magan galyo qoto dheer u galeen dhulka tigrayga iyo amxaarada sidaas darteed way ka fogaayeen Somalia lakin aragtidu waxay sheegaysaa qodobo adag sababtoo ah sida sunadu sheegtay hogaamiyaha Aksumka oo ahaa Najaashi wuxuu noqday muslim maadaama aysan sunadu ku darin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan nolosha Najashi ma garan karno taarikhda oo dhamaystiran kadib markii uu nabiga SCW uu u sameeyay janaazo maadaama ay Aksum ay ahaan jirtay magaalo kirishtan ah ilaa hadda waxaynu si hubaal ah ku oran karnaa in Najaashi diintiisa cusbayd asyan aqbalin dadkiisa taas oo ka dhigan in isaga iyo qaar kale oo xabashi hore kasoo noqday ay masaafuriyeen kirishtanka taasina waxay abuurtay suurtogalnimada in muslimiintii xabashida hore ay sameeyeen hijro iyaga u gaar ah ilaa ay la kulmeen dad canfar iyo soomaali joogtay xiligii jaahiliyada lakin dhab ahaantii waa dhacdada ugu macquulsan mar hadii aragtiyaha kale ay leeyihiin cilado uma badna in Soomaalidu si nabad ah ugu qaateen sida qarnigii 10aad ilaa 13aad beershiyiinta waxaana sidoo kale la tilmaamaa in xabashida hore ay ahaayeen kuwa barakaysan maadaama ay la falgaleen ama la dhaqmeen saxaabadii nabiga SCW ee sharafta badnayd waxaanan ognahay in jiilaashii hore ee muslimiintu ay lahaayeen sifaad aad u saraysa marka loo eego jiilasha danbe


Diyaarinta : Maxamed Axmed Abukar 


Post a Comment

0 Comments